Nin 85 ruux u dilay si uu dib ugu soo nooleeyo

. Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Niels Högel waxaa la qabtay sanadkii 2015-kii

Nin horay u ahaa kalkaaliye caafimaad ayaa lagu helay inuu dilay 85 bukaan oo ku kala sugnaa labo isbitaal oo ku yaalla waqooyiga dalka Jarmalka.

Maxkamaddii dacwadda ninkan qaadeysay ayaa ku xukuntay ciqaab xabsi daa'in ah.

Garsoore Sebastian Buehrmann ayaa falka uu sameeyay dambiile Niels Högel ku qeexay "mid aan la aqbali karin".

Högel, oo horayba xabsi daa'in ugu xukunnaa dilka 2 ruux oo lagu cadeeyay, ayaa bukaannada siin jiray dawooyinka loo qaato xanuunnada wadnaha, waxa uuna shaqeynayay intii u dhaxeysay sanadihii 1999-kii ilaa 2005-tii.

Waxaa la aaminsan yahay inuu yahay dilaaga ugu weyn ee lagu diiwaan galiyay taariikhda casriga ah ee dalka Jarmalka.

Dacwad oogeyaasha ayaa sheegay in ninkan uu dadka u dili jiray si uu saaxiibadiis u tuso inuu dib usoo nooleyn karo, laakiin waxay howshiisa ku soo afjarmeysay inuu dadka laayo oo kaliya, maadaama uusan awoodi karin inuu soo celiyo.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Ninkan ayaa horay cafis uga dalbaday ehelada dadkii uu laayay

Maalintii ugu dambeysay ee uu maxkamadda kasoo muuqday ayuu Högel, oo 42 jir ah ka codsaday ehelada dadkii uu laayay inay iska cafiyaan.

"Waxaan jeclaan lahaa inaan si kal iyo lab ah raalli galin uga bixiyo wixii aan idunku sameeyay muddadii sannadaha ahayd", ayuu yidhi.

Wariyaha BBC-da uga soo warranta magaalada Berlin, Jenny Hill ayaa sheegtay in kiiskan uu argagax galiyay guud ahaan dalka Jarmalka.

Waxyaabaha aad loola yaabay waxaa kamid ahaa in saraakiisha sar sare ee ku jiray maamulka isbitaalka aysan ku baraarugin xaddiga dhimashada ee sare usii kacayay, intii uu ninkaas bukaannada dilayay.

Dilkii ciyaar ciyaarta ahaa ee Högel ayaa la joojiyay sanadkii 2015-kii, kadib markii lagu qabtay isagoo qof bukaan ah siinaya daawo uusan dhakhtar u qorin.

Kiiskaas awgiis ayaa sanadkii 2008-dii loogu xukumay 7 sano oo xabsi ah, balse qoysaska dad kale oo lagu tuhunsanaa inuu dilay ayaa sii waday baaritaannada ka dhanka ah isaga.

Maxkamad qaadeysay dacwadihiisa kale ayaa sanadkii 2015-kii ku riday xukun xabsi daa'in ah, kadib markii ay ku heshay cadeymo muujinaya inuu 2 ruux dilay.

Hase yeeshee go'aanka ay garsooreyaasha hadda soo saareen ayaa muujiyay in dadkii uu ninkan falkaas ku dilay ay yihiin 85 ruux.

Mowduucyada la xiriira