Cadaallad ma heli doonaan dhibbanayaashii Jeel Ogaadeen?

. Lahaanshaha sawirka PA
Image caption Itoobiya ayaa ku raad joogta saraakiil loo heysto tacaddiyo

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay saal horay uga tirsanaa maamulkii deegaanka Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdi Maxamuud Cumar.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigtay saal horay uga tirsanaa maamulkii deegaanka Soomaaliya ee uu madaxweynaha ka ahaa Cabdi Maxamuud Cumar.Ninka la qabtay oo in muddo ah lagu raad joogay ayaa loo heystaa gaboob fallo dhacay intii ay jirtay xukuumaddii hore, waxaana la filayaa inuu wajaho maxkamadeyn.

Xasan Ismaaciil Ibraahim, oo loo yaqaanno Xasan dheere ayaa ahaa korneyl ka tirsan ciidanka Liyu Booliska, waxa uuna horay usoo qabtay xilal kala duwan oo sar sare.

Wuxuu horay u ahaa hoggaankii nabadgalyada ee dowlad deegaanka Soomaalida, wuxuuna ahaa guddoomiyihii dhinaca asluubta.

Markii ay dhacday dowladdii Cabdi Maxamuud Cumar, wuxuu ka mid ahaa saraakiishii baxsatay ee ka carartay Itoobiya.

Balse markii uu u gudbay dhinaca Soomaaliya, wuxuu ku hakaday deegaannada u dhow xadka Soomaaliya iyo Itoobiya, isagoo haddana laga soo qabtay magaalada Goldogob.

Image caption Xasan Ismaaciil Ibraahim, oo loo yaqaanno Xasan dheere

Xasan Dheere ayaa ka mid ahaa in ka badan 40 ruux oo xeer ilaaliyaha dalka Itoobiya uu amar ku bixiyay in lasoo xiro, si caddaaladda loo hor geeyo.

Waxaa ninkan lagu eedeynayaa inuu mas'uul ka yahay tacaddiyadii ugu badnaa ee ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida, gaar ahaan xabsiga caanka ku ahaa xad gudubyada ee loo yaqaanno Jeel Ogaadeen.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qabashadiisa ay gacan ka geysteen dadka ku sugan deegaanka uu ku dhuumaaleysanayay.

Lahaanshaha sawirka GOOGLE EARTH

Arrintan ayaa loo arkaa in ay gacan ka geysandoonto in cadaalad ay helaan dadkii dhibaatada ay ka soo gaartay Jeel Ogadeen.

Hay'adaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in xabsigaas oo Jigjiga ku yaalla uu ahaa meel lagu ciqaabo dadka lagu eedeynayay in ay ka tirsanaayeen ONLF iyo in ay ka fikir duwanaayeen maamulkii hore. Hay'adaha ayaa tilmaamay in tacaddiyo ba'an ay ka dheceen.

Dacwadaha loo heysto Cabdi Maxamuud Cumar

Lahaanshaha sawirka ETV
Image caption Cabdi Maxamuud Cumar oo soo muuqday markii koowaad isaga oo askarta hareer socota aysan ahayn kuwa waardiye ka haya, balse ay yihiin kuwa xiraya

Sida ay faafisay wakaalada wararka ee Itoobiya ee FANA, xeer illaaliyaha guud ee Itoobiya ayaa sheegay in loo haysto dacwado la xiriira gabood falo ka dhan ah xuquuqda aadanaha iyo ku tagri fal awoodeed.

Lama oga caddeymaha xeer illaalinta ay maxkamadda horkeeni doonto, iyo goorta maxkamadda la hor geyn doono.

Hase yeeshee Ra'isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo shalay ka hadlayay shir jaraa'id ayaa sheegay in arrinka Cabdi Maxamuud Cumar uu mari doono dariiqa saxda ah ee garsoorka, helina doono maxkamadayn caddaalad ah.

Hase yeeshee wuxuu Cabdi noqonayaa qofkii ugu sareeyay oo lasoo xiro, maxkamadna lasoo taago marka laga hadlayo dadka kala duwan ee guud ahaan Itoobiya lagu eedeynayo xad gudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha.

Dr Abiy oo shalay sidoo kale ka hadlay xisbiga TPLF ee gobolka Rigrinya ayaa yiri "TPLF oo kaliya ma ahan dadka isbadalka kasoo horjeeda, ee dhammaan xisbiyada ku jira isbahaysiga tallada haya dad ka mid ah ayaa kasoo horjeeda isbadalka, waxna waan ka qaban doonaa" ayuu yiri Abiy oo u muuqda in markii ugu horeysay uu si toos ah uga hadlayo arrimo aanan shaaca usoo bixin wixii hadda ka horeeyay.

Cabdi oo kaliya ma ahan dadka caddaalada lala tiigsanayo, ee sidoo kale warbaahinta Itoobiya waxa ay sheegaysaa in sidoo kale ay booliiska soo xirayaan dad kale oo Cabdi ku xirnaa, kana mid ahaa xukuumadiisa.

Shalay ayay ahayd markii baarlamaanka dowlad deegaanka uu xasaanaddii ka xayuubiyay Cabdi Maxamuud Cumar iyo dhawr kale oo shaqsiyaad ah oo loo heysto dambiyo kala duwan.

Dad kala duwan oo BBC-da la hadlay muddooyinkii lasoo dhaafay, ayaa sheegay in dhibaatooyin jirdil ah ay kula kulmeen dhulka Soomaalida, gaar ahaan xabsi ku yaala magaalada Jig Jiga.

Waxaa sidoo kale warbixin taas la mid ah soo saaray hay'addaha xuquuqda aadanaha oo iyagu ku baaqay in caddaalada la horkeeno dadkii ka dambeeyay xadgudubyada.

Hub laga heley gurigiisa?

Sida uu soo bandhigay taleefishinka Itoobiya ee ETV, waxaa guriga laga heley hub tiro badan oo ka koobnaa qoryaha AK47, kuwaas oo ka badnaa 5 qori iyo rasaastooda, iyo waliba baastoolado, wuxuuna TVGa sheegay in Cabdi Maxamuud Cumar uu haystay.

Balse lama soo muujin ciidankii qoryahaas haystay, gurigana waxa kaliya kasoo baxay Cabdi Maxamuud Cumar oo kaliya.

Arrinta hubka ayaa la sheegay in galka dacwadda ay ka mid tahay, lamase oga sida uu Cabdi ku heley hubka haddiiba muddo bil ah uu xabsi guri ku jiray.

Waxaase la fahamsanyahay in Cabdi uu u talinayay ciidamo kumanaan ah oo lagu magacaabo Liyuu Booliis, kuwaas oo weli aan taliyeyaashoodii la arag, lana ogayn xaalkooda meel u ku dambeyn doono.

Mowduucyada la xiriira