Ragga jir dhiska badsada miyey halis ugu jiraan inay noqdaan ma dhalays?

Nin ku guda jira howlihiisa jir dhiska Lahaanshaha sawirka Getty Images

Saynisyahannada ayaa shaaciyey in ragga sameeya jir dhiska badan halis ugu jiraan inay noqdaan ma dhalays, taasi oo saamaynayso awoodooda dhanka dhalmada ah, iyaga oo ku dadaalayao sidii ay u heli lahaayeen jir qurxan oo soo jiidasha leh.

Isticmaalka fitamiinada ka qayb qaata jir dhiska iyo daawooyinka bidaarta ayaa la sheegay inay dhaawacayso qofka oo ayna suuragal tahay in inuusan aabe noqon.

Dhakhaartiirta waxa ay sheegeen in lammaanayaasha qaar ay niyad jab kala kulmaan arrinkan.

"Waxaan ogaaday inay jiraan ragga qaar oo isbitaalada imaanaya si ay isku baaran," Ayuu yiri Dr James Mossman, oo wax ka bara jaamacadda Brown ee dalka Maraykanka.

Image caption Dr Mossman iyo Prof Pacey

Fitamiinka noociisa yahay Anabolic ayaa la sheegay inuu saamaynayo hormoonada jirka taasi oo loo isticmaalo in murqaha lagu weynaysto, taasi oo ay badaanaa isticmaalaan dadka jirka dhisto.

Prof Allan Pacey, waxa uu wax ka baraa Jaamacadda Sheffield, "miyeysan ahayn wax la yaab ah, inay ragga tagaan goobaha jirka lagu dhisto si ay jirka u quruxsadaan, oo ay u soo jiitaan dumarka balse taasi ayaa horseedayso inay noqdaan ma dhalays.

Baarayaasha ayaa sheegay inay dhibaatadan sidoo kale saamaynaysa ragga qaata daawooyinka bidaarta lagu daaweeyo.

Daawooyinkan ayaa waxyeela gaarsiiya ama isbadel ku keena jirka qofka.

Prof Pacey ayaa BBC-da u sheegay " Waxaan dhihi lahaa dadka isticmaala nafaqooyinkas ayaa laga yaaba inay noqdaan ma dhalays ku dhawaad 90%.

Dr Mossman waxa uu sheegay in qaadashada daawooyinka jirka lagu dhisto laga yaabo inay qofka soo jiidasho u samayso balse taasi waxa ay saameeyn ku yeelanaysa mustaqbalka qofkaasi.