"Meel walba oo uu kufsi ka dhaco Soomaaliya, malaga waalan yahay?"

. Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Kufsiga loo geysto gabdhaha yar yar ayaa kusoo badanaya deegaannada Soomaaliya

Iyadoo falalka kufsiga ay muddooyinkan kusoo badanayaan deegaannada kala duwan ee Soomaaliya ayaa haddana la hadal hayaa xiriirka ka dhaxeeya tacaddiyada noocaas ah iyo xanuunka dhimirka.

Waxaa isasoo taraya wararka ku saabsan in qaar ka mid ah dhibbaneyaasha kufsiga ay waxyeello ka gaarto dhimirka, halka kuwo kalena la sheego in iyagoo xanuunka dhimirka qaba ay kufsi geystaan.

Falkii ugu dambeeyay ee kufsi ah ayaa Jimcihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Buulobarde ee gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya, iyadoo horayna kuwo noocaas ah looga soo tabiyay magaalooyin kale.

Gabar yar oo 9 jir ah ayaa la kufsaday, taasoo iminka xaaladdeeda caafimaad walaac laga muujinayo.

Saabiriin Maxamed Xasan ayey dadka qaar sheegayaan inay 8 jir tahay.

Laakiin warar durbadiiba soo baxay ayaa sheegay in ninka falkaas geystay uu yahay qof dhimirka ka xanuunsan, inkastoo aan wali gacanta lagu soo dhigin, dhakhtarna uusan xaqiijinin arrintaas.

Balse waxaa qodobkaas ku gacan seyray mas'uuliyiinta deegaanka oo ku raad jooga dadkii ku lug lahaa dhacdadaas.

Guddoomiyaha degmada Buulobarde Cabdicasiis Cabdullaahi Cabdi Duurow, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay dhankooda aysan aaminsaneyn sheekada ku saabsan in ninka gabdha kufsaday uu dhimirka ka xanuunsan yahay.

"Waxaan waa fidno kale oo dalka kusoo biirtay, kufsigu meelo badan ayuu ka dhacay, ma dhihi karnaa meel kasta waa laga waalan yahay?, waan baareynaa ilaa ay noo caddaatana ma aamineyso taas", ayuu yidhi Guddoomiyaha.

Gabdhaha la faro xumeeyo oo ay dhimirka waxyeello ka gaarto

Image caption Dumarka Kufsiga la kulma qaarkood ayaa wajaha xanuunka dhimirka

Dhanka kale waxaa jira in meelo badan oo ka mid ah dunida laga soo tabiyay in gabdhaha iyo carruurta yar yar ee tacaddiyada galmada loo geysto ay soo wajahaan cudurrada dhimirka.

Daraasad horay looga sameeyay UK ayaa lagu sheegay in dhibaneyaasha dambiyada ee xanuunka dhimirka qaba la iska illoobay.

Dadkaas ayaa xitaa la sii bartilmaameedsadaa marka ay xanuunnadaas ku dhacaan ka dib, mana jirto cid u istaagta inay dhibkooda wax ka qabato.

Daraasaddan ayaa lagu qeexay in gabdhaha la kulma tacaddiyada galmada uu soo food saaro culeys ku saabsan sidii looga rumeysan lahaa wixii ku dhacay.

Qaarkood ayaa la sheegay in marka ay booliska dacwaddooda geystaan lagu gacan seyro, oo iyaga qudhooda eedda la saaro.

361 ruux oo ka mid ah dadka cilmi baaristan lagu wareystay ayaa sheegay in lagu beeniyay markii ay tabiyeen weerarro kufsi ah oo loo geystay.

Qaar ka mid ah gabdhihii sida foosha xun tacaddiyada loogu gaystay.

Maxkamadda degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee Maamulka Galmudug ayaa xukun ku riday afar nin oo dhalinyaro ah oo horaantii sannadkan gabadh kufsi ugu gaystay isla degmadaas.

Falkan ayaa horay caro uga dhaliyey kufsi wadareed magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud loogu geystay gabadh da'deeda lagu sheegay 14 jir, iyadoo muuqaal laga duubay dhacdadaasna ay si weyn ugu faaftay baraha ay bulshadu ku xiriirto.

Maxkamadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa aabaha dhalay gabadha, waxaana uu sheegay in uu ku qanacsan yahay xukunka ay riday Maxkamada Degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Waxaa sidoo kale xarunta goob jog ka ahaa, saraakiil ka socota laammaha amniga iyo dad kala oo ka socda qaybaha kale ee bulshada.

  1. Jilaa caan ka ah Hindiya oo kufsi loo haysto

Kiiskaas Kufsiga ah ayaa waxaa loo soo qabtay afar dhalinyaro ah oo lagu eedeeyey,waxaana Maxkamada Degmada Guriceel ay midkiiba ku xukuntay Xabsi lix bilood ah.

Dhalinyaradan oo Maxkamadda la soo taagay ayaa laba ka mid ah qirteen halka labada kale ay sheegeen inay kala Shaqeeyeen in gabadha Guri la geeyo lana heshiiyeen.

Dhinaca kale labada Wiil ee Xukunka lagu riday min lixda bilood ee dambiga qirtay ayaa waxaa u dheer min Boqol Jeeydal sida uu fadhiga ka sheegay Guddoomiyaha Maxkamada degmada Guriceel.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sameeyay dibad bax ay ku cambaareynayaan dhacdadaas, sidoo kalena ay ku dalbanayaan in caddaaladda la marsiiyo raga geystay falka ay ku tilmaameen "Wuxuushnimada".

Hase ahaatee, dadka falkaas aad uga xanuunsaday kana dhiidhiyay waxaa ka mid ah Nafisa Xirsi oo ah saxafiyad gobolka daggan, waxayna nooga warrantay sida ay wax u dhaceen.

"Maxkamadda cadaalad ma ahayn balse waxaan u arkaa inay tahay iskuday fiican marka laga fiiriyo dhanka in horay dadka gala dambiyada noocan ah aanan la keenin maxkamad, balse waxaan isleeyahay sidaan si ka wanaagsan ayaa la samayn karay."

Gabadh 13 sanno jir ah oo dil iyo kufsi loogu gaystay xaafadda Islii ee magaalada Nairobi.

Magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, gaar ahaan xaafadda Islii ee ay Soomaalida dagto ayaa bishii Febraayo waxaa lagu kufsaday laguna jirdilay gabadh 13 sano jir ah.

Ismahaan ayaa 'si arxan darro ah' loogu dilay guriga eedadeed oo ay la noolayd.

Booliska ayaa xiray saddex qof oo lagu tuhunsanyahay inay ka dambeeyeen falkan oo ay ka mid tahay eedadeed.

Qaar ka mid ah dadka dariska oo la hadlay telefishinka NTV ee dalka Kenya ayaa sheegay in Ismahaan lagu xiri jiray gudaha guriga aysanna dibadda u soo bixi jirin lagana reebay waxbarashada iskuulka.

Gabadha ayaa la sheegay inay eedaysaneyaasha rabeen inay si qorsoodi ah u aasaan maydkeeda.

Isniintii ayaa waxaa maydka gabadha lagu sameeyey baaritaan, iyadoo weli la sugayo jawaabta.

Booliska ayaa kiiskan baaraya halka gabadha eedadeed iyo kuwa kale la hor keeni doono maxkamdda 11ka bisha Maarso.

Caasha oo Gaalkacyo lagu kufsaday kadibna si arxan darro ah loo dilay

Waxaa magaalada Galkacyo meydkeeda laga helay gabadh yar oo 12 sano jir ah, taasi oo laga afduubay halkaasi. Dadka deegaanka ayaa BBC-da u sheegay in meydkan gabadhan yar la soo dhigay meel aan ka fogeyn xaafadooda.

Dhacdadan ma ahan midii ugu horeesay oo ka dhacday deegaanadaasi oo waxaa ka horeeyay kufsi loo geystay gabdho kala duwan oo ka kala dhacay magaalooyinka Galdodgob, Galkacyo, Garowe, Guriceel, inkastoo qaar ka mid ah xabsiga loo taxaabay.

Hasayeeshee waxaa la isweydiinayaa suurtaglanimada ah in gabadhaasi iyo kuwa la midka ah ay helaan caddaalad, maadaama deegaanadaasi ay horay uga dhaceen falal kufis oo noocan oo kale ah, balse aysan jirin tallaaba muuqato oo laga qaaday dadkii ka dambeeyay falalkii horay u dhacay.

"Gabadhan caddaalad ma heli doonto, sababtoo ah waxan ku sababaeynayaa gabadhii u dambeesay ee lagu dhibaateeyay Galdogob, wixii ay u baahneyd ma aysan helin, bulshadii way fuquuqday oo Muqdisho ayay usoo carartay, waxaana usoo joogay kiisas badan oo caddaalad darro ah". Sidaasi waxaa BBC-da u sheegtay Muna Xassan oo u dhaqdhaqaaqda arrimaha haweenka.

Muna ayaa sidoo kale sheegtay in arrimaha noocan oo kale ah qaab qabiil ah lagu xaliyo, balse iyadoo sidaasi ay tahay na aysan dhibaatada joogsanin.

"Waxaa usoo joognay kiisas badan oo noocan oo kale ah, arrin ayaa hadda hortaala maxkamad oo gabadh 16 jir ah ayaa laba bilood guri ugu xirneyd wiilal oo markii dambe lasoo helay, raggii ka dambeeyay na lasoo qabtay, balse laba bilood ayaa la iska daba wareejinayo, marka gabdhuhu caddaalad ma helayaan". Ayay raacisay.

Inkastoo wacyigelin badan la sameeyay sanadihii dambe, hay'adaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahayn na ay ku howlanaayeen sidii wax looga qaban lahaa arrimahan ayaa haddana waxaa muuqata in marnaba aysan istaagin dhibaatooyinka loo geysto gabdhaha Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku sugan deegaanada gobolada dhex oo mudooyinkii dambe lagu la kacayay falal isugu jira kufsi iyo dil.

Dad badan waxay qabaan aragti ah in dhibaatadu ay ugu wacan tahay hab dhaqanka wax lagu xaliyo, bulshada oo aan daacad ka ahayn xal u helida arrintan iyo odhayaasha dhaqanka oo marwalba gabaad u noqda dhalinyarada lagu eedeeyo falalka kufsiga iyo tacadiyada ka dhanka ah dumarka.

Mowduucyada la xiriira