Wiil laga helay cudurka Ebola dalka Uganda

Tan iyo bishii August waxaa cudurka Ebola ugu dhintay Congo 1,4000 oo qof. Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Tan iyo bishii August waxaa cudurka Ebola ugu dhintay Congo 1,4000 oo qof.

Hay'adda caafimaadka aduunka ee WHO ayaa xaqiijisay in wiil shan jir ah gudaha dalka Uganda laga helay cudurka Ebola.

Hay'adaha caafimaadka iyo khubarada ayaa horey uga digay in haddii cudurkan uu ka soo talaabo xadka Congo ay arrintaasi tahay mid xaaladda sii murjinaysa.

Sida ay sheegeen saraakisha caafimaadka Congo, wiilkani 5 jirka ah ayaa u soo talaabay xadka dhanka Uganda Isniintii isaga oo ay weheliyaan 5 ka mid ah xubnahaoo qoyskiisa.

Qoyskan ayaa markii hore ku noolaa Uganda, balse Congo u aaday si ay u booqdaan mid ka mid ah qaraabadooda oo la ildarnaa cudurka Ebola.

Qoyska oo guud ahaan ka koobnaa 14 xubnood ayaa Isniintii yimid xuduuda si ay dib ugu soo laabtaan Uganda.

12 qof oo ay 7 caruur ah ka mid yihiin 7 ayaa lagu arkay calaamadaha cudurka Ebola waxaana loo gudbiyay xarun lagu karantiilo oo ku taalla dalka Congo.

Balse sida ay sheegen hay'adaha caafimaadka 6 ka mid ah xubnaha qoyskaasi ayaa ka so baxsaday xaruntaasi iyaga oo lugaynaya islamarkana si dhuumaaleysi ah ku soo galay dalka Uganda.

Qoyskan ayaa markii dambe lagu baaray isbataal ku yaalla Uganda halkaasi oo wiil ka mid ah la xaqiijiyay in uu cudurka Ebola haleelay.

Waa kiiskii ugu horreeyay oo cudurka Ebola ah oo la xaqiijiyo dalka Uganda e dariska la ah Jamhuuriyada dimuqradiga ee Congo.

Cudurka Ebola ayaa horey uga jiray dalka Jamhuuriyada dimuqraadiga ee Congo.

Tan iyo bishii August waxaa cudurka Ebola ugu dhintay Congo 1,4000 oo qof.