Isabahaysiga uu horkacayo Mareykanka oo qirtay in rayida badan ay dileen

Isbahaysiga ayaa waxay sheegeen in ay samayn doonaan wax walba oo kalankooda si khasaaro rayid looga hortago Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Isbahaysiga ayaa waxay sheegeen in ay samayn doonaan wax walba oo kalankooda si khasaaro rayid looga hortago

Isbahaysiga uu hogaamiyo Mareykanka ee dagaalka kula jira kooxda IS ayaa waxay shaaca ka qaadeen in si aan ula kac ahayn ay u dileen 1,300 oo qof oo rayid ah .

Dilalkani ayaa sida ay isbahaysiga sheegeen ka dhacay dalalka Suuriya iyo Ciraaq tan 2014.

Kooxda la socodka xaaladda xuquuqda aadanaha Suuriya ee fadhigoodu yahay UK ayaa waxay dhankooda sheegeen in tirada dhimashada ay intaas ka badan tahay.

Hay'ada ayaa ku qiyaastay dadka rayidka ah ee ku dhintay duqaymaha isbahaysiga uu Mareykanka hogaamiyo ku dhawwad 13,000.

Isbahaysiga uu Mareykanka hogaamiyo ayaa howlgalada billaabay ka dib markii kooxda la baxday dowladda Islamka ay qabsadeen dhul badan oo ku yaalla Suuriya iyo Ciraaq.

Tiradan ay isbahaysiga soo saareen ayaa ka badan tii ay qirteen 8 bilood ka hor taasi oo ahayd in duqaymaha ay ku dhinteen 1,100 qof oo rayid ah.

  1. Garoobada rajada leh ee Koofur Galbeed
  2. 65 sano ka dib ayay is heleen oo is guursadeen:
  3. Haweenaydii baaraysay tacaddiyada Siiriya oo is casileysa

Balse hay'adaha u dooda xuquuqda aadanahay ayaa waxa ay sheegeen in tirada ay intaasi aad uga badan tahay.

La taliyaha hay'adda Amnesty International Donatella Rovera ayaa ku eedeeyay isbahaysiga uu Mareykanka hogaamiyo in ay "si aad ah u dafirayaan" tirada saxda ah ee dhimashada rayidka.

Isbahaysiga ayaa waxay sheegeen in ay samayn doonaan wax walba oo kalankooda ah si ay uga hortagaan in dad rayid ah ay waxyeelo ka soo gaarto duqeymha ay fuliyaan.

Mowduucyada la xiriira