Kumannaan qof oo ka soo qeybgashay aaska "cadowga India" ee Kashmiir laga jecel yahay

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Taageerayaal isugu soo baxay aaska Zakir Musa

Kumannaan qof ayaa ka soo qeybgalay aaska Zakir Musa oo lagu tilmaamay in uu ahaa "mintidkii loogu doon-doonista badnaa" kaa oo lagu dilay gobolka Kashmiir ee dhanka India ay maamusho.

Milatariga dalka India ayaa sheegaya in Zakir Musa toogasho lagu dilay shalay oo khamiis ahayd, ka dib markii ay ku go'doomiyeen guri ku yaal degmada Tral ee koonfurta Kashmiir.

Zakir Musa ayaa ka goostay kooxda Xisbul Mujaahidiin oo ah mid ka mid ah garabyada hubeysan ee Kashmiir kula dagaallamaya ciidamada dalka India, waxa uuna sanadkii 2017 ku beyca la galay ururka Al-Qaacidda.

Dilkiisa ayaa durbaba waxaa ka dhashay dibadbaxyo xooggan oo ka dhacaya gobolkaasi Kashmiir ee muslimiintu ay u badan yihiin.

Zakir Musa oo magaciisa dhabta ah uu yahay Zakir Rashiid Bhat ayaa gacanyare u ahaa Burhan Wani oo ahaan jiray hoggaamiye mintid ah oo shacbiyad badan ku dhex leh dadka reer Kashmiir. Burhan Wani ayaa sanadkii 2016, waxaa dilay ciidamada dalka India, waxaana dilkiisa ka dhashay dibadbaxyo xooggan.

In kabadan 100 qof oo rayid ah ayaa sanadkaasi ku naf waayay afar bilood oo ay rabshado dooxada Kashmiir ku dhex marayeen mintidiin diidan xukunka India ee gobolkaasi Kashmiir iyo ciidamada ammaanka ee dalkaasi India.

Warbaahinta dalka India ayaa sheegaysa in dilka Zakir Musa ay tahay "guushii" ugu weynayd ee ay soo hooyaan ciidamda dalka India tan iyo dilkii Wani.

Ilaa iyo haatan ma kala cadda tirada dhanbta ah ee dagaalyahannada kooxda Ansaar Qaswatul Hindi oo ah kooxda uu hoggaaminayay Zakir Musa.

Lahaanshaha sawirka EPA

Weriyeyaasha ayaa sheegaya in inkabadan 10,000 oo qof ay ka soo qeybgaleen aaska Zakir Musa oo ka dhacay degmada Tral.

Samiir Yasir oo ah weriye fadhigiisu yahay Kashmiir ayaa BBC-da u sheegay in mas'uuliyiinta dalka India ay isu diyaarinayaan rashado hor leh ka dib markii la xaqiijiyay geerida Zakir.

Samiir ayaa sheegaya in durbaba la dareemayo xiisad ka dhalatay dilka wadaadkani.

Lahaanshaha sawirka EPA

"Rabshado ayaa ilaa saaka dhex marayay dad dibadbaxyo dhigaya iyo ciidamada booliska. Dad ku dhawaaqaya magaca Zakir Musa ayaa sidoo kale isugu soo baxay waddada kaliya ee isku xirta magaalada Srinagar iyo qeybaha kale ee waddanka India, waxaana dadkaasi ay dhagxaan ku tuurayeen ciidamada booliska. Booliska oo iyaguna ku jawaabayay qiiqa indhaha ilmada ka keena," ayuu yiri Samiir Yasir.

Adeegga intarneedka ee gobolkaasi ayaa gebi ahaanba la hakiyay, waxaana bandow lagu soo rogay guud ahaan gobolkaasi. Waxaa sidoo kale la amray in la xiro iskuullada gobolkaasi maanta oo Jimce ah.

Shan arrimood oo ku saabsan Kashmiir

  • India iyo Pakistan ayaa gobolkaasi ku muransanaa 70-kii sano ee la soo dhaafay.
  • Labadani waddan mid kastaa waxa uu sheeganayaa lahaanshaha gobolkaasi balse midba qeyb ayuu hadda xukumaa.
  • Laba ka mid ah saddex dagaal oo dhex maray India iyo Pakistan ayaa salka ku hayay gobolkaasi Kashmiir
  • Tan iyo sanadkii 1989, kacdoon hubeysan oo ka dhan ah dalka India ayaa ka socday gobolkaasi oo ay Muslimiintu ku badan yihiin.
  • Shaqo la'aan baahsan iyo awoodda xad dhaafka ah ee laamaha ammaanka ay u adeegsanayaan dadka dibadbaxyada dhigaya ayaa xaaladda uga sii daray.

India waxay rabshadahaasi ku eedeynaysaa dalka Pakistan oo ay sheegtay in uu taageero kooxaha mintidka ahi, eedeymahaasi oo Pakistan ay dhawr jeer beenisay.

Tan iyo sanadkii 1989-kii, Kashmiir waxaa ka dhacayay rabshado galaaftay nolasha in kabadan 70,000 oo qof oo ay ku jiraan dadyow Hinduu ah oo reer Kashmiir ah oo bartilmaameed u noqday mintidiinta ka dagaallamaya gobolkaasi.