Dhalinyarada Soomaalida Mareykanka oo is leynaya iyo cabsi xoog leh oo soo korodhay

. Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dilalka dhalinyarada Soomaalida ayaa dib usoo cusboonaaday.

Waalidiinta Soomaalida ah ee ku dhaqan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa walaac xooggan ka qaba dilalka ay dhalinyarada isu geystaan oo dib usoo cusboonaaday, iyadoo hadda ay jirto cabsi dheeri ah.

Khudbaddii Jimcada ee shalay laga jeediyay Masjidka Abuubakar ee magaalada Minneapolis ayaa looga hadlay arrintan, waxaana Alle looga baryay inuu kala maslaxo dhalinyarada Soomaalida ah ee usoo jeestay inay is laayaan.

Bishii May ee dhammaatay waxaa dhacday 8 toogasho, waxaana la dilay 2 wiil oo kamid ah Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota.

16-kii bishii lasoo dhaafay, waxaa magaalada Minneapolis lagu dilay wiil lagu magacaabi jiray Shuceyb Aadan, kaasoo sida la sheegay sannadkii lasoo dhaafay dhammeeyay waxbarashada Jaamacadda.

31-kii May, saqdii dhexe ee habeenkii Jimcaha, waxaa sidoo kale la dilay Xasan Ibraahim, oo da'diisa lagu sheegay 26 jir.

Dilalkan oo mar hakad galay ayaa hadda dib usoo cusboonaaday, waxaana la sheegayaa in dhallintu ay koox koox isu dilayaan, iyagoo mararka qaarna isu bartilmaameedsada xaafad xaafad.

Waxaa sii kordhaya walwalka ay arrintan ku heyso jaaliyadda Soomaalida Mareykanka.

Cabsida ugu weyn ee hadda la qabo ayaa ah in la galayo xilligii kuleylaha, oo iskuullada la xirayo, dhalinyaraduna ay isu heli karaan firaaqo buuxda.

Ma jiro dadaal muuqda oo loogu jiro sidii xal loogu heli lahaa dhibaatadan, maadaama aan la ogeyn meel loogu hagaago, isla markaana aysan jirin kooxo is horfadhiya oo lala hadlo.

Waalidiinta iyo ehelada dhalinyarada ayaa si kadis ah u maqla in "wiilkoodii la dilay", iyagoo aan garaneynin sababta iyo cidda falka geysatay toona.

Maamulaha masaajidka Abuubar ee magaalada Minneapolis Cabdillaahi Faarax ayaa BBC-da u sheegay in loo baahan yahay dadaal la isku wada kaashado.

"Xaqiiqdii waxaa nagu soo wajahan dhibaato weyn, bulshadana waxaa lagama maarmaan ah inay u kacdo, oo si guud la isaga kaashado xalka, maxaa yeelay ma awoodi karno in habeen walba ay guri tacsi taallo, oo hooyo ama aabe ay ooyaan", ayuu yidhi.

Sidoo kale Maxamed Shuceyb oo ka mid ah bulshada Soomaalida ee gobolkaas ayaa ka hadlay sababaha keenaya arrintan.

"Dhibaatadan ku saabsan Dhalinyarada Soomaalida ee isleyneysa runtii waa mid qota dheer oo xididdo badan leh, sababo bandanna ay keenaan, sida aan isleeyahayna sababaha keena waxaa ugu waaweyn shaqo la'aanta heysata da' yarta iyo tarbiyadii oo ku yar, waayo waxaa laga yaabaa badankood inay soo korisay hooyo kaliya".

Dhalinyarada Soomaalida ee ku nool dalalka qurbaha ayaa laga soo tabiyaa dhacdooyinka noocan ah, waddamada kale ee dhibaatadan ay ka jirtana waxaa ka mid ah Ingiriiska.

Jaaliyadda Soomaalida maka sii jeeddaa xal u raadinta arrintan?

Bulshada Soomaalida ah ee ku nool magaalada Minneapolis iyo qeybaha kale ee gobolka ayaa lagu dhaliilsan yahay ineysan sidii loo baahnaa ugu istaagin wax ka qaashada dhibaatadaas.

Wax garadka iyo culumaa'udiinka ku nool gobolkaas ayaa lagu boorriyay iney u istaagaan badbaadinta da' yarta ayna la kaashadaan laamaha amniga.

Laamaha ammaanka oo dabagal ku haya dhacdooyinkaan ayaa xabsiga u taxaabay dad lala xiriirinayo arrimahaan oo ay hadda su'aalo weydiinayaan.

Ku dhawaad 10 sano ka hor ayay dilalka Soomaalida dhexdooda ah ku badnaayeen gudaha dalka Mareykanka, gaar ahaan gobolka Minnesota oo ay Soomaalidu ku badan yihiin.

Hase ahaatee dadaallo badan oo la sameeyay awgood ayay dilalkaasi u yaraadeen, inkastoo hadda mar kale ay soo xoogeysanayaan.

Mowduucyada la xiriira