Gabar daryeeli jirtay dadka danyarta Soomaalida oo ku geeriyootay Mareykanka

Marxuumad Deeqa Cusmaan Lahaanshaha sawirka ABC
Image caption Marxuumad Deeqa Cusmaan

Caasimadda Gobolka Arizona Phoenix ee dalka Mareykanka waxaa shil baabuur ku geeryootay Deeqa Cusmaan, oo kamid ahayd dumarka sida wayn uga dhex muuqda bulshada Soomaalida gobolkaas,

Deeqa waxay kamid ahayd dadkii ka cararay dagaalkii sokeeye ee nabadgalyada u tagay Mareykanka iyada oo 19 jir ah.

Warbixin ay diyaarisay warbaahinta ABC-15 ayaa lagu sheegay in ay bulshada Soomaaliyeed ka baxday xubin muhiim ah oo lagu yaqaanay in ka qayb qaadato arrimaha bulshada.

Deeqa ayaa ahayd hooyo kaligeed korinaysay 8 ciyaal ah oo ay ku dhashay dalka Mareykanka.

Deeqa waxay xiriir dhow lalahayd bulshada Soomaalida ee daggan magalaada,

''Waxay ka qayb qaadan jirtay taageerada, caawinta dadka aan guryaha haysan iyo sidoo kale dadka aan cunatada haysan'' sidaas waxa sheegtay Radwa oo ah gabadh ay dhashay Deeqo,

Radwa waxay qadka Taleefanka kala hadlaysay hooyadeed Deeqo markii shilka ay galaysay, ''Waxay u dhimatay si ay u caawiso qof kale.''

Lahaanshaha sawirka ABC
Image caption Goobta uu shilka ka dhacay

Deeqa waxay ka qayb qaadanaysay sidii ay u caawin lahayd darawal kale oo kamid ahaa dadka ku dhaawacmay shil isku dhac laba gaari, mid kamid ah labada gaari ayaa oo u jiitamay dhinaca Marsha biyeediga ayaa galaaftay Nafaha Deeqa iyo 36 jr diyaariyay dhawaan shahaadada Ph.D oo lagu magacaabo Jane Hurley.

Mustafe Xaaji oo kamid ah jaaliyada Soomaalida Arizona ayaa sheegay "in Deeqo ay ahayd xubin muhiim ah, wuxuuna sheegay in ay door wayn ka ciyaartay sidii loo caawin lahaa qoxoontiga Soomaalida ee la kulma diidmada sharciga kuwaas oo ay u furtay Albaabada si ay uga helaan gabbaad kuwa aan haysan meel ay aadaan, Mustafe xaaji ayaa ABC-15 u sheegay ''Waxa lagu xasuustaa Deeqo Daacadnimo iyo deeqsinimo''.

Qoyska Deeqo ayaa sheegay in loo samayn doono Aas qaran Jimcaha.

Mowduucyada la xiriira