Dhiciskii ugu culays yaraa abid oo si mucjiso ah ku badbaaday

Dhicis Lahaanshaha sawirka AFP

Canug yar oo dhashay isaga oo 245g ah ayaa la rumaysan yahay in uu yahay dhiciskii ugu culays yaraa ayaa ee badbaada, waxaana hadda laga saaray isbitaal ku yaalla Maraykanka.

Saybie ayaa la cabir ekayd tufaax wayn, waxay ku dhalatay 23 toddobaad iyo saddex maalmood, taariikhdu markay ahayd bishii Disembar ee sannadkii 2018.

Markii ay dhalatay ayaa loo wareejiyay qaybta la dhigo dadka aadka u xanuunsan ee isbitaalka Sharp Mary Birch Hospital oo ku yaalla magaalada San Diego ee gobolka California ee dalka Maraykanka.

Dhakhaatiirta ayaa waalidka Saybie u sheegay in ay sii noolaan doonto saacado kali ah.

Balse shan bilood ka dib waxaa laga saaray isbitaalka iyadoo caafimaad qabta cabirkeedu yahay 2.5kg, iyadoo beenisay waxyaabihii niyada lagashaday oo dhan.

Kalkaalisadii baxnaaninaysay markii ay aadka u il darnayd ayaa sheegtay in soo kabashadeeda iyo isbitaalka laga saarayba bishanba ay mucjiso ahaayeen.

Lahaanshaha sawirka AFP

Jaamacad diiwaan galisa carruurta dhasha iyagoo aad u baryar ayaa sheegtay in loo malaynayo in Saybie ay tahay dhiciskii ugu tabar darraa ee baddaada.

Rikoodhkii hore wuxuu u yaallay gabadh Jarmalka ku dhalatay oo cabirka jirkeedu ahaa 252g sida uu muujinayo diiwaanka jaamacadda Iowa.

Sannadkan horraantiisiina dalka Japan waxaa ku dhashay canug cabirkiisu yahay 268g, waxaana la rumaysan yahay in dhiciskaasi uu yahay wiilka ugu tabaryar ee badbaada.

Saybie hooyadeed ayaa qalliin looga dhaliyay iyadoo uur lix bilood ah leh ka dib markii ay xannuunsatay.

Lahaanshaha sawirka AFP

Muuqaal uu isbitaalku baahiyay ayay hooyadan ku sheegtay in dhalmadaasi ay ahayd maalintii ugu cabsida badnayd ee abid soo martay.

Dhakhaatiirta ayaa sheegay in aysan cilado caafimaad oo waawayn la kulmin gabadhan yar ee dhicisnimada ku dhalatay.

Mowduucyada la xiriira