Haweeney lacag gaaraysa 20 milyan oo doollar isticmaashay intii uu ninkeeda xabsiga ku jiray

Zamira Hajiyeva Lahaanshaha sawirka Gustavo Valiente
Image caption Zamira Hajiyeva oo ku sugan laanta dambi baarista UK

Dokumenti ay heshay BBC ayaa shaaca ka qaaday sida ay haweeney ugu suuragashay inay isticmaasho lacago malaayin ah oo uu lahaa ninkeeda, iyadoo aanan wax shaki ah laga qabin.

Zamira Hajiyeva oo hadda ku sugan dalka Ingiriiska ayaa £16milyan oo lacagta giniga ah kusoo adeegatay, iyadoo inta badan ay kusoo iibsatay waxyaabaha dumarka ay isku qurxiyaan.

Gabadhan ayaa si weyn ugu takrifashay hantidan la rumeysan yahay inay kala soo baxday akoonka ninkeeda xilli ay adeegsanayay ku dhawaad 54 kaar oo lacagta lagula soo baxa.

Zamira Hajiyeva ayaa qarka u saaraan in laga qaato gurigeeda oo ku yaalla agargaarka Harrods ee galbeedka London, waxaana gurigan ku kacaya £15m oo lacagta giniga ah waa haddii ay ku guuldareysato inay maxkamada sare u sharraxdo halka ay keentay hantida intaas la eg ay ku takrifashay.

Ninka ay wada joogaan gabadhan ayaa muddo 15 sanno ah ku xiran dalkii uu kasoo jeeday ee Azerbaijan kaddib malaayin lacag ah uu ka xaday bangi ay dowladda maamusha.

Sannadkii lasoo dhaafay, BBC iyo qaar kamid ah warbaahinta ay bahwadaagta yihiin ayaa ku guuleystay dood sharci ah oo ay kusoo magacabaeen haweeneydan kaddib markii maxkamadda sare ay amar ku bixisay in haweeneydan ay shaaca ka qaaddo sida ay ku heshay lacag intaas dhan iyadoo aanan wax dhakhli ah soo gelin.

  1. Haweeney Muslin ah oo taageero ku heshay sawir ay la gashay kooxaha Islaamka neceb
  2. Haweeney indhaheeda laga soo saaray cayayaan nool
  3. Dhagaxyo aad u baaxad weyn oo kusoo dhacay waddo ku taalla Mareykanka

Waraaqaha la helay ayaa muujinaya in Zamira Hajiyeva ay lacago xadh-dhaaf ah ay ku adeegatay, waxay sidoo klae leedahay labo xarumood oo gaar ah oo baabuurta la dhigto.

Sida lacagta ay u isticmaashay

Waxay bilawday inay lacagta isticmaasho kaddib markii ay dowladda Ingiriiska ay codsi degnaansho ka raadsatay, waxaana sannad ka hor markaas lagu afduubtay dalka Azerbaijan.

Waxay buugaagta carruurta kusoo gadatay £842 oo ginni ah iyo cadar £140 gini.

Dhar ayay ku iibsatay £1,600 oo gini halka nooc kamid ah kabaha ay kusoo iibsatay £1,539 gini.

Bishii Maarso sannadkii 2007-dii, waxay dhar kusoo iibsatay lacag gaareyso £10,616 gini.

Waxaa sidoo kale la sheegay in lacag kale oo aan la sheegin qiyaastooda ay ku bixisay adeegyo kale, waxay ka badan yihiin £66,000 gini iyo £17,000.

Lacagtii Zamira Hajiyeva ay adeegsatay intii ay joogtay Harrods

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Noocyo kamid ah waxyaabaha ay haweenka xirtaan waxay kusoo kala iibsatay £3.5m gini iyo £1.4m gini.

Waxay siisay nin dharka casriga hagaajiyo ee Mareykanka u dhashay £402,000 gini.

Waxay cunto fudud ku iibsatay £332,000 gini.

Cadar waxay kusoo gadatay £160,000 gini.

Wadar ahaan lacagta ay sida daran ugu takrifashay waxay gaareysaa £16,309,077.87 gini, sida laga soo xigtay warqado laga helay maxkamadda sare ee UK.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Guriga Zamira Hajiyeva waxaa uu ku yaalla galbeedka London

Waaxda qaran ee dabadalka dambiyada dalka Ingiriiska ayaa waxaa uu bartilmaameedku yahay inay ogaadaan sida ay ku heshay hantida ay ku dhisatay guriyaha ay ku leedahay magalaada London. waxaana guryahana lala xiriiriyay shirkado.

Waxaana kamid ah guri Zamira Hajiyeva iyo gabadheeda ay ku nool yihiin oo ay malaayin lacag ah ay ku kaceyso.

Image caption Zamira Hajiyeva waxay beenisay in wax dambi ah ay gashay

Zamira Hajiyeva ayaa waxay beenisay in wax dambi ah ay gashay isla markaasna ay racfaan ka qaadaneyso dacwadda.

Waxay ka cabsi qabtaa in loo tarxiilo dalka Azerbaijan waa haddii go'aan laga soo saaro dacwaddeeda oo dib loo dhageysanayo dabayaaqada sannadkan.

Ninkan qabo haweeneyda ayaa waxaa uu ku xiran yahay dalka Azerbaijan , waxaana lagu soo oogay dacwad ah inuu lacag ka xaday bangi ku yaalla halkaas.

Hadal ay ka jeedisya maxkamadda, ayay ku sheegtay inaysan is difaaci karin ama aysan difaaci karin ninkeeda maadama uu ku jiro xabsi isla markaasna wax faahfaahin ah aysan ka bixin karin sida uu ku helay kuna noqday ganacsade weyn.

Mowduucyada la xiriira