Maxay Afrika uga murgeysaa xiisadda ka dhex taagan Mareykanka iyo Shiinaha?

Taleefannada raqiiska ah ee uu Shiinaha sameeyo waxay sahleen iney qaaradda Afrika teknooloojiyadda la jaanqaaddo Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Taleefannada raqiiska ah ee uu Shiinaha sameeyo waxay sahleen iney qaaradda Afrika teknooloojiyadda la jaanqaaddo

Go'aanka Google ay ku hakineyso barnamijyada ay isticmaalaan taleefannada gacanta uu noocoodu yahay Huawei ayaa lagu tilmaamay inuu yahay billowga dagaalka qabow ee dhinaca teknooloojiyadda oo khasabka ku ah qaaradda Afrika.

Khubarada ka faallooda dhinaca teknooloojiyadda ayaa BBC u sheegay inay waddamada qaaraddan Afrika ku khasban yihiin inay mustaqbalka kala doortaan Teknooliyadda Mareykanka iyo Kan Shiinaha.

Dadka ku nool qaaraddan Afrika inay si fudud Interneetka u isticmaalaan waxaa u sahlay taleefannada gacanta ee raqiiska ah ee uu dalka Shiinaha Sameeyo, barnaamijyada ay isticmalaan oo dhanna Shiinaha ayaa sameeyey.

Teleefannada Afrika sida weyn looga isticmaalana waxaa ka mid ah kuwa ay soo saarto shirkadda weyn ee dhinaca Teknooloojiyadda ee uu Shiinaha leeyahay ee Huwaei.

Mashruuca teknooloojiyadda Shiinaha iyo Afrika isku xira ee uu fadhigiisu yahay dalka Koonfur Afrika ayaa : "Huawei waxay warshad dhinaca teknooloojiyadda ah oo aad u weyn ay ka sameeysay dalka Koonfur Afrika, Mareykankana wuxuu isku dayay inuu shirkaddaasi curyaamiyo, arrintaasi oo qaaradda Afrika xanuun badan ku abuurtay".

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa hormuud u ah ol'olaha Mareykanka xulafadiisa uu kaga dalbanayo inay xiriirka u jaraan shirkadda Huawei, isaga oo shirkadda ku eedeeyey inay halis ku tahay ammaanka waddamada, maadaamaa Shiinaha uu shirkadda Huawei howlo basaasnimo u adeegsado.

Shirkadduna waxay marar badan ku gacan seyrtay eeddaasi loo soo jeediyey.

Image caption Wargeysyada Koonfur Afrika ka soo baxa waxay bogoggooda hore ku qoreen arrintan

Ol'olaha ka dhanka ah Huwaei ayaa dhalin kara inay dhabowdo saadaasha horay uu u bixiyey Madaxii hore ee shirkadda Google Eric Schimidt, ee ahayd inuu lama huraan noqonayo inuu dagaal ka dhex abuurmo xirmooyinka "interneetka uu Shiinaha hoggaamiyo iyo Internetka uusan Shiinaha ku lug lahayn ee uu Mareykanka maamulo".

"Haddii ay sidaasi dhacdo Afrika cidna lama safaneyso" ayey tiri khabiirka sare ee xiriirka Afrika iyo Shiinaha.

"Dagaalka ma aha mid annaga na khuseeya, marka annagu waa inaan raacnaa wixi danteenna ah" ayeyna sii raacisay.

"Waddamada qaaraddan Afrika waxaa looga baahan yahay inay isu yimaaddaan oo ay ka tashtaan arrintan, doorkooda, dhibaatooyinka ka soo wajihi kara xaaladdan cusub, sidii ay uga sii hortagi lahayeen, inay sameeystaan nidaam iyo shuruuc u sahlaysa inay difaacaan muwaaddiniinta qaaradda Afrika ee teknooloojiyadahaasi isticmaalo" ayey tiri Ms Kariuki.

"Waana xilligi ku habboonaa oo ay Afrika ku fakari lahayd sidi ay u sameeysan lahayd Teknooloojiyad u gaar ah. Waxaanna doonayaa inaan arko Afrika oo mar uun guul ka gaarta Teknooloojiyadda iyada oo lagu jiro qarniga 21aad oo ay dunida tartan adag ugu jirto teknooloojiyadaha casriga ah" ayey tiri mar ay BBC u warramaysay.

'Jabsashada shabakadda midowga Afrika'

Xaaladda ka soo cusboonaatay shirkadda Huawei ayaa waxay ku wajahantahay shabakadaha isgaarsiinta ee reer galbeedka, balse waxaa horay u jiray eedeymo loo soo jeediyey oo ku saabsanaa inay wax u dhintay ammaanka midowga Afrika iyo in ay kula dhaqantay bsaasnimo.

Eedda loo soo jeediyey Huwaei waxaa marki ugu horreyey lagu shaaciyey wargeyska Le Monde ee dalka Faransiiska ka soo baxa, waxaana marki ugu horreysay eeddaasi wargeyska lagu soo daabacay bishi Jannaayo ee sanadkii 2018-kii.

Wuxuu wargeysku xilligaasi sheegay inuu Shiinaha jabsaday Kumbiyuutarrada xaruunta Midowga Afrika ee ku taalla mgaalada Addis Ababa, iyadoo habka ay ku shaqeeyaan Kumbiyuutarradaasi ay lahayd shirkadda Huwaei.

Waxaa warbixinta wargeyska Le Monde uu qoray lagu sheegay inuu Shiinaha sirta Midowga Afrika muddo shan sano ah xadayey, gaar ahaanna xilliyada saqda dhexe, xogaha Keydka Midowga afrika ku jirayna in lagu sii shubayey xaruunta teknooloojiyadda ee Shangai oo Addis Ababa 8,000 oo km u jirta.

Hase ahaatee, eedda wargeyska xilligaasi waxaa diiday Midowga Afrika iyo Saraakiisha Shiinaha.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Midowga Afrika waxa uu diiday in keydkiisa la jabsaday

Shirkadda Huawei waxay qaaradda Afrika ku leedahay suuq aad u weyn, waxayna waddamo badan ka howlgelisay isgaarsiinta casriga ee 4G.

Madaxa shirkadda teleefannada ugu weyn ee Kenya ee Safaricom Bob Collymore ayaa mar sheegay in Shirkadda Huawei uu sanado badan xiriir adaga kala dhaxeeyey.

"Waxaynu dooneynaa inaan xiriirka soo jireenka ah iyo iskaashiga aan leennahay sii wadno, inkasta oo ay jiri karaan xoogaa caqabado ah oo ka iman kara xayiraadaha Mareykanka uu ku soo rogay shirkadaha Mareykanka ee la shaqeeya Huawei maadaamaa ay tahay shirkad caalami ah" ayuu yidhi Mr Bob.

Huawei iyo qaaradda Afrika

  • Afrika waxay howlgalka ka billaawday 1998-kii
  • Waxayna ka shaqeysaa 40 dal oo qaaraddan Afrika ka mid ah
  • 50% teknooloojiyadda 4G qaaradda iyada ayaa ka hirgelisay
  • Mashaariicda ballaadhinta teknooloojiyadaha waa ay ka qayb qaadatay
  • Waxay waddaa daraasaado kala duwan iyada oo waddamada qaaradda kaashaneysa
  • Waa shirkadda Afaraad ee telefannadeeda gacanta loogu iibsiga badan yahay Afrika

Xigasho: xogtan waxaa laga soo xigtay machadka Australian Strategic Policy Institute, Huawei, IDC

Shirkadda Huawei waxay xafiiskeeda ugu horreeyay Afrika ka furatay 1998-kii waxaana hadda loo badinayaa inay ku guuleysato tartanka waddama badan oo doonaya teknooloojiyaddooda inay 5G gaarsiiyaan.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Taleefannada Sunsung iyo Huawei

Adeegga 5G: Aad buu u dheereeya balse waa mid aanan ammaan ahayn?

Huawei waxa ay wadahadallo kula jirtaa dalal caalamka ku yaalla, kuwaas oo ay doonayso inay gaarsiiso hannaanka muranka badan uu ka taagan yahay ee ku shaqeeya mobile-lada ee 5G.

Lahaanshaha sawirka PA
Image caption 5G waxa uu wax badan ka badeli doonaa sida aan mobile-ladeenna u isticmaalno

Hannaankan ayaa noqon doona mid aad u degdeg badan waxayna u badan tahay in lagu isticmaali doono qalab badan oo cusub, sida baabuur aanay cidina wadin.

Haddaba haddii Huawei ay udub dhexaad u tahay hannaanka Shiinaha ee 5G, dalalka ay Shiinaha is-hayaan waxa ay ku andacoonayaan in ay suurtagal tahay inay daalacdaan farriimaha dunida la isku dhaafsanayo ee sii maraya adeeggan amaba in mararka qaar la damiyaba, arrintaas oo keeni karta isku dhexyaac baahsan.

Xitaa ka hor inta aysan soo bixin dikreetada madaxweyne Trump, Mareykanka ayaa sii qaaday tallaabooyin uu ku doonayo inuu cadaadis ku saaro xulafadiisa reer Galbeedka si looga weecdo shirkaddaasi Shiinaha.

Inta badan arrintaasi waxaa diiradda lagu saaray kooxda loogu yeero "Five Eyes" - ee ka kooban Mareykanka, UK, Canada, Australia iyo New Zealand - kuwaas oo hay'adahooda sirdoonku ay leeyihiin xiriir aad u dhaw, xog badan oo sirdoon iyo mid aad loo qariyo, iyagoo badanaa isticmaalaya habka Kumbiyuutarrada iyo isgaarsiinta.

Mareykanka ayaa ku gooddiyay inuu joojin doono inuu xog la wadaago dalalka xubnaha ka ah kooxdaas ee ku hadla af Ingiriisiga, haddii ay rakibta qalabka Huawei ee 5G.

"Haddii dal uu arrintaas qaato oo uu isticmaalo qaar ka mid ah xogta muhiimka ah haddaba waxaanan noo suuragalayn inaan xog la wadaagno," ayuu yidhi Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka Mike Pompeo.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Hay'adaha sirdoonka Mareykanka sida NSA ayaa ku gooddisay in aanay xog sirdoon la wadaagi doonin xulafadooda

Huawei ayaa si joogto ah waxa ay u diidday inay weligeed la shaqeysay hay'adda sirdoonka ee dowladda Shiinaha, hasayeeshee dadka shirkaddan dhaleeceeya ayaa sheegaya in shuruucda Shiinaha aanay u suuragalinayn in shirkaduhu ay diidaan inay gacan ka gaystaan uruurinta xogta sirdoonka.

Mareykanka ayaa ka cabsanaya in shirkaddu ay xog ka raadiso, taas oo qeyb ka ah hab dhaqankeeda.

Edward Snowden oo horay ula shaqeyn jiray hay'adda NSA ayaa sheegay in sanado badan ay hay'adaha sirdoonka Mareykanka jabsanayeen xog la xiriirta shirkadaha waaweyn ee tiknolojiyadda ee Mareykanka - oo ay ka mid yihiin Google iyo Yahoo - iyagoo iskudayay inay hoos u dhigaan hannaanka ay xogta ku ilaaliyaan.

Haddaba waa ay iska fududahay in la arko sababta ay dowlad uga shakisan tahay shirkad xarunteeda dhexe ay ku taal dal uu xifaaltan kala dhaxeeyo

Fadeexada qalabka computer-ka ku shaqeeya ee sida gacmaha bini'aadamka u sameysan

Haddaba haddii dhibaatooyinka la sheegayo inuu wato barnaamijkan aadka u xoogga badan uu yahay mid aan dhameystirnayn, ayaa haddana mid ka mid ah fadeexadaha Huawei lagu eedaynayo waxaa ka mid ah in injineeradooda mid kamid ah uu xaday qalabka computer-ka ku shaqeeya oo sida gacmaha bini'aadamka u sameysan.

Howlwadeenkaas ayaa waxa uu ku andacooday in qalabkaas uu si khaldan boorsadiisa ugu ritay mar uu ka sii baxayay shirkadda T-Mobile.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption T-Mobile ayaa Huawei ku eedaysay inay ka xadday tiknolojiyaddeeda

Shirkadda Jarmalka oo mar xiriir la laheyd Huawei ayaanan sheekadaas rumaysnayn, iyadoo markii dambe labada shirkadood ay maxkamad ku kala baxeen.

Fadeexadda ayaa soo ifbixisay kaddib markii ay soo baxeen email-lo cusub, iyadoo shaki laga muujiyay sheegashada injineerka ee aheyd inuu kaligiis un arrintaas ku lug lahaa, waxaana laga yaabaa inuu amarka ka qaadanayay madax sarsare oo Shiinaha ku sugan.

Tani waa mid ka mid ah sababaha sanadkii hore Canada loogu xiray madaxa dhaqaalaha ee Huawei, taas oo uu Mareykanku doonayo in loo soo gacan galiyo.

Mowduucyada la xiriira