"Cuntooyinka aad loo warshadeeyo waxay keenaan in qofku horay u dhinto"

Carruur cunaysa Jallaato Lahaanshaha sawirka Getty Images

Saynisyahannada ayaa sheegaya, in cuntooyinka aadka loo warshadeeyo sida digaagga, Jallaatada iyo firileeyda ay horseedaan caafimaad darro iyo in qofku horay u dhinto.

Cilmi baadheyaal ku sugan dalalka Faransiiska iyo Spain ayaa sheegaya in xaddiga cunitaanka cuntooyinkaas uu aad sare ugu kacay.

Cilmi baadhistoodu ma ay muujinayso wax caddayn ah oo ku aaddan dhibka ay cuntooyinkaas keenaan, balse waxay arrintaani imaanaysaa kaddib markii tijaabooyin lagu sameeyay cuntooyinka la warshadeeyey iyo dhibaatada ka dhalata marka la iska badiyo.

Xeeldheereyaasha ayaa soo jeediyey digniin arrintaas ku aaddan balse waxay ku baaqeen in baadhitaan dheeri ah la sameeyo.

Maxay yihiin cuntooyinka aadka loo warshadeeyey?

Waa jaad ka mid ah cuntooyinka kuwaas oo la marsiiyo nidaamka warshadaynta oo xad dhaaf ah.

Cuntooyinka aan la warshadayn waxaa ka mid ah - Khudaarta, miraha, caanaha, hilibka, xabuubka sida bariiska iyo ukunta.

"Cuntooyinka la warshadeeyey" ayaa ah kuwo loogu tala galay in ay waqti dheer sii jiraan ayagoo aan isbaddalin - waxaana inta badan lagu daraa saliid, sonkor ama waaba la khamiiriyaa.

Waxaana qaybtaas kamid ah: Farmaajada (Subdadda), hilib doofaarka, roodhiga bacaha lagu xidho, khudaarta iyo kalluunka la gasacadeeyo iyo waliba Khamrida.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Prof Maira Bes-Rastrollo, oo katirsan jaamacadda Navarra, ayaa BBC News u sheegtay " Cuntada ka kooban in ka badan shan walxood oo la isku daray ayaa loo yaqaan "ultra-processed." oo macnaheedu yahay warshadayn xad dhaaf ah.

Waxaana cuntooyinkaas ka mid ah: • breakfast cereals ama cereal bars • instant soups • sugary fizzy drinks • chicken nuggets • cake • chocolate • ice cream • mass-produced bread • many "ready to heat" iyo pizza -da.

Maxay cilmi baadhistu muujinaysaa?

Cilmi baadhista koowaad, oo ay samaysay jaamacadda Navarra, oo ku taal dalka Spain, waxaa muddo toban sano ah baadhitaan lagu sameeyey 19,899 oo qof iyo cuntooyinka ay cunaan sanad kasta.

Waxay cilmi baadhistaasi muujisay 335 oo dhimasho ah.

Cilmi baadhista labaad, oo ay samaysay jaamacadda Paris, waxaa muddo shan sano ah baadhitaan lagu sameeyey 105,159 oo qof, waxaana qiimayn lagu sameeyey cuntooyinkooda sanadkiiba hal mar.

Xaddiga xanuunadda wadnaha ku dhaca ee sannad kasta waxa uu ahaa 277 boqolkii kun ee qofba, dadkaas badan koodu waxay cunayeen cuntooyinka la warshadeeyey.

Dr Mathilde Touvier, oo ka tirsan jaamacadda Paris, waxa uu BBC-da u sheegay: " in dunida ay ku soo badanayso isticmaalka cuntooyinka warshadaynta laga badiyey, kuwaas oo keeni kara xanuunnada wadnaha ku dhaca".

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Haddaba Cuntooyinkaas ma yihiin kuwo caafimaadka u daran?

Dr Mathilde Touvier, oo ka tirsan jaamacadda Paris ayaa BBC-da u sheegay in caddaymuhu ay isa soo tarayaan.

"Daraasado badan oo kala madax bannaan ayaa muujinaya in xidhiidh uu ka dhexeeyo isticmaalka cuntooyinka sida xad dhaafka ah loo warshadeeyey iyo caafimaad darrada".

Prof Bes-Rastrollo, oo ka tirsan jaamacadda Navarra, ayaa BBC-da u sheegtay in cuntooyinkaas intooda badan ay caafimaadka u daran yihiin.

Ma jirtaa talo wax ku ool ah?

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Victoria Taylor, oo ah nin cuntooyinka ku xeeldheer kana tirsan British Heart Foundation, ayaa yidhi "Waxaan dadka kula talinaynnaa in ay badsadaan cuntooyinka aan la warshadayn sida khudaarta, miraha, kalluunka iyo cuntooyinka baalka leh".

"Jimicsiga joogtada ah, iyo sigaarka oo aan la cabbin, waxay hoos u dhigaan xanuunnada wadnaha ku dhaca".

Prof Bes-Rastrollo ayaa rumaysan in xukuumadaha looga baahan yahay in ayaguna ay tallaabo qaadaan.

Waxay Tidhi: "tallaabooyinka sida canshuurta, xayiraadaha suuqa ee lagu soo rogo cuntooyinka loo warshadeeyey sida xad dhaafka ah waxa ay yarayn karaan isticmaalka cuntooyinkaas".

"Isla markaasna, in sare loo qaado cuntooyin fareesh ah oo aan aad loo warshadayn ayaa loo baahan yahay".

Mowduucyada la xiriira