Caafimaad ahaan maxaa ku jaban in dhiig la bixiyo?

Person giving blood Lahaanshaha sawirka Getty Images

Sida ay sheegayso hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO, inta badan dadku waxay ku deeqi karaan dhiigooga haddii ay caafimaad qabaan.

Dabcan waxaa sidoo kale jira talooyin ama aragtiyo sii xoojinaya cabsida iyo walwalka laga qabo dhiig bixinta.

Aragtidaasi khaldan waxaa ka mid ah;

Dadka aan hilibka cunin dhiig ma bixin karaan

Walaaca ayaa intiisa badan ku qotoma maadaada ayoonka ee ku jirta dhiigga - waa qaybta ugu muhiimsan dhiigga - waxaana walaaca keenaya in waxyaabaha sida khudradda oo kale ah ay ku yar tahay maadadani. Balse haddii aad cuneyso cunno isu dheelitiran, waa in aad cunnadaasi ka heshaa in kugu filan oo ah maadadaasi.

Haddii maadadaasi ay ku yartahay jirkaaga, marna laguma oggolaan doono in aad dhiig ku deeqdo sababa caafimaad awgood. Dalalka intooda badan waxaa la eegaa oo baaritaan lagu sameeyaa dhiigga guud ee qofka, haddii uu dhiigiisa yar yahayna looma ogolaado in uu dhiig bixiyo oo uu ku deeqo.

Sawirrada iyo qoraallada aan go'ayn ee jirka lagu xardho iyo dhagaha oo la duleeshado ayaa kaa mamnuuci karaya

Ma jirto wax mamnuuc ah, balse waxaa jira wakhti la sugo oo u dhexeeya marka uu qofku jirkiisa ku xardho sawir ama qoraallo aan go'ayn ama uu dhagaha durto iyo inta u dhaxeysa xilliga uu qofka dhiigga bixinayo.

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Hay'adda WHO waxay ku talinaysaa in qofku uu sugo muddo lix bilood ah ka dib marka uu jirkiisa xardho, 12 saacadood ka dib marka uu qofku dhagaha durto iyo 24 saacadood ka dib marka uu qofku booqdo dhakhtarka ilkaha ama bil ka dib marka arrin weyn oo ilkaha la xiriirta loo sameeyo.

Dhiig ma bixin karaysid haddii aad xanuunsan tahay, uur leedahay, da'daadu yartahay ama xitaa aad aad u gabowday

Taasi waa mid run ah. Dadka baaritaan ka dib la ogaaday in ay qabaan xanuunka HIV/AIDS, cagaarshow, waraabowga, qaaxada iyo infakshannada kale ee laysku gudbin karayo ma aha in ay dhiig ku deeqaan oo ay bixiyaan.

Astaamaha muujinaya hargabka, cune xanuunka, xanuun dhanka caloosha ah ama infekshan kale ayaa sidoo kale qofka loogu diidi karaa in uu dhiiggiisu ku deeqo.

Waa in aad si buuxda uga soo kabsatay infekshin kasta ee kugu dhacay ugu yaraan 14 maalmood ka hor inta aanan dhiig laga bixin.

Haddii aad qaadanaysay dawooyinka antibiyootigga waa in aad sugtaa toddobo maalmood ka hor inta aadan ku deeqin dhiig.

Isticmaalka dawooyinka kale iyo wakhtiga ay tahay in aad sugto ka hor inta aadan dhiig bixin ayay waddamada ku kala duwan yihiin.

Haddii aad uur leedahay, naas nuujinayso ama aad dhawaan umushay ama xitaa aad ilmo iska soo ridday, waa in aad sugtaa xoogaa ka hor inta aadan dhiig ku deeqin.

Hase-yeeshee, dhiigga xaylka ama caadada ma noqon karayo qiil uu qofka u bixin waayo ama ugu deeqi waayo dhiig.

Da'da ugu yar ee qofku uu dhiigga bixin karo ayaa ah 16 sano, taa oo ku xiran da'da sharci ahaan waddan kastaa uu u arko in qofku uu qaan gaar ku noqonayo isla markaana uu qaadan karayo go'aan iskiis ah.

Ma jirto da' cayiman oo qofka marka uu gaaro uusan bixin karin dhiigga balse inta badan waddamada caalamka ayaa cayimay ugu dambeyn 70 sano.

Dadka dhiigga bixiyay muddo afar jeer ah ayay tahay in ay taxaddar muujiyaan, gaar ahaan waddamada ay liidato nolasha dadka.

Nolosha qofka waxaa soo wajihi kara xaalado kala geddisan oo halis ah. Qaar ka mid ah arrimahani ayaa qofka ka joojin kara in uu dhiig ku deeqo.

Hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegeysa "dabeecadaha khatarta badan ee dhanka galmada" sida in qofku uu u galmoodo dhawr qof oo kala geddisan, dumarka ka ganacsada jirkooga, iyo xitaa ragga isu galmooda ayaa qofka ka hor istaagi karo in uu dhiig bixiyo.

Isticmaalka maandooriyaha ayaa sidoo kale qofka ka hor istaagi kara in uu bixiyo dhiig iyo sidoo kale in qofku uu dhawaan booqday dhulka ay ku badan yihiin cudurrada duumada iyo Zika.

Waddamada qaar ayay suurtagal tahay in ay iska mamnuucaan bixinta dhiigga sababo la xiriira "waxa ay u arkaan hawlaha halista leh" balse mamnuucista qaar ayaa loo arkaa mid aan sharci ku dhisnayn.

Marnaba dhiigga kaa dhammaan maayo

Lahaanshaha sawirka Getty Images

Qofka qaangaarka ahi ayaa qiyaastii waxaa jirkiisa ku jira ilaa shan litir oo dhiig ah, waxayna taa ku xiran tahay miisaanka ama culeyska qofka. Halkii mar ee uu qofku dhiigga bixinayo ayaa waxaa uu bixinayaa qiyaastii 500ml oo ah dhiggiisa qaaliga ah.

Inta badan dadka qaan gaarka ah ee caafimaadkoogu taamka yahay ayaa muddo u dhaxeysa 24 ilaa 48 saacadood gudahood ku soo ceshanaya dhiiggii ka baxay.

Haddii la soo koobo, waa in…

  • Caafimaadkaagu uu wanaagsan yahay
  • Miisaankaagu uu u dhaxeeyo 50 ilaa 160 kiilo.
  • Da'daadu ay u dhexayso 18 iyo 66 (waddamadu waa ay ku kala duwanaan karaan)
  • Aadan lahayn uur ama aadan naas nuujinayn
  • Aadan qabin caabuqa HIV

... marka la eego arrimahaasi oo dhan waxaa suurtagal kuu ah in aad dhiig ku deeqdid.

Mowduucyada la xiriira

Warar kale oo dheeraad ah oo la xiriira qodobkan