"Anigoo yar ayuu nin isku dayay inuu i kufsado, fikirkan ayaana igu dhashay"

.
Image caption Usha iyadoo 18 jir ah ayuu nin isku dayay inuu kufsado

Usha Vishwakarma waxaa lagu tilmaamay gabadha la dagaallameysa kufsiga ka dhaca mid kamid ah dalalka ay khatarta ugu badan ee galmada kala kulmaan gabdhaha.

Gabadhan ayaa sameysay xarun ay dumarka iyo gabdhaha yar yar ugu tababarto sidii ay ula dagaallami alahaayeen ragga caadeystay inay haweenka faro xumeeyaan.

Markii ugu horreysay Usha waxay la kulantay mucaaraddo weyn, waxayna dadka qaarkood ku tilmaamayeen inay ka macaashto ka ganacsiga jirka dumarka.

Laakiin hadda markii howsheeda dhabta ah la fahmay waxay xushmad weyn ka heysataa bulshadeeda, waxaana xarunteeda ku taba barta haween aad u faro badan oo isugu jira da' walba.

Abaal marinno badan ayey ku muteysatay kaalinta ay shacabka ugu jirto iyo dadaalka ay u sameysay wax ka qabashada kufsiga ku badan dalka Hindiya.

Sannadkii 2011-kii ayey Usha magaalo ku taalla gobolka Uttar Pradesh ee waqooyiga Hindiya ka sameysay iskuul haweenka lagu baro sidii ay isaga difaaci lahaayeen ragga wax kufsada.

Markii ay qisada isku dayga kufsiga ku dhaceysay waxay ahayd 18 jir.

"Dhacdadaas kadib waxaan noqday gabar awood leh, laakiin waxay arrintaas ibu abuurtay kalsooni darro, waxaan dareemay in haddii aan qof u sheego ay ceeb weyn isoo gaareyso, gurigeennana aanan kasoo bixi karin. Muddo sannad ka badan ayey igu qaadatay inaan kasoo kabto qalbi jabka", ayey tidhi.

Hadda Usha waxay qorsheyneysaa inay 1 malyan oo gabdhood siiso tababar ay isku difaaci karaan markii ay la kulmaan xaalad noocaas ah.

Image caption Usha waxay dooneysaa inay tababarto 1 malyan oo gabdhood

Gabadhii tababarkeeda dhammeysata waxay awood u yeelaneysaa inay la dagaallanto nin walba oo isku daya inuu kufsado ama weerar kusoo qaado.

"Haddii ay gabar ii timaado iyadoo ka cabaneysa faro xumeyn ama qashqashaad loogu geystay waddada, waxaan u sheegaa in xirfadaha difaaca nafta ay isku badbaadin karaan 5 ilaa 7 ilbiriqsi", ayey tidhi mar ay wareysi siisay BBC-da.

Waxay sheegtay inay gabdhaha baraan xirfado kala duwan oo loogu talo galay xaalad walba oo soo wajahda.

"Markii ugu horreysay ee aan howshan billaabayay dadku ima aysan taageersaneyn, waxayna u maleynayeen inaan ka ganacsado jirka gabdhaha aan xarunteyda ku hayo, laakiin taas ima cabsi galinin, waana sii watay dadaalkeyga".

Sannadkii 2012-kii, Hindiya waxaa ka dhacday arrin dunida oo dhan ka careysiisay, kadib markii gabar yar oo ardayad ah lagu kufsaday iskuul ku yaalla magaalada Delhi.

Mudaharaadyo waaweyn oo looga soo horjeedo falkaas, laguna dalbanayo caddaalad ayaa ka dhacay meelo badan oo ka tirsan caalamka.

Maanta wali Hindiya waxay ka mid tahay dalalka ay ka dhacaan falalka kufsiga.

Mowduucyada la xiriira