Shacabka Soomaaliya waxay dhexda u galeen "argagixisada" iyo kuwa la dagaallamaya

Mudisho Lahaanshaha sawirka ABDIFATAH JANTE

Maqaalkan waxaa bogga warbaahinta Turkiga laga leeyahay ee TRT ku qoray Prof Cabdi Ismaaciil Samatar, oo ah qoraa Soomaali ah oo wax ka dhiga jaamacad ku taalla Maraykanka.

Maqaalka waxaa uu ku billaabanayaa sida tan:

Soomaalida waxay dhibane u yihiin argagixiso gudaha ku haysato, beesha caalamkana dhibaatada ayay uga sii darayaan oo noolashooda ayay ciriiri sii gelinayaan, markay ka qeyb-qaadanayaan dagaallada ay "argegixiso la dirirka" ugu magac-dareen.

Dadka ka qeyb-qaadanaya dagaalka ka dhanka ah argegixisada ayaa noolasha Soomaalida u baddelay in ay cadaab ku jiraan.

Dadka rayidka ah ayaa sidoo kale argegixisada u ah; bartilmaameed, gabbaad iyo il ay dhaqaale ka helaan.

Sidoo kale, reer galbeedka la dagaallama argegixisada ayaa ka dhigay bartilmaameed aan laga fursan karin amaba xitaa inay taageeraan argegexisada.

Dadka rayidka ayaa sidaa darteed dhexda u galay xabadda noolashuna way ku adkaatay.

Waana sida ay argegixisada iyo kuwa la dagaallamaya ay dhibaato ugu yihiin noolasha Soomaalida.

Weerarkii 9/11 iyo burburintii Al Barakaat

Al-Barakaat waxaa la aasaasay burburkii Soomaaliya kaddib, iyadoo dadkii soo qaxay ay raadinayeen qaab ay lacago ugu diraan dibedda dalalkii ay tageen.

Balse weerarradii bishii Sebtembar ee 2001-dii ayay wax kasta is bedeleen, oo shirakadda waxaa lagu xukumay inay xiriir la leedahay Al-Qaacidda.

Xafiisyada Al-Barakaat ayaa la weeraray hantideediina waa lala wareegay, balse dhowr sano kaddib ayaa baaritaan lagu ogaaday in ninka shirkadda lahaa uusan wax xiriir la lahayn Al-Qaacidda.

Dhibaatadaas Al-Barakaat qabsatay umbaa ah siday beesha caalamka ula dhaqanto Soomaalida; waa dambiilayaal ilaa laga hubiyo in aanay dambi lahayn.

Maxkamadihii Islaamka oo qalad laga fahmay

Markii labaad ee Maraykanku soo eegay Soomaaliya waa sannadkii 2006-dii, xilligaasi oo maxkamaduhu ay Muqdisho ka qanbsadeen hoggaamiye koxeedyadii.

Maraykanka oo la yaabay sida hoggaamiye kooxeedyadii looga adkaaday ayaa Itoobiya kaashaday. Ciidammada Itoobiya ayaa weeraray Muqdisho oo maxkamadihii ku qasbay in ay dhuumaaleystaan.

Balse kacdoonkii Soomaalida ee qabsadashii Soomaaliya ayaa sababay in ay dad badan dhintaan, Maraykankana waxay kala qeybiyeen maxkamadihii oo ay u kala qeybiyeen kuwa "dhex-dhexaad ah" iyo kuwa mayal adag.

Ugu dambeyntiina hoggaamiyihii kuwa "dhex-djexaad-ka ahaa" ayaa madaxweyne ka noqday Soomaaliya.

Xawaaladaha oo sawir foolxun laga bixiyay

Wasaaradda maaliyadda Maraykanka ayaa bangiyada dalkaas uga digtay inay xawaaladaha lacag u hayaan, maadaamma ay adag tahay in la aqoonsado dadka loo dirayo lacagaha.

Taas ayaa ku kalliftay xawaaladaha inay raadsadaan qaab kale oo ay lacagaha uga soo qaadaan Maraykanka.

Dhibaateynta shirkadaha ganacsiga

Lahaanshaha sawirka ABDIFATAH JANTE

Dadaallada lagu cabburinayo nolasha Soomaalida kuma goobna oo keliya xawaaladaha, waxaa si weyn loo bartilmaameedsaday shirkadaha gudaha.

Kooxda Qaramada Midoobeey u qaabilsan la socodka xaaladaha Soomaaliya ayaa si joogta ah u soo saartay warbixinno aanay wax caddeyn ah u haynin oo ay ku dhaawaceyso sharafta ganacsiga Soomaalida.

Tusaale ahaan sanadkii 2006-da Kooxdu waxay sheegtay in maxkamadihii Islaamka ay dagaallamayaal ay u direen Lubnaan si ay u caawiyaan ururka Xisbullah.

Sidoo kale, ganacisyo Soomaaliyeed oo diiday inay basaas u noqdaan kooxda ayaa lagu eedeeyay in ay iibiyeen raashiinka ay qeybisay Hay'adda Cuntada ee Adduunka ee WFP.

Kenya ayaa dhankeeda bartilmaameedsatay anteenooyinka shirkadaha isgaarsiinta ee Soomaaliya, in kastoo rasmi ahaan ay u beenineyso arrintaasi.

La isma dhiibin

Iyadoo ay waxaasi oo dhibaato ah ay jiraan, oo aqoonyahan uu Soomaalida ku tilmaamay dad aan guri lahayn, sabatoo ah dal la'aan ayay noqdeen, Soomaalida waxay noqdeen ganacsato an la joojin karin.

Halka waddamada kale ee Afrika, oo intooda badan ay ajnebi ku buuxaan isgaarsiinta iyo warshadaha casriga ah, ayaa Soomaalida waxay meel eber ka soo billaabeen oo ay sameysteen isgaarsiin xoog badan.

Waxaana haatan si la yaab leh la isu weydiinayaa, horumarka ay ku tallaabsan lahaayeen haddi aysan dhexda u geli lahayn argegixisada dhulkooda joogta iyo dagaalka ka dhanka ah argegixisada.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan