Khasaaraha ka dhashay weerar ka dhacay Mali oo ka yar sidii horey la filayay

Tuulada Dogon Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Tuulada Dogon

Dowladda Mali ayaa hoos u dhigtay tiradii ku dhimatay weerar ka dhacay bartamaha dalkaasi oo ay markii hore sheegtay in ay ku dhinteen dad ku dhaw.

Balse xukuumadda Mali ayaa imika sheegtay in markii la fuliyay baaritaano hordhac ah ay muujinayaan in tirada dhimatay ay tahay 35 qof.

Warka ku saabsan in ku dhawad 100 qof lagu dilay bartamaha Mali ayaa Isniin si wayn loo baahiyay.

Balse imika dowlada Mali ayaa soo saartay bayaan cusub oo ay ku sheegayso in tirada jahwareer uu ka dhacay islamarkaana tirada dhimashada aysan ahayn intii hore loo sheegay.

Waxaa keenay qaar ka mid ah jahwareerka ayaa ahaa xaqiiqada ah in maydadka ay si ba'an u gubteen ka dib markii dadka weerarka gaystay ay dab qabadsiiyeen guriyaha tuulada uu weerarka ka dhacay.

Sida ay sheegtay dowladda Mali 35 qof ee dhimatay 24 ka mid ah waxay ahaayeen caruur.

Bayaanka ayaa intaa ku daraya in 6 qof loo xiray dhacdadan islamarkana su'aalo la waydiinayo.

  1. Hogaamiye Islaamiyiinta Mali ka tirsan oo maxkamad la hor geeyey
  2. Mali: Tuulooyin lagu dilay 130 qof
  3. Tirada Qaxootiga ka cararaya dagaalada Mali oo korodhay

Saacado ka dib markii uu weerarkaasi dhacay ayuu wasiirka cadaaladda ku dhawaaqay in baaritaan ay bilaabi doonaan.

Howlgalka nabad ilaalinta Qaramada Midoobey ee Mali ku sugan ayaa dhankooda u diray goobta uu weerarka ka dhacay khubaro dhanka xuquuqda aadanaha oo xaqiiqo raadin ah.

Iyada aysan jirin cid sheegatay masuuliyadda weerarka ayaa hadana waxaa sareysa xiisadda tan iyo intii lagu eedeeyay qoomiyada ugaarsatada ah ee Dogon in ay fuliyeen weerarkii bishii March lagu qaaday tuulo ay daganaayeen qoomiyadda Fulani.

Dowladda Mali ayaa imika ku tilmaamtay dadkii ka dambeeyay weerarka in ay yihiin kuwa looga shakisan yahay argagixiso.

Mowduucyada la xiriira