Ammaan darro awgeed ayay Yurub uga soo cararayaan, Soomaaliya ayeyna soo maciinbideen

Jamaal iyo Yusuf
Image caption Jamaal Xasan wuxuu la taliyaa dhallinyaro ay Soomaali u badan tahay oo ku nool London.

Boqollaal ka mid ah dhallinyarada ku nool Britain ayay waalidiintoodu u soo diraan Bariga Afrika, iyagoo lagala soo cararayo dembiyada midiyaha ee UK ku badan, sida ay sheegeen qaar ka mid ah bulshada Soomaalida ee dalkaas ku nool. Haddaba sidey go'aankan adag ku gaaraan?

Magacyada dadka qaar ee la wareystay waala baddalay si aan loo aqoonsan.

"Waxaa sannado dhiganayay iskuul, aad bay iigu adkeyd. Markaan arko dad maalin kasta iskuulka ka haraya oo middi lagu duray," ayuu yiri Yuusuf oo hadda ku sugan Kenya.

"London ma ahan meel u wanaagsan dhalinyarada", ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Yuusuf waxa uu ku dhashay kuna barbaaray magaalada London, balse Nairobi ayuu u guuray ka dib markii wiil ay saaxiib dhow ahaayeen, derisna ahaayeen middi lagu dilay.

Waa go'aan ay waalidiinta qaadanaya soo badanayaan, waxayna arrintaas u sameynayaan si ay carruurtooda u badbaadiyaan.

100 ka mid ah dadkii sanadkan gudihiisa lagu toorriyeeyay UK, 8% kamid ah waxay asal ahaan kasoo jeedaan Soomaaliya, sida lagu sheegay mashruuc arrintan u kuur gala, oo la shaqeeya dhalinyarada Soomaali-British-ka ah ee ku nool waqooyiga magaalada London.

Jamaal Xasan, wuxuu la taliyaa ragga da'da yar ee magaalada London, intooda badanna waxay kasoo jeedaan qoysas Soomaali ah. Wuxuu sheegay in waalidiintu "ay rabaan inay sameeyaan wax walba oo ay carruurtooda ku ilaalin karaan".

"Haddii tani micnaheedu ay tahay in cunuga uusan dhameystiranin iskuulka, machadka, Jaamacadda ama uusan shaqo fiican helin marka Afrika la geeyo kadib, mustaqbalkoodu muhiim ma noqonayo".

"Waxa muhiimka ah waa in la badbaadiyo nolosha cunuga".

Hooyo cunugeeda u dirtay Afrika ayaa Jamaal u sheegtay in hadda ay habeenkii hurdo kasoo dhacdo, sababtoo ah waxay ogtahay mar walba oo ay maqasho dhawaaqa gawaarida booliska in waxa dhacay uusan ahayn wax wiilkeeda ku saabsan.

'Dareenka Xorriyadda'

Image caption Jamaal waxa uu sheegay inuu xornimo dareemay markii uu u guuray Kenya

Jamal waxa uu Kenya aaday isagoo dhowr iyo toban jir ah, xilligaasna wuxuu sheegay inay ahayd markii dhibaatooyinka ku heystay London ay gaareen heerkii ugu xumaa.

Waxa uu sheegay in waagii uu isagu cararay iyo hadda ay xaaladuhu isku egyihiin.

"Mid kamid ah waxyaabaha aanan waligey illoobeynin, waa in marka aad ku lugeyneysid waddooyinka Kenya aadan u baahneyn inaad dhinacyadaada iska ilaaliso.

"Waxaa ii suurta galeysay inaan meel walba ka socdo magaalada, inaan qofkii aan doono soo booqdo, waxayna ahayd xaalad aad u fiican. waxaan dareemay xorriyad buuxda.

"Laakiin ilmahan jooga London, arrintoodu waxay u dhaxeysaa nolol iyo geeri", ayuu yidhi Jamaal.

'Dhaawac aan kasoo kabasho lahayn'

Dhalinyarada kale, sida Cabdul, oo dhowr iyo labaatan jir ah, waxay London uga carareen dhibaatooyin ka heystay dhinaca booliska awgood.

"Markii aan halkan imid, waxay ii ahayd sidii inay nolol cusub ii billaabatay", ayuu yidhi Cabdul.

"Ma jirin qof i yaqaannay, ma jirin qof taariikhdeyda ogaa. Marki aad London joogto, waxaa jira dad u muuqda inay ku daba socdaan.

"Hooyadey waxay dareemeysay inaan halkan ku heyso ammaan aanan ka heleynin meel kale oo ka mid ah caalamka".

Waalidiintu waxay sheegayaan in tallaabadan aysan u arkin xal kama dambeys ah, carruurta qaar ayaa Afrika iska sii jooga, qaarna dib ayey ugu laabtaan UK.

Xafiiska arrimaha dibadda iyo Barwaaqo sooranka ayaa digniino kasoo saara dhammaan safarrada dhinaca Soomaaliya ah, oo ay xitaa ku jirto Somaliland, wuxuuna sheegaa in Kenya lafteeda ay ka jirto khatar weyn oo dhanka argagixisanimada iyo afduub-ka ah.

Laakiin Aamina waxay wiilkeeda oo 15 jir ah u dirtay Somaliland, ka dib markii ay ka walwashay dhibaatada kasoo wajihi karta qaar kamid ah saaxiibada uu la socdo.

Muddadii halka sano ahayd ee uu halkaas joogay, waxay sheegtay inuu noqday wiil fiican.

Waxa uu xitaa doonayay inuu bariga Afrika iska sii joogo.

Balse markii uu UK kusoo laabtay bishii Nofembar ee sanadkii 2018-kii, 17 maalmood oo uu joogay gudahood waxaa la toorriyeeyay 4 jeer.

"Dibaato aad u xooggan ayaa gaartay", ayey tiri.

"Waxay ka dhaawaceen kaadiheysta, kalyaha, beerka. dhaawac aan kasoo kabasho lahayn ayaa gaaray.

"Wuxuu Somaliland ku heystay amni ka fiican halkan... 100% halkaas ayaa uga amaan badneyd London".

'Waalidiin uu dhib heysto'

Image caption Rakhiya Ismaaciil waxay sheegeysaa inay ogtahay waalidiin UK ka tagi lahaa isla marka ay carruurtooda dhammeeyaan waxbarashada dugsiga hoose

Guddoomiyaha cusub ee degmada Islington, Rakhiya Ismaaciil - oo ah hooyo Soomaali ah oo dhashay 4 carruur ah, qaxootinnimana ku tagtay London - waxa ay aaminsan tahay in meelo kamid ah magaalada aysan amni u ahayn dhalinyarada.

"Hooyadu miyey sugeysaa inta cunugeeda laga dilayo? Mise waa inay go'aan qaadato - go'aan xoogaa qallafsan - oo ah in cunugaas loo diro halkii uu asal ahaan kasoo jeeday?"

Waxay sheegeysaa inay ogtahay qoysas sugaya inta ay carruurtooda ka dhammeynayaan waxbarashada dugsiga hoose, si markaas ay uga tagaan UK.

Waxay qiyaaseysaa in shantii qoys ee Soomaali ahba ay labo ka mid ah dib ugu noqonayaan dalkooda hooyo.

Dr Faadumo Cabdi - oo ah hooyo asal ahaan kasoo jeedda Soomaaliya - ayaa sheegtay inay dhibaato badan ku qabto sidii ay ula tacaali lahayd dambiyada Middiyaha.

"Kani ma aha wax ay horay ula soo kulmeen. balse waan ognahay ku noolaanshaha Britain, waxay dadku u arkaan mid muhiim ah. kani waa dhib Britain khaas u ah, annaga ayuuna nagu dhacay.

"Taasi ma aha jawaabta laakiin kuwani waa waalidiin uu dhib heysto".

'Qof sidii hore ka fiican'

Image caption Maxamed waxa uu labo jeer yimid Kenya, si uu ugu noolaado

Rhoda Ibrahim, oo madax ka ah hay'adda la talinta Soomaalida iyo wargalinta, oo ah mid caawisa hooyooyinka Soomaalida ah, ayaa sheegtay in badankood ay dhib ku tahay luuqadda Ingiriiska, ayna ku khasbanaadeen inay qaataan shaqooyinka, sida nadaafadda, taasoo sababeysa inay qoysaskooda ka maqnaadaan waqti dheer.

"Marka ay waalidiintaada dib kuugu celiyaan dalkaaga, waa dareenka ugu xun", ayuu yiri Maxamed, oo Kenya mar ku noolaa lix bilood, mar kalena ku noolaa sagaal bilood.

Waxaa halkaas loo diray markii ay dhammaan Iskuullada deegaanka uu joogay diideen inay aqbalaan.

"Waxaad dareemeysaa sidii inaad xabsi u socotid, hooyadaana ay tahay garsooraha. dib uma soo noqon kartid ilaa garsooraha uu ku fasaxo.

"Waa inaad muujiso inaad qof fiican noqotay, oo aad isbaddashay".

Laakiin waxa uu dareemayaa in arrintan ay ka dhigtay "qof sidii hore ka fiican".

"Markii hore waxaan u bixi jiray si aan waddooyinka daroogo ugu iibiyo, laakiin... carruurta Kenya waxay mudnaanta siiyaan Iskuulka".

Mowduucyada la xiriira