Nin liqay 246 xirmood oo daroogo halis ah

.

Nin u dhashay dalka Japan ayaa geeriyooday kaddib markii uu liqay xirmooyin ay ku jiraan daroogada nooca halista ee loo yaqaanno Cocaine.

Ninkan ayaa diyaarad kasoo raacay dalka Mexico, waxaa uu doonayay in daroogada uu si sharci darro ah ku geliyo dalka Japan.

Daroogada ayaa waxay gaareysay 246 xirmooyin ah oo ay ku jiraan Cocaine.

Duuliyihii diyaaradda ayaa si degdeg ah ku dejiyay diyaaradda garoon caalami ah oo ku yaalla Japan markii ninkan calooshiisa ku dhexqariyay daroogada uu bilaabay inuu suuxo.

Mas'uuliyiinta dalka Japan waxay ku sheegeen ninkan magaciisa, Udo N, waxay sheegeen inuu si khalad ah u qaatay daroogo badan isla markaasna ay maskaxdiisa shaqeyn weysay.

Sida laga soo xigtay, mas'uuliyiin ku sugan dalka Mexico, in xirmooyinka lagu qiyaasay dheereer ahaan 2.5cm, waxaana laga soo saaray calooshiisa markii qalliin lagu sameeyay.

Saraakiisha Mexico waxay wadaan baaritaano ku aadan daroogada iyo halka uu ka keenay ninka geeriyooday.

Markii uu rakaabkan geeriyooday, waxaa rakaabkii kale ay si wateen safarkooda.

Mowduucyada la xiriira