Nin ku jira howshii ay ku dhinteen aabihiis, adeerkiis iyo walaalkiis

. Lahaanshaha sawirka BBC Sport
Image caption Saddex qabri ayaa isku garab aasan, waxaana ku jira meydadka saddex nin oo isku qoys ah

Goob shanqar la'aan ah oo ku taalla baadiyaha dhinaca Waqooyi ee dalka Ireland, waxaa ku safan saddex qabri oo uu ku wada qoran yahay hal magac, oo ah Dunlop.

Qabuurahan waxaa ku aasan Joey, walaalkiis Robert iyo wiil uu dhalay Robert oo lagu magacaabi jiray William.

Dhammaantood waxay ku dhinteen nooc kamid ah ciyaaraha tartanka ee ugu halista badan caalamka.

Inkastoo ay heer fiican ka gaareen, haddana ugu damnbeyn naftooda ayey ku waayeen, wayna isku xig-xigeen.

Muddo 40 sano ah, labo nin oo walaalo ah ayaa qabsaday ciyaaraha tartanka Mootooyinka, mar walbana iyaga ayey guusha raaci jirtay.

Joey ayaa markii hore billaabay, waxaa ku xigay walaalkiis Robert, markii dmabena waxaa kusoo biiray labo wiil oo uu dhalay Robert, kuwaasoo lagu kala magacaabo William iyo Michael.

Lahaanshaha sawirka BBC Sport
Image caption William wuxuu maray jirkii aabihiis iyo adeerkiis

William waxa uu maray halkii ay mareen aabihiis iyo adeerkiis, wuxuuna isla sidii iyaga ku dhacday ugu geeriyooday tartankaas halista badan.

Laakiin Michael dhag jalaq uma siinin arrintan, walina wuxuu kusii adkeysanayaa inuu tartanka sii wado, isagoo ka dharagsan qisada reerkiisa.

Muddo hal sano ka yar markii uu dhintay walaakiis ka weyn, wuxuu hadda dib ugu soo laabtay fagaaraha, wuxuuna diyaar u yahay inuu ka qeyb galo tartannada mootooyinka ee lagu qabto Waqooyiga Ireland.

Mootooyinka lagu galo tartankan waa kuwo xawaarahoodu aad u dheereeyo, waxayna saacaddiiba ku jaraan 200 oo mayl.

Marka aad ka joogto bannaanka, oo aad daawaneyso, waxaad la yaabeysaa sababta loo sameeyo tartankan dhiigga badan ku daato.

Sidoo kale dadka la socda qisada qoyskan, waxay isweydiinayaan sababta uusan Michael u joojineynin howshan ay ku dhinteen aabihiis, adeerkiis iyo walaalkiis.

Lahaanshaha sawirka BBC Sport
Image caption Joey Dunlop wuxuu tartanka ku dhintay sanadkii 2000 isagoo 48 jir ah

William oo ugu dambeeyay saddexda xiddig ee howsha qura ku wada dhintay wuxuu geeriyooday 7-dii bishii Luulyo ee sannadkii 2018-kii.

Cillad farsamo oo ku timid mootadiisa ayaa sababtay inuu ka dhaco iyadoo ku socota xawaare aad u dheereeya, isla goobtii ayuuna ku geeriyooday.

Hal isbuuc ka hor dhimashadiisa, wuxuu waqti muhiim ah la qaatay xaaskiisa oo uur lahayd iyo gabadhiisa yar.

"Wuxuu ahaa isbuucii ugu qiimaha badnaa nolosheenna, aad baan ugu istareexnay lajoogitaankiisa. Qoys ahaan wuxuu noo ahaa waqti la jecleysto oo aan si wadajir ah u qaadannay", ayey tiri xaaskiisa Janine.

Nasiib uma uusan yeelanin inuu arko gabadhiisa labaad oo dhalatay 2 bilood ka dib geeridiisa.

Lahaanshaha sawirka BBC Sport
Image caption Michael wuxuu ku adkeystay inuu howsha sii wado

Aabihiis Robert oo ka horreeyay wuxuu geeriyooday sannadkii 2009-kii, sidoo kalena wuxuu ka dhacay mootadii uu tartanka ugu jiray oo ay cillad ku timid.

Sannadkii 2008-dii, Robert iyo labadiisa wiil ee yaryar waxay ku wada jireen tartanka mootooyinka.

Waxaa lasoo tabiyay in William iyo aabihiis ay qorsheynayeen inay tartankaas iska dhaafaan, kahor inta uusan naftooda galaafanin.

Laakiin ninkii geeridiisa caalamkoo dhan laga naxay waxa uu ahaa Joey Dunlop, maadaama uu ahaa qofka ugu guulaha badnaa ee tartankaas soo maray.

Wuxuu isagoo tartanka ku jira geeriyooday sannadkii 2000.

In ka badan 50,000 oo ruux ayaa ka qeyb gashay aaskiisa.

Mowduucyada la xiriira