Dr Abiy miyuu u kala eexanayaa Soomaalida iyo Oromada?

Ra'isulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ra'isulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed

Wasaaradda Nabadda ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay in 1.2 milyan oo qof oo horay dalka gudihiisa ugu barakacay ay hadda dib ugu laabteen deegaannadoodii.

Dadkaasi degaannadooda dib looga celiyey ayay wasaaraddu ku sheegtay iney ka soo jeedaan qowmiyadaha Oromada iyo Shucuubta Koonfureed.

Ra'iisulwasaare Abiy Axmed ayaa booqday dad lagu qiyaasay 3,000 oo ruux oo ku laabanaya guryahooda oo ku yaalla koonfurta dalka Itoobiya.

Barakacayaashi Oromada iyo kuwii ka soo barakacay deegaanka Shucuubta Koonfureed haddii guriyahooda dib looga celiyey, waxaa isweydiin mudan barakacayaasha Soomaalida ee ku sugan Xerada Qoloji yaa u maqan?

Barakacayaasha Qoloji

Xerada barakacayaasha qoloji waa xero ay ku nool yihiin barakacayaal Soomaali ah oo ka badan nus malyuun oo aan wax daryeel ahna ku haysanin xeradaasi.

Waxayna barakacayaashaasi ka soo barakaceen deegaanka Oromada iyaga oo xoolahooda, guriyahoodii iyo beerahoodiba laga faramaroojiyey oo uu maamulka oromada ka dhacay.

Ilaa iyo haddana ay jirin cid caawisay barakacayaashaasi marka laga reebo caawimaadyo kooban oo hay'adaha ama laamaha dowliga ah ka soo gaara oo aan noolashooda wax badan ka beddeleyn.

Xukumadda deegaanka iyo Qoloji

Madaxweynaha Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar oo mar sii horraysay ka hadlay xaaladda dadka barakacayaasha ah ee Qoloji ayaa sheegay in ay wax badan iska badalaan intii uu xilka qabtay isla markaasna uu sare u qaaday biyo dhaaminta, waxbarashada, caafimaadka iyo cuntada.

"Marka awrkacsiga iyo huuhaada laga tago waa la soo qiimayn karaa" ayuu intaas ku sii daray Mustafe Cagjar.

Hase yeeshee, xerada dadka ku nool waxay ku sugan yihiin xaalad bani aadaminimo oo aad u adag iyaga oo sheegaya iney haysanin biyo, hoy, caafimaad, waxbarasho iyo dhammaan adeegsayada aasaasaiga ah.

Dadka ku nool xerada Qoloji maxay leeyihiin?

Dadka ku nool xerada qolaji ayayse u muuqataa in aysan dan ka lahayn xukuumadaha la badellay waxayna sheegeen in ay wali noloshu ku cakiran tahay.

Image caption Nimco Yaasiin oo ku nool xerada Qolaji

"Gaajo ayaa noogu daran, biyo xumo ayaa jirta, dawladdu waxay sheegtay in xaaladdanadu wanaagsan tahay, balse dadku in ay macluuli mariso ayaa laga yaaban yahay" ayuu yiri Ibraahim Cabdullaahi Macallin Xasan oo ka mid ah dadka qaxootiga ku ah Qoloji.

Baahidaas ballaaran ee ay sheeganayaan dadkaas qaxootiga ah waxaa meesha ka saaray oo hadalkii madaxweynaha xoojiyay Faatax Maxamed Faatax oo ah wasiirka ka hortagga iyo xakamaynta aafooyinka iyo abaaraha Dawladda Deegaan Soomaalida dalka Itoobiya.

"Sartu waxay ka qurunsan tahay" dhaqanka Soomaaligaa wuxuu yahay marka su'aal la waydiiyo ee la dhoho wax ma heshaa, isaga oo wax siyaadso is leh ayuu qofka Soomaaliga ahi dhihi waligay wax ma helin" ayuu yiri Faatax.

Midkuu doonaba ha noqdo waxaa meesha ka cad in labada dhinac midkood uu xaqiiqada ka fog yahay.

Image caption Xerada qoxootiga Qolaji

Wariyaha BBC uu booqday Qoloji muxuu ku soo arkay?

Wariyaha BBC-da oo dhex maray xerada qaxootiguna wuxuu sheegay in dadku aysan hadalhaynin caafimaad iyo iskuul balase waxa ugu wayn ee ay sheeganayaan uu yahay biyo iyo cunto.

Waxkaste oo ay qabeenna waxaa walaac hor leh ku haya roobabka guga maadaama oo ay ku nool yihiin guryo macmal ah, waxaana intaas sii dheer oo foodda ku soo haya bishii Ramadaan.

Baahida meeshan ka jirta Illaahay unbaa garan kara, noloshuna markii hore ayay 100% dhaantay ayuu hadalka ku soo gabogabeeyay Sheekh Axmed Maxamed Cumar oo imaam ka ah masaajid ku yaalla xerada qaxootiga ee Qoloji, wuxuuna hadalkaas BBC-da u sheegay isaga oo ku sugan masaajidka dhexdiisa.

Xukumadda Addis Ababa waxaa kale oo ay sheegtay xalka keli ee barakacayaasha dalka gudahiisa loo hayo ayaa waxay tahay in deegaannadi ay ka soo qaxeen dib looga celiyo.

Lahaanshaha sawirka FANA
Image caption Kumannaan shacab ah oo ku barakacay isku dhacyo beeleedyo dalka Itoobiya ka dhacay

Wasiirka nabadda ee dalka Itoobiya Mufariyaat Kamaal waxay khamiisti sheegtay iney dolwadda ilaa iyo hadda qorsheysay iney deegaammadooda ku celiso 1.2 milyan oo qof oo ka barakacay benishaangul Gumuz iyo Gedeo.

"Qoysaska dib u dejinta loo sameeyeyna guriya ayaa dib looga dhisay waxaana la siiyey qalabki wax soo saarka beeraha ay u adeegsan lahaayeen" ayey tiri Mufariyaat.

Qowmiyadaha isku dhaca ayaa ku batay dalka Itoobiya tan iyo markii uu xilka la wareegay Ra'iisulwasaare Abiy Axmed.

Isbadalladii siyaasadeed ee uu sameeyay ayaa xoriyad badan siiyay dadka, balse tobannaan sano oo ay caddaadis ku noolaayeen qowmiyado ayaa caadaystay xiisaddii ka dhextaagnayd.

Barakacayaasha gudaha maxay dhan yihiin

In ka badan 3 milyan oo qof ayaa lagu qasbay in ay guryahooda ka qaxaan dalka Itoobiya ,waxaana dadkan inta badan barakiciyay rabshado la xiriira qowmiyado iska soo horjeeda.

Arrintan ayaa la tilmaamay in ay halis ku tahay isbadallada degdega ah ee uu wado raii'sul wasaare Abiy Axmed.

Lahaanshaha sawirka .
Image caption Rabshadaha Soomaalida iyo Oramada waxaa ku barakacay dad badan

Xiisad gaamurtay oo ka dhalatay sanooyiin badan oo cadaadis siyaasadeed uu dalkaasi ka jiray xiligii Meles Zenawi iyo Hailemariam Desalegn, ayaa sii xoogaysatay ka dib markii Abiy uu la wareegay awoodda bishii Abriil, islamarkaana uu fasaxay xorriyada rayidka.

Inta badan isku dhacyada qowmiyadaha waxaa dhaliyay kheyraadka oo yar iyo muran dhanka dhulka ah, balse kuwa kalana waxa ay ka dhasheen gacan bidxeyn la sheegay in lagu hayay qowmiyadaha qaar iyo in aan xukunka wax laga siin.

Kala qaybsanaantan ayaa ahayd mid jirtay tan iyo 1994 markaasi oo la asaasay nidaamka maamulka gobollada oo lagu saleeyay qowmiyado, ka dib markii ay xukunka dalkaasi la wareegeen xisbiga EPRDF.

Qolyaha xuquuqda aadanaha u dooda ayaa sheegay in dadku ay aad uga cabsanayaan in ay ku laabtaan guryahooda, sababtuna ay tahay in aan la xallin wixii sababay in markii horaba ay qaxaan.

Lahaanshaha sawirka FANA
Image caption Kumannaan shacab ah oo ku barakacay isku dhacyo beeleedyo dalka Itoobiya ka dhacay

Qoomiyadaha iyo barakaca

Dalka Itoobiya, oo ah dalka labaad ee ugu dadka badan qaaradda Afrika, isla markaana ay ku nool yihiin dad ka badan 100 milyan ayaa waxaa ku nool 80 qowmiyadood.

Qowmiyadaha Oromada iyo Amxaarada ayaa ah labada qowmiyadood ee ugu tirada badan, waxa ayna dalkaasi ka yihiin 60%.

Qoomiyadaha tirada yar waxaa ka mid ah Soomaalida oo dalkaasi ka ah 6%, Tigree 6%, Sidama 4%, Gurage 4%, iyo qoomiyadda Welayita oo ah 2%.

Qowmiyadaha kale ee yaryar ayaa marka la isku daro guud ahaan dalkaasi ka ah boqolkiiba 20.

31 bishii Agoosto, hay'adda caruurta Qaramada Midoobay ee UNICEF ayaa sheegtay in 2.8 milyan oo qof ay ku barakaceen dalkaasi, waxaana ntooda badan barakacooda sababay isku dhacyo iyo abaar.

Hay'adda qaxootiga ee dalka Norwey ee NRC loo soo gaabiyo ayaa dhankeeda sheegtay "in dad ka badan 2.5 milyan oo qof" ay ku barakaceen gudaha Itoobiya bishii August.

In ka badan 1.4 milyan oo qof ayaa guriyahooda ka barakacay Itoobiya intii u dhaxeysay Janaayo iyo Juun 2018, sida ay sheegtay hay'adda la socodka dadka dalkooda ku barakacay ee fadhigeedu yahay Geneva.

Inta badan dadka qaxay ayaa ku sugnaa gobolada Soomaalida, Oromada iyo deegaanada shucuubta Koonfureed.