Ilhaan Cumar oo Ra'iisulwasaaraha Hindiya eedayn u jeedisay

Ilhaan Cumar Lahaanshaha sawirka Ilhan Cumar
Image caption Ilhaan Cumar

Hindiya ayaa ah dalka labaad ee ay Muslimiinta ugu badan ku noolyihiin caalamka, balse tirada Musliiminta ah ee ku jira baarlamaanka ayaa aad u yar.

Iyada oo Islaam nacaybka uu soo badanayay sanadadii dambe, ayaa waxa jirta cabsi hor leh kaddib markii xukunka dalka ay dib u qabsadeen xisbiga Bharatiya Janata Party (BJP) oo ah mid u janjeera dhanka diinta Hinduuga.

Ilhaan Cumar, oo ah gabadh Soomaali ah ahna xildhibaanadda laga soo doortay gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, ayaa barteeda Twitter-ka waxay ku sheegtay in Dowladda Mareykanka laga doonayo inay wax ka qabato xad gudubyada dhinaca diinta ee ka jira dalkaas.

"Sharciga Ra'iisulwasaare Modi ee Hindiya wuxuu ku raacayaa faafinta rabshadaha ay wadaan Hindida iyo Islaam nacaybka ka dhanka ah Muslimiinta, Dowladda Mareykanka waxaa looga baahanyahay inay u istaagto sidii dalka Hindiya looga hirgelin lahaa xoriyad dhanka diinta ah si dadka laga tirada badanyahay loola dhaqmo si cadaalad ah." Ayey barteeda Twitter-ka ku soo qortay Ilhaan Cumar.

Dadka ku nool Madhubani, oo ah gobol ka tirsan bariga Bihar, ayaa waxa isugu soo baxay shaqaalaha, ganacsatada deegaanka iyo dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha shacabka waxayna dhammaantood isugu tageen si ay ugu codeeyaan Shakeel Ahmad.

Mr Ahmad, oo ah 63 sano jir ayaa ahaa xubin ka tirsan xisbiga mucaaradka. Balse bishii Abriil markii uu xisbiga ku wargeliyay inaysan u ogoloyn inuu musharax ka noqdo Madhubani, waxa uu sameeyey arrin aan horay loo arag.

Waa uu is casilay, wuxuuna soo afjaray muddadii 10-ka sano ahayd ee uu ku jiray baarlamaanka dalka.

Ka dibna wuxuu is sharaxay isaga oo madax bannaan.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Mr Modi

Ganacsade Muslim ah oo ka soo jeeda gobolka Waqooyi bari ee Assam ayaa la weeraray xilli uu kasoo baxayay goobtiisii shaqada.

Shaukat Ali, waxaa weerartay koox amartay inuu jilbaha dhulka dhigto, jir dilna ku samaysay.

"Bangladeshi miyaa tahay"? Ayuu mid ka mid ah weydiiyay, iyaga oo weydiinaya inuu yahay muwaadin dalka u dhashay.

"Maxaad halkan hilibka ugu iibisaa"? ayuu mid kalana weydiiyay.

Dadweynihii isugu soo baxay halkaas ayaan sameynin wax dadaal ah oo ay ku badbaadinayaan ninkan, iyaga oo la soo baxay telefonadooda si ay dhacdadaan u duubaan.

Xisbiga talada haya ee Bharatiya Janata Party (BJP) ayaa 7 musharax oo kaliya waxay ku lahaayeen bulshada Muslimiinta ah, waana markii ugu horreysay ee taariikhda dowladda Hindiya uusan jirin hal qof ka tirsan xisbiga talada haya oo baarlamaan ah oo matala Muslimiinta.

Doorashadii 2014-kii, tirada xildhibaanada ayaa noqotay 464 balse 31 ka mid ah musharaxiinta tartameysay ayaa ahaa Muslimiin, laakiin 7 kaliya ayaa ku guulaysatay.

Wax badan iskama aysan badelin doorashadii hada gabagabowday.

Lahaanshaha sawirka .
Image caption Mr Ali

"Weerar ka dhan ah diinta"

Bil ka dib Mr Ali wuxuu hadda ku dadaalaya sidii uu ku socon lahaa.

"Waxay igu garaaceen ul, waxay iga dharbaaxeen wajiga," Ayuu yiri isaga oo warbaahinta tusinaya dhawaawacyada soo gaaray.

Muddo toban sano ah waxay qoyskiisa iibin jireen hilibka lo'da, balse weligood ma aysan wajahin dhibaatadan.

Gobollada qaar ayaa waxa laga mamnuucay iibinta hilibka lo'da maxaa yeelay Hindida qaar ayaa waxay caabudaan lo'da.

BJP ayaa waxay ilaaliyaan siyaasaddooda ujeedadoodana ayaana ah inay ka hortagaan soo galootiga sharci darada ah, balse waxaa cabsi dhab ah laga qaba inay Muslimiinta cayriyaan.

Awoodda Hindiya ayaa ku tiirsan kala duwanaanshahooda. Balse dad badan ayaa ka cabsanaya xiisadda siyaasadeed ee hadda jirta inay dhibaato abuuri karto.

Mowduucyada la xiriira