"Tallaabooyiinka Kenya waxay Farmaajo ka dhigayaan halyey qaran"

Uhuru iyo Farmaajo Lahaanshaha sawirka THE STAR KENYA

Khilaafka Kenya iyo Soomaaliya ee ka dhashay muranka xudduuda Badda ayaa weli taagan. Balse dad badan oo arrimaha siyaasadda ee gobolka Geeska Afrika ku taqasusay ayaa qaabab kala duwan wax oga qoray arrinta.

Waxaa ka mid ah Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo qoray warbixintan hoose:

Go'aankii Kenya ee dhawaan ay dal ku-galka ugu diiday Saraakiisha Soomaaliya iyo in xannibaado dheeraad ah ay ku soo rogtay dadka Soomaalida ah, waxaa ka dhalan kara in ay dib u soo ifbaxaan dhaawacyo bogsaday oo ku saabsan kala shakiga u dhaxeeya Nairobi iyo Mogadisho.

Taariikhda labada dal ee dariska ah ee imika ku muransan badda ayaa sii huriyay khaladaad siyaasadeed iyo mid militari, taasi oo sii murjinaysa kala shakigii u dhaxeeyay labada shacab.

Iyada oo ay Kenya xaq u leedahay in ay meelmariso siyaasad kasta oo ay u aragto in ay lagama maarmaan u tahay siyaasaddeeda arrimaha dibadda, hadana tallaabooyiinkii ay ku bartilmaameedsanaysay Soomaaliya, sida in diyaaradaha Muqdisho ay ku hakadaan Wajeer iyo saraakiisha Soomaaliya ee loo diiday dal ku galka, waa mid muujinaysa inay ahayd fal-celin aan laga fikirin oo ahayd in Somaaliya ay diiday in ay kiiska kala so laabato maxkamada ICJ.

Go'aankii Soomaaliya ee ahaa in ay maxkamadda geyso kiis ka dhan ah Kenya ayaa tijaabo u ahaa xiriirka Nairobi iyo Mogadishu. Baaxadda arrintan ayaa u dhiganto dhaqdhaqaaqyadii mucaaradka ee 1960-maadkii ee degmooyiinkii la isku oran jiray NFD oo xilligaa doonayay in ay Soomaaliya ku biiraan.

Image caption Prof Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo qoray warbixintan

Kenya ayaa kacdoonkaas uga jawaabtay si arxan daro iyo xoog ah taasi oo saamayntii ka dhalatay, illaa iyo imika gobolka laga dareemayo.

Balse waxyaabihii shaqeeyay qarnigii 19aad ma shaqayn karo qarniga 21aad.

Daacadnimada

Kenya waa dal laga xushmeeyo caalamka taasi oo ah furfurnaanta siyaasadda iyo soo dhawaynta.

Waxay Kenya marti galisay qaxooti Soomaali ah oo labo ka mid ah markii dambe ay caan ka noqdeen reer Galbedka. Mid ka mid ah waa xubin ku tirsan Congreska Mareykanka halka midna uu wasiir ka yahay Canada.

Kenya waxyaabo badan oo ay ku faanto ayaa maanta jira mana aha in taako dhulkeeda ka mid ah ay dal kale siiso.

Dal walba masuuliyad ayaa ka saaran in uu difaaco madaxbanaanidiisa dhul oo ay ka mid tahay badda waxay doonto ha ku qaadatee.

Marka ay Kenya aqbashay in doodeeda kiiska badda ay ka hor jeediso maxakamada ICJ, waxay gudanaysay waajib qaran, si la mid ah kiis walba, go'aankana dhan kasta wuu u dhici karaa.

Qareennada Kenya waxay qabteen shaqo adag taasi oo ka dhan ah dadka ku andacoonaya in waxqabadkoodu hooseeyay.

Goobta ay ku yaallan biyaha lagu muransan yahay iyo maxkamadda oo qaaday kiisas kuwan la mid ah, Meesha biyaha ee la isku haysto waa su'aal, maxkamaddana waxay gacanta ku haysaa kiisas la mid ah taas oo ah waxa lagu dagay kooxdii difaaceysay Kenya.

Sidaasi daraadeed Kenya waa in ay u dhaqantaa si masuuliyad ay ku jirto haddii ay kiiska ku guuldareysato, Soomaaliya waxay waligeed daris la ahaan doontaa Kenya.

Xannibaadaha dhanka safarka

Waa mid aan la qaadan Karin in dal la qadariyo, sida Kenya oo kale ay caradeeda kula dul dhacdo sarakiil, dad ganacsato ah iyo dad iska caadi ah, iyadoo sabab uga dhigayso in ay taageeraan dowladda Muqdisho ee diiday in muranka badda lagu xaliyo meel ka baxasan maxkamadda.

Dhammaan tallaabooyiinka iyo go'aannada ay Kenya qaadanayso, xilligan ay careysan yihiin, waa inay ku saleysnaadaan xushmadda loo hayo Kenya, caalamkana si dhaw ayuu u daawanayaa.

Xannibaado dhanka safarka ah waa in aan lala eegan saraakiisha Soomaaliya ee Nairobi uga qayb galaya shirarka caalamiga ah.

Waxay Kenya samaysay bishii aanu soo dhaafnay ee ahaa in ay dal ku-galka u diiday saraakiisha Soomaliya waxa uu ahaa gool ay Kenya iska dhalisay.

Kenya waxay hoy u tahay xarunta kali ah ee ay Qaramada Midoobey ku leedahay Afrika.

Ururada caalamiga ah ayaa Nairobi ka doortay magaalooyiinka kale ee gobolka, sababtana mana aha in meelaha kale ay boos ka waayeen, balse sababtu waxay tahay in dalka Kenya uu yahay dal soo dhaweeyay ajaaniibta.

Hab dhaqanka Kenya ayaa halis galin kara sumcaddii soo dhaweynta ee ay lahayd.

In Kenya ay si wadar ah u ciqaabto Soomaalida ma noqonayso mid ay saaxibo badan ku kasbato, gaar ahaan, marka ay timaado caawinta ay soomaaliya uga baahan tahay ee ah in xididdada loo siibo Al-Shabaab.

Suurtagalnimada

Madaxwayne Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo uu Kenya khilaafka kala dhaxeeyo ma aha imika mid shacbiyad ku haysata gudaha Soomaaliya, sababtoo ah ballamo uu qaaday oo aan la fulin, tallaaboyiinka Kenya ayaana Farmaajo ka dhigi kara Halyeey qaran.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Ahmiyadda Dacwadda Badda Kenya iyo Soomaaliya

Haddii ay Soomaaliya ku guulaysato kiiska maxakamada ICJ islamarkaana madaxwayne Farmaajo dib loo doorto 2021, uuna muranka sii socdo, waxa laga yaabaa in ay isku daydo in ay dib u soo cusboonaysiiso falalkii ay kula kacday muwaadiniinteeda.

Siyaasadda arrimaha dibadda ee Kenya ee ku wajahan Soomaaliya waa in ay eegtaa mel ka fog go'aanka ICJ, ayna ka fikirtaa sidii nabad loogu wada noolaan laha.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan