Maka bixi lahayd qabiilkaaga?

. Lahaanshaha sawirka Foosiya Maxamed Ciise
Image caption "Ka bax Qabiilkaaga"

Qabiil waa koox bulshada ka mid ah kuwaas oo wadaaga hayb ama abtirsiino, waxaanay u sii kala baxaan qaybo kalduwan sida, Jilibo, Jifo, Qoysas iwm, kuwaaso ay ka abuurmaan farcayo, balse Somaalida ayaa waxa ay isu laayaan qabiil qabyaalad huwan.

Inkastoo qur'aanka kariimka ay ku jirto aayad sheegaysa in sababta qabiilka loo sameeyey ay tahay isku aqoonsi, iyadoo ay taasina ka macano tahay in qabiilka uusan khuseynin dagaal iyo siheyb sooc toona.

Laakin dadka qaar ayaa dhanka khaldan u isticmaala qabiilka, iygoo ku dhibaateeya bulshooyinka ay isku danaha yihiin.

Marwaliba oo ay qoysi tiradiisu badato waxay isu baddalaan beel, oo badi waxaad maqashaa beel heblaayo ayaa beel hebel ku duushay, taasi oo qeyb ka ah qaab khaladka loo adegsado qabiilka, iyadoo Soomaalidu ay qabiilka darin uga dhigaan qabyaalad, oo beelaha xurgufyadu kala gaadhan qaarkood dhex timaado inay qudha iska gooyaan .

Haddaba waxaa jira hay'ado iyo shakhsiyaad sameeya ol'oleyaal looga soo horjeedo qabyaaladda ragaadisay bulshada Soomaalida.

Foosiya Maxamed Ciise waxa ay dhexda u xidhatay inay dadka Soomaalida intii karaamkeeda ah ay ka wacyi galiso baraha bulshada, oo ah meelaha ugu badan oo adeegsiga qabiilka laga isticmaalo.

Lahaanshaha sawirka Foosiya Maxamed Ciise
Image caption Gabadhan ayaa ol'olaheeda qabyaaladda ka dhanka ah ka wadda baraha bulshada

Wareysi ay la yeelatay laanta Afsoomaaliga ee BBC-da ayey ku sheegtay inay ku dhalatay fikraddaasi ka dib markii ay aragtay sida uu qabiilka Soomaalida ugu weyn yahay, waxayna sameesatay hal ku dhig ah "ka bax qabiilkaaga" .

"Soomaali haddeynu nahay, marba haddii aad qabiilkaaga taqaanid qabyaaladda joojin meysid, marka si uu qofku qabyaaladda u joojiyo waa in qabiilkiisa uu garashadii mooyee uusan qiimo kale la yeelanin, sidaas darteed ol'olaheyga waxaan ku adkeeyay halkudhigga ah 'ka bax qabiilkaaga', dhaqdhaqaaqaas erayada uu ku howl galo waa: 'Ka bax qabiilkaaga, Dhis noloshaada, Quwee dowladdaada, Soomaali waligaa ahow', marka waxaan arkay inay tahay kalmad u baahan in lagu celceliyo dadka maskaxdooda ilaa uu qofku ka ba'o dareenka qabyaaladda", ayey tidhi Foosiya.

Qabyaaladda oo huwan qabiilka ayaa waxaa la sheegaa inay qayb weyn ka qaadatay dib u dhac Somaalida.

Foosiya ayaa sharraxaad ka bixisay sababta ku kalliftay inay howshan u istaagto, waxayna tidhi: "Waxyaabaha igu kallifay waxaa ka mid ah in doonayo in dadka maskaxdooda aan ka masaxo qabiilkii na baabi'iyay,ee afka uun laga sheegayay".

Dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay wixii ka dambeeyay 1991-kii, oo dad badan ay ku dhinteen waxaa sababtoodii ugu weyneyd lagu tilmaamaa qabyaalada.

Waayadii dambe baraha xiriirka bulshada ayaa la sheegaa inay isu baddaleen fadhi ku diriryadii lagu korfeyn jiray arrimaha la xiriira qabyaaladda.

Dagaal oogayaal aan hubeysneyn miyaa Soomaalida u soo baxay?

Image caption Barmaaijyada baraha bulshada

Qeybaha kala duwan ee baraha bulshada waxay waayihii dambe ahayeen kuwo dad badan oo Soomaaliyeed u sahlay inay ku gudbiyaan farrimaha iyo macluumaadka ay doonayaan inay gaarsiiyaan dadka ay quseyso, waxaana ay dunida kusoo kordhiyeen sahal dhanka isgaarsiinta.

Balse dhanka kale, waxaa soo baxay dagaal oogayaal cusub oo ka faa'ideysanaaya baraha bulshada, oo intay toos u soo galeen muuqaalada tooska ah, qabilladooda ammaano, kuwa ay u arkaan inay ka soo horjeedaanna aflagaadeeyo.

"Baryahan dambe waxaad moodaa dadkii qurba-joogta ahaa inay u badan yihiin dadka baraha bulshada soo fariista oo waxay doonaan ku hadla, waxay u qeybsan yihiin dad bilaa camal ah oo ceyr qaata, dad xerya qaxooti isaga jira iyo dad aan howl kale heynin oo waqtigooda inta badan ku bixiya inay isku mashquuliyaan baraha bulshada, iyagoo arrimaha qabiilka ka hadla oo dad masaakiin oo wax magarata ah oo dalkii jooga isku diraya". Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay Maxamed Sacad Muuse o taxliiliya arrimaha baraha bulshada.

Inkastoo dadka qaar ay soo bandhigaan aragtida ay qabaan, mararka qaarna si wanaagsan wax u taxliiliya ayaa hadana waxa jira kuwa inta badan soo fariista muuqaalada toos-ka ee Facebook-ga, kuna hadla hadalo xanaf leh iyagoo difaacaya danaha reeraha ay ka dhasheen, dhinacyada siyaasadda ee ay la dhacsan yihiin, sidoo kalena weeraraya qabaa'ilo kale iyo kuwa ka aragti duwan.

Maxamed Sacad ayaa sidoo kale sheegay in dalalka caalamka aysan ka dhicin in qofka waxa uu doonaa uu isaga hadlo oo ay jiraan shuruuc xaakmeynayo arrimahaasi oo lagu la xisaabtamo dadka noocaasi oo kale.

Saameynta ay yeelan karto ayuu Maxamed sheegay in markale ay hurin karto dagaalkii ku saleysnaa qabiilka, oo loo arko in Soomaalida ay ka soo gudubtay.

"Waxaad moodaa in baryahan dambe uu soo xoogeysanayo arrimaha qabaa'ilka, waxaana ugu wacan baraha bulshada oo soo nooleynayo, cid wax ka qabaneysana aysan jirin". Ayuu raaciyay.

Dadk ku xeeldheer cilmu nafsiga ayaa ku doodaya in qaar badan oo ka mid ah dadkaasi ay xanuunsan yihiin oo aysan warba ka heynin waxa ay sameynayaan.

"Waxan waa wax muddo socday, dadka waxaasi sameynaya waxay isugu jiraan dhowr nooc oo kala ah, qaar shakhsiyadooda aysan wanaagsaneyn oo aan isku kalsooneyn, waxayna sidaasi u sameynayaan si ay u soo jiitaan indhaha dadka kale, qaarkale waxay ka xanuunsan yihiin maskaxda oo dhibaatada ay geysanayaan ma oga, halka kuwa kalena ay yihiin ciyaal suuq isticmaala waxyaabaha maanka dooriya oo hadii la siiyo lacag waxwalba loo adeegsan karo". Sidaasi waxaa BBC-da u sheegay Diktoor Cabdiqaadir Xusseen Warsame oo ku takhasuusay cilmu nafsiga.

Lahaanshaha sawirka Youtube
Image caption Dad badan ayaa dhaqaalo ka sameeyo Youtube-ka

Dhaqaalaha laga sameeyo baraha bulshada

Qaar kamid ah dadkan ayaa ah kuwa akoona ku leh baraha bulshada ee laga sameeyo dhaqaalaha sida Youtube-ka, waxaana si dadku ay u gujiyaan ama ay u rukumeystaan muuqalaada ay ku qasban yihiin inay ka hadlaan arrimaha siyaasadda, wararka qabaa'ilka ku saleysan, si loo daawado muuqalaadaooda.

"Waxaa jira kuwa caafimaad qaba oo lacag u sameynaya waxwalba oo ay sameynayaan, waxayna caan ku yihiin in dadka xuquuqdooda ay ku tuntaan". Ayuu raaciyay Dr Cabdiqaadir.

Dadkan ayaa mararka qaar soo bandhiga warar been abuur ah oo aysan waxba ka jirin, si ay shacbiyad u helaan, waxaana jirta walaac xoogan oo ah in haddii aanan waxba laga qabanin dadkan ama aanan la keenin shuruuc hagta baraha bulshada laga dhaxli karo dhibaatooyin horleh.

Waxa tusaale loo soo qaadan karaa ficiladii ka dhashay dagaalkii u dhaxeeyay Somaliland iyo Puntland, isbadelkii ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya iyo dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaalada Muqdisho oo dhinac walba uu midka kale ku eedeynayay qabiil iyo dagaal hurin, taas oo sababtay in xitaa ay kala saftaan dadka ku taxan baraha bulshada, keeni kartana halis ah in uu dib u soo cusboonaado dagaal sokeeyo oo ku saleysan qabiil, dagaal oogayaal-na ay ka yihiin qabqablayaasha cusub ee baraha bulshada.

Mowduucyada la xiriira