Nin sida dadka oo kale aas sharfan u sameeyay hal ka dhimatay

Garawo

Garawo waa tuulo ku taal meel 15km dhanka galbeed ka xigta magaalada Dhagaxbuur ee dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Tuuladaasi ayaa loogu magac daray hal caan ka ahayd deegaankaasi oo la oran jiray Garawo.

Garawo oo sida la sheegay Ilaahay uu caano ku manneystay ayaa waxaa lahaa nin la oran jiray Shiil Cismaan oo ku noolaa deegaankaasi billowgii qarnigii 20-aad ee aynu soo dhaafnay.

Muuse Cabdilaahi oo Shiil Cismaan ay qaraabo ahaayeen isla markaana soo raacay qaar ka mid ah geelii ka faracmay hashaasi la oran jiray Garawo ayaa BBC-da u sheegay in Garawo ay ammaantaasi ku muteysatay caanaha uu Eebe ku manneystay, waxaana sida uu sheegaya mararka qaar dhici jirtay in marka qosyka Shiil Cismaan iyo deriskuba ay ka dhargaan god lagu shubi jiray caanaha hashaasi.

Image caption Tuulada Garawo

Sida la sheegay Shiil Cismaan hashaasi aad ayuu u jeclaa oo xitaa waxaa mar dhacday in uu mar ku xila furay, taa oo ka turjumeysa qiimaha ay agtiisa ka lahayd.

"Garawo waxay ahayd neef adduunyo ah neefka ugu qaalisan. Waxay ahayd dadka adduunka jooga ee xoola dhaqatada ah, reer toban qoys ah, reerkaa waa ay ku filnayd. Sida lagu jeclaa waxa ay ahayd wanaagga caanaha lagaga maalayo. Kolkii caanaha dadku ka maalo ninkii Garawo dhaqanayay wuxuu u jeclaa aad iyo aad," ayuu yiri Muuse Cabdilaahi.

Image caption Muuse Cabdilaahi waxay qaraabo yihiin Shiil Cismaan oo ah ninkii aaska sagootinta ah u sameeyay hashiisa Garawo.

Marka Garawo dhaleyso

Sida qoyska Shiil iyo qoyskiisuba u jeclaayeen hashaasi waxa ay sababtay in marka ay foolaneyso la isugu yimaado oo dad badan ay shinsadaan.

Sida uu sheegaya Muuse Cabdilaahi, marka ay hashaasi dhaleyso waxaa loola dhaqmi jiray sida dumarka marka ay foolanayaan.

"Kolka Garawo ay dhalayso, dadku wuxuu u dhaqaaqi jiday sida haweenku marka ay foolanayaan ayaa culeys la saari jiray, baallaha ayaa laga fariisan jiray, sida haweenka oo kale ayaa looga umulin jiray," ayuu yiri Muuse.

"Kolkii Garawo laga dhaliyo, dadkaa meeshaa fadhiya ee isugu soo uruura, dhiilkii soo qaada hashii Idiimbacaso ayaa irmaanaataye dhiilasha soo qaata oo soo gurta ayaa lagu oran jiray dadka. Dadkaasi meeshaa isugu yimid ayay Garawo kolkaa deeqi jirtay sidii Idiimbacaso looga sheekeyn jiray oo kale."

Inkstoo xilligaasi ahayd billowgii qarnigi 20-aa d ee la soo dhaafay, haddana ilaa maanta taariikhda hashaasi waa mid ku weyn dadka deggan Dhagaxbuur, gaar ahaan tuulada Garawo.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Manfaca Geela iyo Soomaalida

Caadiyan Geela waxa uu magac iyo muuno gaar ah ku dhex leeyahay bulshada Soomaalida oo xooluhu yihiin laf-dhabarta nolashooda.

Soomaalida dhexdeeda, Geela ayaa ah midka laga guursado oo lagu bixiyo yaradda iyo gabbaatiga, magta ayaa lagu bixiyaa oo lagu illaawaa xanuunka geerida nin boqollow ah isla markaana ragga coladda dhexmartay ee waranka isu sita ayaa lagu kala maslaxaa.

Muunadda Geela iyo muhiimadda caanihiisa waxay Soomaali badan u daliishadaan tixdii caanka baxday ee uu tiriyay abwaan Cali Cilmi Afyare oo tuduc ka mid ah uu ahaa:

Sacabbada nadiifka ah, kolkii lagu salaaxaayo,

Samsam baa ka soo duula iyo, caano saayida e,

Sucsuc iyo karuur iyo dhanaan, sabarka kuu buuxsha,

Sulux dhay ah iyo xoor ku siman, Seenyoy adigaa leh.

Aas sagootin ah

Image caption Waa xabaasha hashii Shiil Cismaan ee Garawo ahayd.

Shiil Cismaan oo hashiisa Garawo ay lahayd dhammaan tilmaantaasi ku jirta tixda abwaan Cali Afyare ayaa markii dambe waxaa u timid tii Rabbi, balse Shiil waxa uu sameeyay wax ugub ku ah gayiga Soomaalida.

Shiil waxa uu aas sagootin ah u sameeyay hashiisi Garawo, oo wuxuu duugteedi ku qalay riti gool ah kabdana wuu ku kafanay, sida uu BBC-da usheegay Muuse Cabdilaahi.

"Hashii dar Alle ayay u dhimatay……markii uu arkay (Shiil Cismaan) ayuu yiri waa la aasi Garaw. Shiil Cismaan walaalkii oo ah Sugulle Cismaan ayaa waxa uu yiri haddii Garawo aan kula aasi, xabaal qod la'aan ku aasi mayno iyo kafan la'aan ee kafankii iyo xabaal qodkiiba diyaarso," ayuu yiri Muuse oo ka sheekeynayay qaabkii loo aasay hashaasi.

"Wuxuu yiri waan diayarin labadaa. Kafankiina waan diyaarin, xabaal qofkiina waan diyaarin. Ritigaa ina Daqni ah xabaal qodkii ku qasha oo xabaasha sidaa ku qoda buu yiri. Labadaa kabdood ee qaaliga ahna…labadii kabdood wuu soo iibiyay oo waxaa lagu kanfayaa baa la yiri Garawo. Labadii kabdood midna xaggaa baa Garawo laga soo saaray midna dhinac baa laga saaray, xabaashi kolkii dhinaceeda laga qodayna, xabaashii baa deedna iyadoo duuduuban saa loogu riday Garowa," ayuu hadalkiisa sii raaciyay Musue oo markaa dul taagnaa qabrigii Garawo.

Kafanta iyo in duugta xoolo lagu qalo waxa ay ahayd wax u gaar ah marka uu qof reer ka dhinto, balse Shiil Cismaan waxay u muuqatay in hashaasi ay uga xanuun badnayd qof ka mid ah qoyskiisa oo dhintay.

"Xabaashu waa ay weynayd oo aniga iilkii iyo waxaa ma aanan sii weydiin, iyadoo xagga qiblada u jeedda ayay naftuba ka baxday. Laba maalmood baa xabaashu la qodayay, xabaashu dhinaceeda ayaa laga qoday oo kolkii dhinac laga qoday kabadna xaggaa baa laga soo qabtay kabadna xaggan baa laga soo qabtay, markaa waa lagu duubay, ragguna wuu fara badnaa, riti weyn oo ina Danqin ah oo gool ahna waa la qashay oo beeshii oo dhan iyo dadkoo dhan baa isugu soo uruuray."

Image caption Agagaarka xabaasha Garawo waxaa hadda lagu aasaa dadka

Tacsiyadii Garawo

Tacsiyada hashaasi ka dhimatay Shiil Cismaan waxaa isugu yimid beeshii uu ka dhashay iyo deriska oo dhan, waxaana muddo laba maalmood ah la qodayay xabaasha hashaasi.

Sida uu sheegaya Muuse Cabdilaahi, hashaasi caanka ahayd ayaa loo aasay sida madaxweyne geeriyooday oo kale.

"Garawo oo ka dhimatay baa Shiil looga tacsiyaynayay, sida ragga looga tacsiyeeyo baa looga tacsiyaynayay. Beelihii oo dhan ayaa meeshaa isugu yimid, ritigaa goolka ahna waa lagu qashay, sidii madaxweyne la aasayo bey u ekeyd Garowa aaskeedi," ayuu yiri Muuse.

Maxay kaga duwnayd Geela kale

Sida la sheegay Garawo Geela kale la mid ma aysan ahayn oo waxa ay lahayd astaamo u gooni ah.

Waaya arag badan ayaa BBC-da u sheegay in hashaasi sida Geela kale aysan nirgaha ay dhashay ku nuujin jirin taagnida balse iyada oo jiifta inta ay lugta dambe fidiso uu cannuga fadhiga ku nuugi jiray.

Tan kale ee la yaabka leh ayaa ah, Garawo lama yaqaan ritiga dhalay oo waxaa la arkay hashii dhashay oo goojineysa, mana jirin qof u qooriyay ama u saariyay.

Shiil Cismaan marbana ma uusan ogolayn in Garawo fadhiga laga kiciyo in ay iskeed u istaagto mooye. Taa ayaana keentay in mar uu ku xila furay.

Sida la sheegay, Shiil ayaa xilahiisa furay ka dib markii ay ul ku kicisay hashaasi oo xerada geela dhex fadhida.

"Garawo markii ay fariisato oo inta la liso ay xerada dhex fariisato, iyadu in ay khiyaarkeeda ka kacdo mooye, Shiil Cismaan ma uusan ogolayn 'es-es-es' in la yirahdo ama ul lagu dhufto ama la riix riixo ama la kiciyo ma uusan ogolayn."