Xanuunka cunug uu xildhibaan dhalay oo xeer loo baddalayo

David Linden iyo gabadhiisa Jessica
Image caption David Linden iyo gabadhiisa Jessica

Xildhibaan lagu magacaabo David Linden ayaa markii ay gabadhiisa xanuunsatay sanadkii la soo dhaafay shaqadiisa ka fadhiistay.

Wuxuu hadda rabaa inuu sharciga baddalo si ay waalidiinta u helaaan fasax dheer xilliga ay carruurtooda ku jiraan xaalad miyir beel ah.

Xildhibaankan oo laga soo doortay bariga magaalada Glasgow ee Scotland ayey gabadhiisa gashay xaalad caafimaad darro oo aad u xun, iyada oo dhalatay ka hor inta aysan bila dhamaysanin bishii September.

Waxaa uu sheegay in aabayaasha ay ilmahooda xanuunsaneyn loo baahnayn inay ka walwalaan shaqooyinkooda.

Lahaanshaha sawirka David Linden
Image caption Gabadha Mr Linden

Sharciga hadda ka jira Ingiriiska, ayaa lammaanayaasha siinaya laba isbuuc oo fasax ah, 56 maalmood kaddib marka ay dhalaan.

Mr Linden waxa uu BBC-da u sheegay in waalidiinta ay ku khasban yihiin inay shaqada ku laabtaan ilmahooda oo wali xanuunsan, taasi oo ah dhibaato weyn oo ay waalidiinta wajahayaan.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu codsaday in waalidiinta la siiyo magdhaw maalin walba ama isbuuc walba oo ay carruurtooda ku jiraan xaalad caafimaad oo aad u xun, lana hirgeliyo sharci waalidiinta siinaya fasax dheeraad ah.

Waxa uu sheegay in sharcigan uu ka jiro dalal badan oo ay ka mid tahay Sweden.

Image caption Carruurta Mr Linden ayaa dhashay iyaga oo aanan dhamaysanin sagaalka bilood

"Markii uu wiilkayga dhashay waxaa la geliyey qayta xaaladda aadka u adag," Ayuu yiri.

"Isbuucii ugu horreeyey ee noloshiisa waxa uu ku dhamaystay dhalada ilmaha yar lagu xanaaneeyo. Dhakhaatiirta waa ay diideen inaan la kulanno ilmaheenna yar."

Gabadhiisa Jessica waxa ay dhalatay bishii September.

"Waxa ay qabtaa dhibaato dhanka neefsashada ah, taasi oo ay micnaheeda tahay inay xanuunsaneyd sideedda bilood ee nolosheeda ugu horreysay." Ayuu yiri.

Mr Linden waxa uu sheegay inuu aad u nasiib badnaa maadama uu ahaa xildhibaan la soo doortay uuna helay wakhti uu ku caawiyo xaaskiisa xilligii ay isbitaalka ku jirtay.

"Waxaan u malaynayaa in shacabka ka soo jeeda deegaankeyga ay fahmi doonaan isbuucyada aan isbitaalka kula jiray gabadhayda yar." Ayuu yiri.

Maalintii Talaadada ahayd Mr Linden waxa uu baarlamaanka u soo bandhigay xeerkan cusub, dowladda Ingiriiska ayaana ku dhawaaqday in wadahadallo ku saabsan arrinkan la billaabayo.

Mr Linden waxa uu sheegay in dowladda ay horeyba u samaysay dadaallo ay wax uga qabanayso hindisiya sharciyeedkan.

"Waxay qoys sidayda oo kale ah uga baahanyihiin dowladda ayaa ah go'aan aanan qaadan wakhti dheer." Ayuu yiri.

Mowduucyada la xiriira