Seynisyahannada Adduunka oo ogaaday xanuunka ugu daran ee uu mari karo qofka bani’aadamka ah

. Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Daraasad lagu ogaaday heerka uu gaaro xanuunka jirka

Heerka ugu sarreeya ee uu gaari karo xanuunka qofka bani'aadamka ah ayaa la ogaaday, ka dib markii ay Seynisyahannada isbarbar dhig ku sameeyeen waxyaabo badan oo keena xanuun, sida orodka 3,000 ee mayl iyo arrimo kale.

Waxay khubaradu muujiyeen in heerka tamarta jirka ee xanuunkaasi uu 2.5 jeer ku laba jibbaarmo heerka caadiga ah ee uu adeegsado jirka nasiinada ku jira ee qofka caadiga ah.

Xanuun walba oo halkaas kasii sarreeya wali lama ogaannin.

Cilmi baaristan oo ay sameysay jaamacadda Duke ayaa sidoo kale muujisay in haweenka uurka leh ay khubaro ku yihiin xanuunka, maadaama marka ay foolanayaan uu heerka xanuunkooda aad ugu dhawaado darajada ugu sarreysa ee uu jirka bani'aadanka xamili karo.

Daraasaddan ayaa lagu billaabay tartanka orodka ee ka dhaca Mareykanka, kaasoo ay ciyaartoydu masaafe dhan 3,080 mayl ku galaan, laga billaabo gobolka California ilaa Washington DC, muddo 140 maalmood ah.

Lahaanshaha sawirka BRYCE CARLSON
Image caption Waxaa baaritaan lagu sameeyay tartanka orodka ee Mareykanka

Tartamayaasha ayaa isbuuciiba lix jeer ordayay dhowr bilood gudahood, waxayna seynisyahannadu baaritaan ku sameynayeen saameynta soo gaareysa jirkooda.

Waxaa la eegayay awoodda uu jirku isticmaalayo marka uu nasanayo, ka hor tartanka iyo inta uu socdo.

Sidoo kale waxaa la diiwaan galiyay awoodda uu jirku u adeegsaday u adkeysiga xanuunka xad dhaafka ah ee soo wajahay.

Daraasaddan ayaa dhanka kale muujisay in jirku uu si joogto tamarta hab isku mid ah ugu isticmaalo, ayna ku xiran tahay mar walba howsha uu qabanayo inta ay la egtahay.

Tamarta ayaa sii xoogeysata marka ay sii dheeraato shaqada jirka.

  • Tartanka orodka (hal qof oo kaliya) wuxuu isticmaalay tamar 15.6 jeer ku jibbaaran tamarta uu jirkiisa isticmaalo marka uu nasanayo
  • Wadayaasha baaskiisla ee ka qeyb galay tartankii 23-ka maalmood socday ee Tour de France waxay isticmaaleen tamar 4.9 jeer ku jibbaaran tamarta uu jirkooda isticmaalo marka uu nasanayo
  • Qof 95 maalmood ku socday barafka qaaradda Antarctic wuxuu isticmaalay tamar 3.5 jeer ku jibbaaran tamarta uu jirkiisa isticmaalo marka uu nasanayo
Lahaanshaha sawirka BRYCE CARLSON
Image caption Ciyaartoyda ayaa ordayay masaafe dhan 3,080 oo mayl

"Run ahaantii waad sameyn kartaa waxyaabo aad u adag dhowr maalmood gudahood, laakiin haddaad rabto inaad sii waddo, waa inaad u nasato oo dib usoo billowdo," ayuu yidhi Dr Herman Pontzer oo ka tirsan jaamacadda Duke, mar uu la hadlayay BBC News.

Mowduucyada la xiriira