Caro ka dhalatay booqasho ay Itoobiya ku tagayaan dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda

. Lahaanshaha sawirka BBC/GEORGE WAFULA
Image caption Qoshaha ayaa ku saabsan dalxiis

Wadaad diimeedyada kaniisadaha dalka Itoobiya ayaa dowladda ka dalbaday inay is-hortaagto booqasho la qorsheynayo inay dalkaas ku tagto hay'ad taageerta dadka isku jinsiga ah ee isguursada.

Arrinta sida gaarka ah looga carooday ayaa ah in hay'adda oo lagu magacaabo Toto Tours ay damacsan tahay inay dadkaas dalxiis ku geyso meelo ka mid ah Itoobiya oo ay ku jiraan goobaha diimaha, sida kaniisadaha taariikhiga ah.

In badan oo ka mid ah dadka reer Itoobiya ayaa u janjeera dhinaca diimaha, waxayna aad uga soo hor jeedaan xiriirka gogosha ee dhex mara dadka isku jinsiga ah, kaasoo sidoo kale uu mamnuucayo sharciga dalkaas.

Milkiilaha Toto Tours ayaa BBC-da u sheegay in shirkaddiisu ay soo gaareen farriimo isugu jira hanjabaado iyo naceyb oo loo mariyay dhinaca baraha bulshada.

"Waxaan nahay dad dabacsan oo wax jecel, niyaddeena kuma jirto inaan wax dhibaato ah sameyno, ma jirto cid aan waxyeello u geysaneyno, haddana sidaas oo ay tahay waxaan la kulannaa hanjabaado iyo khatar," ayuu yidhi Dan Ware oo u warramayay laanta af Amxaariga ee BBC-da.

Mr Ware ayaa sheegay inuu aad u cabsanayo, isagoo wasaaradda dalxiiska ee Itoobiya ku boorriyay inay "taxadar sameyso".

"Indhaha caalamka oo dhan ayaa na eegi doona markaan imaanno, dhib kasta oo naloo geystana wuxuu ka turjumi doonaa dhaqanka Itoobiya iyo waaxda dalxiiska ee waddankaas", ayuu sii raaciyay.

Bogga ay internet-ka ku leedahay shirkadda dalxiiska ee Toto Tours ayaa lagu daabacay inay damacsan yihiin safar ay bisha Oktobar ee sanadkan ku tagayaan Itoobiya.

Goobaha la qorsheynayo inay booqdaan waxaa ka mid ah kaniisadda taariikhiga ah ee Bahir Dar oo dadku ay xiiseeyaan iyo sidoo kale kaniisadda Lalibela oo iyana xilli hore loo dhisay si cajiib ah.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Kaniisaddan ayaa ka mid ah kuwa taariikhiga ah

Labadan goobood ayaa ku yaalla gobolka Amxaara ee dhaca waqooyiga dlaka Itoobiya.

'Ma aha in loo oggolaado inay raadkooda reebaan'

Selestu Me'et oo ah guddoomiyaha urur ay ku bahoobeen kaniisadaha ayaa BBC-da laanteeda af Amxaariga u sheegay in dowladda Itoobiya "looga baahan yahay inay dadkaas ka mamnuucdo soo galitaanka dalkooda iyo booqashada ay ku tagayaan goobaha barakeysan".

"Ma aha in loo oggolaado inay raadkooda reebaan", ayuu yidhi Dereje Negash, oo isagana ka mid ah hoggaamiyeyaasha masiixiyiinta ee wada ol'olaha ka dhanka ah dadka isku jinsiga ah ee isguursada.

"Diinteennu way kasoo hor jeeddaa ficilkan, waana wax aan la aqbali karin".

Mowduucyada la xiriira