Toogasho ka dhacday Mareykanka oo ay dad ku dhinteen

Dadkii ku dhaawacmay ayaa loo qaaday isbataalada deegaanka Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Dadkii ku dhaawacmay ayaa loo qaaday isbataalada deegaanka

Ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhimatay toogasho Jimcihi ka dhacday dhismooyiin ay dowladda leedahay oo ku yaalla gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.

Booliiska ayaa waxay sheegeen in qofka looga shakisan yahay uu aha shaqaala ka howlgali jiray magaalada Virginia Beach, islamarkana "si aan kala sooc lahayn" uu rasaas ugu furay dhismaha.

Ninkan hubaysnaa ayaa markii dambe waxuu ku dhintay rasaas ay booliiska is waydaarsadeen.

Saraakiisha booliiska ayaa waxay sheegeen in hal askari uu is rasaasayntaasi uga dhaawacmay.

Sidey toogashada u dhacday?

Weerarka ayaa billaabmay 4 galabnimo xilliga Mareykanka waxa uuna ka dhacay Virginia Beach,halkaasi oo ay ku yaallaan tiro dhismooyinka dowladda ah.

Goobta ayaa waxaa xiray booliiska islamarkana shaqaalaha ayaa halkaasi laga daadgureeyay.

"waxaan maqalnay dadka oo qaaylinaya, ," ayuu yiri Megan Banton, oo ah maamul ku xigeenka dhismaha la weeraray.

  1. Safiirka Ruushka ee Turkiga ayaa toogasho lagu dilay
  2. Madaxii ciidamada Lesotho oo toogasho lagu dilay
  3. Qof "af duubtay" diyaarad Dubai u socotay oo toogasho lagu dilay
Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Weerarka ayaa ka dhacay dhismaha labad ee Virginia Beach

Mid ka mid ah dadka la toogtay ayaa waxaa lagu toogtay gudaha gaarigiisa,halka inta kale maydadkooda laga helay sadex dabaq oo ka mid ah dhismaha uu weerarka ka dhacay,waxaa sidaasi sheegay madaxa booliiska James Cervera.

Madaxa booliiska ayaa sidoo kale sheegay in goobta uu falku ka dhacay ay ahayd "meel aragagax leh " oo lagu tilmaami karo "goob dagaal ".

Ilaa iyo imika lama shaacid cidda ay yihiin 12 qof ee togashada lagu dilay.

James Cervera madaxa booliisa ayaa sidoo kale sheegay in magaca qofka laga shakisan yahay ay shaacin doonaan oo kali ah marka lagu wargaliyo qoysaska dhibanayaasha.

Mowduucyada la xiriira