Shan dabeecadood oo haweenka dib u dhiga

Illustration of a business woman flying through the air propelled by a rocket Lahaanshaha sawirka Getty Images

Waxay qaadan doontaa 202 sano inuu meesha ka baxo farqiga u dhaxeeya ragga iyo dumarka marka ay timaaddo fursadaha dhaqaalaha ee dunida - sida uu sanadkii hore sheegay Ururka Dhaqaalaha Adduunka.

Daraasado badan oo la sameeyay ayaa muujinaya in sinnaan la`aan badan ay ka jirto goobaha shaqada.

Sidaas daraaddeed, waxaan halkan idinkugu haynaa shan qodob oo laga soo xigtay Sally Helgesen oo ah tababare dhanka hoggaaminta ah, kuwaasoo haweenka ka caawinaya inay horumar ka gaaraan xirfadahooda:

1. Sheego guulahaaga

Inaad dadka kale ka sugtid inay ogaadaan guulaha aad gaartay isla markaana ay abaalmarin kugu siiyaan waa nacasnimo, sida ay qabto Helgesen.

Waxay sheegtay inay aalaaba la kulanto dad iyagu aanan guulahooda ka hadlin. Waxayna sababta ku sheegaan labo arrimood.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

"Qaar baa yiri 'Waxaan u maleynayaa haddii aan shaqo fiican qabto, inay dadku i arki doonaan'," ayay tiri Helgesen. "Kuwo kale ayaa qaba 'haddii aan is muujiyo oo aan dadka is tuso, waxaa laga yaabaa inaysan i arkin'."

Helgesen ayaa sheegtay in fekerka noocan ah uu keliya kuu horseedayo guuldarro.

Sidaas daraaddeed sidee ayaad u beddeli kartaa?

"Ka feker qaab aad isku muujin karto. Tusaale ahaan, 'Waxaan u maleynayaa in badroonigeygu uusan fahamsaneyn muhiimadda aan u leeyahay shirkaddan. Sidaas daraaddeed, toddobaadkiiba mar, waxaan u diri doonaa email aan ugu sheegayo waxa aan toddobaadkaas qabtay'."

Helgesen ayaa sheegtay in habkan ay ku faa`iideen haween badan.

2. Baro sida loo dhoho 'maya'

Lahaanshaha sawirka Getty Images

"Haddii aad mar walba dooneyso inaad dadka raalli geliso, waxaa kugu adkaan doonta inaad dadka la xisaabtanto, amaba inaad 'maya' dhahdo waxaadna ku dambeyneysaa inay dadku kaa faa`iideystaan, xiro xadkaaga waqti badanna ku bixi."

Sidaas darteed, sidee ayaad taas uga bixi kartaa? Helgesen ayaa ku talineysa in marka hore laga bilaabo inaad xadduud sameysatp.

"Naftaada ku dheh: 'Hadda shaqooyin badan ayaan qabtaa, sidaas daraaddeed bisha xigta, marka ay dadku iga codsadaan inaan howl kale qabto, waan ka fekeri doonaa kahor intaan haye dhihin. Waxaan ka fekeri doonaa waxa aan ka faa`iidi doono, tani ma dan ayaa iigu jirta?'"

3. Inaad wax walba keligaa qabato

Lahaanshaha sawirka Getty Images

"Dhibaatada ugu weyn ee ay taasi leedahay waa inay kugu adkaato inaad dadka howl u dirsatid," ayay tiri Helgesen. "Waxaan aalaaba maqlaa dad dhahaya, 'Waxaa fudud inaan aniga howshaas qabsado'."

Waxaana jira hab fudud oo taasi wax looga qaban karo.

"Waxaad raadisaa qof aad howsha u dirsan karto," ayay tiri Helgesen. "Sii fursad, talo-bixin sii, balse adigu ha hor boodin."

Daraasado ayaa muujinaya in shirkadaha haweenka lagu abaalmariyo fariidnimada iyo toosnaanta, halka raggana lagu abaalmariyo u bareeridda khatarta iyo dhiirranaanta.

Helgesen ayaa ku talineysa in barashada sida khatarta loogu bareero ay horumar u tahay xirfaddaada.

4. Ka gududb khaladaadkii kaa dhacay

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Haweenku waxay mar walba xusuustaan khaladaadkii ay sameeyeen si ka badan ragga - taas ayaana dib u dhigta, sida ay sheegtay Helgesen. "Waa hab aad ku cadaabeyso naftaada."

Taas beddelkeed, waxay sheegtay inay habboon tahay inaad naftaada dejiso - u sheeg naftaada 'waxaad tahay bani`aadam, sida dadka kale' kana soco khaladaadkii aad sameysay.

5. Jooji is liididda

Marka la eego erayada ay haweenku adeegsadaan, waxaa muuqata inay mar walba isku dayaan inay is liidaan, ayay tiri Helgesen.

Raalligelinta, inay adeegsadaan erayo ay ka mid yihiin "Ma ii heli kartaa keliya hal daqiiqo?" iyo inaysan amar bixin - waa waxyaabaha ay haweenku sameeyaan.

"Haddii aad dooneyso inaad muujiso inaad madax tahay," Helgesen ayaa ku talineysa, "waa inaad booskaaga garatid, is muuji adoo og inaad mudan tahay, oo iskuna kalsoon."