Waddan ammaan darrada Mareykanka awgeed, muwaaddiniintiisa uga digay iney u safraan

A group of Chinese tourists take photographs on the National Mall with the U.S. Capitol in the background Lahaanshaha sawirka Getty Images

Shiinaha ayaa muwaaddiniinteeda dalxiiska ku taga Mareykanka uga digtay safarka ay ku tagayan Mareykanka inay aad uga taxaddaraan maadaamaa ay khatar amni darro ka soo wajihi karto.

Wasaaradda dhaqanka iyo dalxiisaka Shiinaha ayaa muwaaddiniinta Shiinaha uga digtay khatar uga iman karta falalka ay ka mid yihiin tuugnimo iyo dilalka aan loo meel dayin oo Mareykanka ka dhaca loona adeegsado hubka sharci darrada.

Wasaaradda arrimaha dibadda Shiinaha ayaa sida oo kale sheegtay hay'adaha Sharciga ee Mareykanka inay muwaaddiniinta Shiinaha ay xadgudubyo u geystaan.

Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu Mareykanka iyo Shiinaha uu ka dhex taagan yahay dagaalka Ganacsiga.

Mareykanka ayaa bisha May canshuur dheeraad ah ku soo rogay maciishadaha Shiinaha uu soo saaro oo loo iib geeyo Mareykanka, iyada oo si gaar ah xayirad ugu soo rogtay shirkadda isgaarsiinta ugu weyn Shiinaha ee Huawei.

Labada dhinacba waxay isku soo rogeen canshuuro dheeraad ah oo balaayiin doolar ku kacaya, waxaana laga cabsi qabaa dagaalka ganacsiga ee u dhaxeeya labad dal inuu si weyn u saameeyo dhaqaalaha labada dal.

Maxay yihiin ereyada rasmiga ah ee Shiinaha ka soo yeeray?

"Dhawaanahan waxaa Mareykanka si joogta ah uga dhaca dilal, dhac iyo tuugnimo. Wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska ayaa waxay dalxiisayaasha Shiinaha ee u dalxiis tago Mareykanka uga digtay safarkooda ka hor iney talooyin ammaankooda ku saabsan ka helaan dalkooda" ayuu yiri wariyey CCTV warka ka tabinayey.

Afhayeenka wasaaradda arrima dibadda Geng Shuang ayaa ka digay "xaaladaha amni xumo ee iska soo tarayo dalka Mareykanka."

"Wasaaradduna waxay digniinta ay muwaddiniinteeda u soo jeedisay oo ay safaradaha iyo qunsuliyadda Shiinaha uu leeyahayba ay ku sheegeen iney tahay waajib dowladda ku saaran iney ammaanka muwaaddiniinteeda meel kasta oo ay joogaanba ilaaliso."

Xiisadda ka dhex taagan Mareykanka iyo Shiinaha muxuu salka ku hayaa?

Mareykanka ayaa Shiinaha ku eedeeyey inuu isdhaafsiga ganacsiga sanada badan ay caddaalad ka ahayn, iyada oo weliba shirkadda Huawei ku eedeysay iney halis ku tahay amniga dalka.

Shiinaha oo eedeymaha Washington u soo jeedisay diidday ayaa Mareykanka ku eedeyey inuu doonayo inuu mijaxaabiyo kobaca dhaqaale uu Shiinaha ku tallaabsaday.

Wakhtiyadan dambe labada dal ee ugu muruqa weyn dhaqaalaha dunida ayaa u muuqda iney ku dhaw yihiin iney gaaraan heshiis. Waxaana labada dhinac u socdo wadahadallo ay xal ugu raadinayaan khilaafka u dhaxeeya.

Maamulka Trump wuxuu Shiinaha ku eedeeyey ballamaha ay gasho iney ka soo baxayn wuxuuna Mareykanka oo alaabada Shiinaha ee Mareykanka loo soo dhoofiyo ku soo rogay canshuur dheeraad ah oo gadheysa $200 oo bilyan oo doolar.

Shirkadda Huawei ee Shiinaha leeyahayna wuxuu Mareykanka uu ku daray liiska shirkadaha uu Mareykanka ganacsiga la sameeyneyn ilaa ay leysan sharci ah sameeystan.

Iyada oo aan ilaa hadda la garaneyn qorshahooda wadahadalka ee xiga haddana, Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa la filaya iney kulmaan inta uu socdo shirka madaxda G20 ee dhacaya dabayaaqada bishan June.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan