Maxay BBC-da u difaacday ninkan Imaamka ah?

Imam Abdullah Patel
Image caption Imam Abdullah Patel

BBC-da ayaa difaacday nidaam ay baaritan ku wadday kaddib markii mid ka mid ah martida barnaamijka doodda hoggaanka ee BBC-da lagu eedeeyey inuu barta Twitter-kiisa uu ku soo qoray hadallo Yuhuud nacayb ah.

Imaam Abdullahi Patel waxa uu sheegay inuusan hadallo nacayb ah u soo jeedinin "walaalihiisa" Yuhuudda ah balse uu ka hor yimid sharciyada iyo nidaamyada Israa'iil.

Afhayeen u hadlay BBC-da ayaa sheegay, "Haddii aan ogaan lahayn ra'yigiisa ku saabsan arrinkan ma aanan dooran lahayn awalba."

Mr Patel ayaa waxa sidoo kale laga joojiyey shaqadiisii ahayd madaxa Iskuul ay gabadhaha wax ka bartaan.

BBC ayaa sheegtay in farriintiisa uu ku qoray barta Twitter-ka ay timaadday ka dib markii uu tiray cinwaankiisii hore, ka hor inta uusan doodda ka qayb galin maalintii Talaadada ahayd.

Dugsiga hoose ee Al-Ashraf ayaa soo saaray bayaan ay ku sheegeen in dugsiga laga ceyriyay Mr Patel.

Mr Patel ayaa BBC u sheegay in Iskuulka uu xaq u leeyahay inuu sameeyo baaritanno.

"Ma rabo inaan go'aankooda ka hadlo," Ayuu intaa ku daray.

Mr Patel ayaa sheegay inuu xiriir wanaagsan la leeyahay bulshada Yuhuudda ah uusanna nacayb kala dhexeyn.

"Cambaaraynta kama aysan imaanin bulshada Yuhuudda, balse haddii aad eegto fariimahayga dhanka Twitter-ka waxa aad ogaanaysaa inaan taageero u muujinayay," Ayuu yiri.

Hase yeeshe, waxa uu sheegay inuu ku saxnaa cambaarayn kasta oo uu u soo jeediyey "siyaasadda Israa'iil."

Su'aasha Islaam nacaybka

Mr Patel waxa uu ka mid ahaa xubna ka tirsan shacabka oo lagu casuumay inay su'aalo weydiiyaan shan xubnood oo loo qabtay dood dhanka hoggaanka ah.

Waxa uu xubnaha baarlamaanka weydiiyey su'aal ku saabsan Islaam nacaybka oo ay bulshada Muslimka ah la kulanto badanaa iyo inay ku raacsanyihiin cawaaqibka ay hadaladaasi leeyihiin."

Mowduucyada la xiriira