Mareykanka oo ka walaacsan awoodda Ruushka ciidamo na u diraya Poland

madaxwayne Trump Lahaanshaha sawirka JIM WATSON/GETTY IMAGES
Image caption madaxwayne Trump

Dowlada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay ka baaraandagayso in ciidamo kale oo dhan 2000 u dirto dalka Poland, xilli ay sii kordhayso walaaca ku saabsan khatar militari ee ka iman karta Ruushka.

Arrintan ayaa timid ka dib kulan ay aqalka cad ku yeesheen madaxwayne Trump iyo madaxwaynaha Poland Andzrej Duda.

Sanadkii aanu soo dhaafnay waxay Poland bixisay lacag dhan 2 bilyan oo doolar si loogu maalgaliyo saldhigyo Poland laga hirgaliyay sida uu sheegay madaxwaynaha Poland Andzrej Duda.

Ciidamadan dheeraadka ah ee Mareykanka ayaa la gayn doonaa qayb kala duwan oo ka tirsan Poland,waxaana ay ku biiri doonaan 4,500 oo ciidamada Mareykanka ah oo horey halkaasi ugu sii sugnaa.

Madaxwayne Duda ayaa bogaadiyay heshiiskan oo ku tilmaamay hormar la sameeyay balse aysan helin Poland wixii ay horey u rajaynaysay.

Xukuumadda Warsaw ayaa doonaysay guuto ka tirsan ciidamada Mareykanka taasi oo ka badan 10 jeer ciidamada imika loo ballanqaaday ee sida joogtada ah u joogi doona Poland.

Madaxwayanha Poland ayaa xusay in uu rajaynayo in la kordhin doono tirada ciidamada Mareykanka ee Poland ku sugan.

  1. Maraykanka oo ciidan geeyay Poland
  2. Poland oo qoonsatay hadal ka soo yeeray Israa'iil
  3. Poland:Muran ka dhashay isbadal lagu samaynayo sharuucda garsoorka

Madaxwaynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa dhankiisa sheegay in saldhiga Poland uu noqon doono mid muhim ah.

Madaxwayne Trump ayaa mar kale carabka ku dhuftay in dowladda Jarmalka aysan kaalin wanaagsan ka qaadanayn gaashaanbuurta Nato islamarkana ay Berlin la-hayste u tahay sida uu hadalka u dhigay Ruushka oo Gaas badan ka iibiya kana faa'ida.

Dalka Poland iyo dalalka kale ee bariga Yurub ku yaalla islamarkana ka tirsan Nato ayaa ka walaacsan in ay noqon karaan bartilmaameedka labaad ee Ruushka ka dib markii ay Ruushka faragalin ku sameeyen dalalka Georgia and Ukraine.

Mowduucyada la xiriira