Warbaahinta Masar oo inteeda badan aanan soo hadal qaadin geeridii Mursi

. Lahaanshaha sawirka Extra News

Geeridii Maxamed Mursi, madaxweynihii hore ee Masar waxa ay ciwaano waaweyn u samaysay guud ahaan warbaahinta caalamka, balse taas xaalka waa uu ka duwanaa qalabka warbaahinta dalkii uu muwaadhinka ka ahaa, marna madaxweyne kasoo noqday intii aanan la afgambinin.

Idaacadaha la'iska arko iyo waliba wargeysyada waxa ay ahaayeen inta badan kuwa gabi ahaanba aanan soo hadal qaadin in uu geeriyooday Mursi, taas badalkeeda waxaaa boggaga hore ee wargeysyada qabsaday warar ku saabsan tartanka kubbada cagta ee Afrika ee halkaas ka socda.

Taleefishinka dowladda ayaa si darajadeedu hooseysa u xusay geerida Mursi, balse ma aysan sheegin in uu ahaan jirey madaxweynaha Masar.

Warka waxa uu ahaa mid aad u kooban, wuxuuna kaliya ahaa 42 erey oo afka Carabiga ah.

Arrintan ayaa waxa ay muujinaysaa illaa heerka dowladda Masar ay u maamusho warbaahinta dalkaas, islamarkaasna u xanibtay wararka ku saabsan geerida Mursi oo aad looga gilgishay.

Warka ku saabsan geerida Mursi ayaa warbaahinta Masar loogu direy fariimo xagga Whats app-ka, waxaana loo dhigay sidii ay dowladda doonaysay in loo sheego.

Tan iyo intii uu afgembiga ka dhacay Masar, dowladda ayaa inta badan la wareegtay qalabkii warbaahinta, qaar badan oo madax banaanaa waa la xirey gebi ahaan.

Waxaa jira hal website oo ka mid ah kuwa madaxa banana, kaasna waxa kaliya oo ay dadka ku gali karaan iyaga oo isticmaalaya habka loo yaqaano VPN oo qofka u sahlaya in dowladda aysan tixraaci karin dhaqdhaqaaqiisa xagga qadka internet-ka.

Sannadi 2015-kii, dowladda madaxweyne Cabdifataax Siisi waxa ay meelmarisay sharci argagixiso la dagaalan ah, kaas oo saxafiyiinta ka mamnuucaya in ay faafiyaan warar lid ku ah sida ay dowladda wax u sheegeyso ama doonayso in wax loo sheego.

Ururka Wariyeyaasha aan xudduuda lahayn ayaa sheegay in dowladda Masar ay cuburinayso xoriyadda hadalka.

Lahaanshaha sawirka EPA
Image caption Maxamed Mursi oo ku jira sanduuq quraarad ka samaysan

Mowduucyada la xiriira