Maskaxdaada ka caawi in aysan waxba illaawin adigoo cunaya khudaartan

Wax ka ogow cuntada caafimaadka u ah maskaxdaada si aad muddo xasuus u sii lahaato. Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Wax ka ogow cuntada caafimaadka u ah maskaxdaada si aad muddo xasuus u sii lahaato.

Ma taqaanaa 7 cunno ee kaa caawin kara cudurka halista ah ee Asaasaqa?

Cudurkan oo hoos u dhiga xusuusta iyo xirfadaha kale ee fahanka waxaa sannad walba lagu arkaa dad gaaraya ku dhawaad 50 milyan sida ay sheegtay hay,adda caafimaadka aduunka ee WHO.

Balse cilmibaariddii ugu dambaysay ayaa muujinaysa in isu dheeli tirnaanta cunnooyiinka ay muhim u tahay in maskaxda ay caafimaad qabto loogana hortagi karo cudurka Asaasaqa. Waxaa jira cddeymo yar oo cudurka lagula xiriirano cuntooyiinka.

Kafeega iyo Shukulaatada ayaa la sheegay in dhammaan ay yihiin cunooyiinka "sida mucjisada ah uga hortaga cudurka Asaasaqa" sanooyiinkii ugu dambeeyay.

Balse ma jiraa run ka dambeysa arrimahan la shegay?

Wariyaha BBC, Sheila Dillon ayaa la hadashay khubaro ku taqasustay arrimaha waxayna la wadageen khibradooda.

Waxay muujineysaa in cuntada ay xulafo kula tahay: xitaa ma jirto cunto mucjiso ah, laakiin habka wax cunidda ee Mediterranean-ka uu yahay hannaanka ugu wanaagsan ee maskaxda iyo jirka.

1. Fitamiinnada badda

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Waxaa muuqata in Kalluunka oo la cuno muddo toddobaad ay faa'ido leedahay.

2. Beeriga fiican

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Qaar ka mid ah miraha Rummaanka iyo noocyada kale ee bahwadaagga la ah ayaa la sheegay in ay hoos u dhigayaan geedi socodka billaabashada xusuusta maskaxda.

3. Looska

Lahaanshaha sawirka Getty Images

In maalinkii aad cunto 30mg oo loos ah ayaa la rumaysan yahay inay kaa caawinayso inaad la dagaallanto cudurka Asaasaqa, waxaana looska ku jirto nafaqo iyo macdan.

Waxaa sidoo kale la mid ah miraha kale sida Basasha, Galeyda, Bariiska, Qamadiga iyo Haruurka.

4. Khudaarta cagaaran

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Miraha cagaran ayaa u wanaagsan maskaxda

Caleenta Koostada, Babaayga iyo guud ahaan khudradda cagaaran ayaa hoos u dhigi kara cudurka hilmaamka badan sababa ee Asaasaqa.

5. Fitamiin B

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption fitimiin B

Tijaabo lagu sameeyay dadka qaba xanuunada hilmaamka oo la siiyay Fitamiin B, waxaa ka muuqatay isbedel wayn.

6. Koob wanaagsan oo Kafee ah

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Kafee ku jira Koob

Kafiiga ayaa la sheegay in uu yahay mid waxtar u leh caafimaadka neerafaha, haddii aan si kale u dhigno waxa uu Kafeega dib u soo hanan karaa qaab dhismeedka iyo shaqada.

7. Afakaadhada

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Afakado

Afakaadhada -ayaa sidoo kale ah waxyaabaha soo shaac baxay oo ku saabsan cunnooyiinka caafimaadka u wanaagsan balse waxay ka mid tahay kuwa lagu cayilo, una wanaagsan maskaxda.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan