Sawirro: Ciidda deegaanno ka tirsan dhulka soomaalida

Xilli muslimiinta ay shalay u dabaaldegayeen munaasabadda Ciiddul Fitriga, muslimiin badan ayaa waxay saaladda Ciidda ku tukadeen meelo kala duwan oo ka tirsan caalamka.

Magaalooyinka Garowe,Muqdisho iyo Jigjiga ayaa waxay kamid yihiin magaalooyinka ka tirsan deegaanada soomaalida ee sida weyn looga ciday.

Sidoo kale, xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa kamid ah goobahaas.

Halkan waxaan idiin kuugu soo gudbineynaa sawirrada sida looga ciiday deegaanada qaar.

Image caption Dadweyne salaadda Ciidda ku tukanaya fagaare ku yaalla magaalada Garowe ee maamulka Puntland
Image caption Dad salaadda Ciidda ku tukanaya magaalada Jigjiga ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya
Image caption Dadweyne ku tukanayaa dugsiga sare ee xaafadda Islii
Image caption Dadweyne ku sugan goob loo damaashad tego oo ku taalla Muqdisho si ay farxdooda Ciidda ugu dhameystaan
Image caption Dadweyne isugu jiro carruur iyo dad waaweyn oo ku ciidaya magaalada Muqdisho
Image caption Aaabe iyo canugiisa oo ku ciidaya garoon ku yaalla magaalada Nairobi

Mowduucyada la xiriira