Xaqiiqo Baarista BBC-da : Maxaa ka jira in durba la been abuuray lacagta cusub ee Kenya?

New Kenyan notes Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Lacagtan cusub ayaa sababta la doonayaa in lagula dagaallamo musqmaasuqa

Waxaa jira warar la isla dhex marayo oo sheegaya in lacagta cusub ee ay Kenya soo saartay laga sameeyay mid been-abuur ah oo suuqa la soo soo geliyay.

1000-ka shillin ee cusub iyo lacag kale ayaa dhowaan la daabacay iyadoo looga gol leeyahay in lagula dagaallamo musuqmaasuqa iyo lacagta been-abuurka ah.

Baraha bulshada ayaa lagu baahiyay wararka sheegaya in lacagahan been-abuurka ah suuqa la soo geliyay.

Si kastaba, lama hayo wax caddeyn ah oo ku saabsan arrintan.

Sidee ayay sheekadan ku faaftay?

Barta Twitter-ka caanka ah ee Ma3Route oo wararka Kenya ka socda lagu baahiyo, isla markaana ay ku xiran yihiin hal milyan oo qof, ayaa lagu wadaagay sawir la sheegay inuu yahay lacagta been-abuurka ah ee suuqa ku jirta.

"Haddii uu qof baaritaan ku sameyn karo sawirkan dadka Kenyan-ka ah ee aan waxba ogeyn way badbaadayaan. Tani waa lacagta been-abuurka ah ee suuqa ku jirta" ayaa barta lagu soo qoray.

Waxaa bartaasi lagu sheegay in mid ka mid ah sawirrada ku xardhan kunka shilin uusan sax ahayn.

Si kastaba, tani run maaha, oo sawirka iyo lacagtuba waxba kama khaldana.

Qofka sawirkaasi soo dhigay ayaa isku khalday xagga hore iyo xagga dambe ee lacagta, oo muujinaya dhismaha baarlamaanka iyo Xarunta Shirarka Caalamiga ah ee Kenya (KICC).

Labada sawirba waxay ku xardhan yihiin lacagta.

Sawirka rasmiga ah ee lacagta cusub ayaa waxaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay weriye BBC-da u shaqeeya.

Warar kale oo lacagtaasi ku saabsan

Farriin kale oo si aad ah la iskula wadaagay baraha WhatsApp iyo Twitter ayaa lagu sheegay in qof lagu khiyaamay lacag been-abuur ah oo gaareysa $170 (17,000 oo Shilinka Kenya ah).

Waxaa qoraalka la raaciyay sawir u muuqda inuu yahay lacagta cusub, waxaana dadka looga digay "inay ka digtoonaadaan lacagta been-abuurka ah".

Qaar ka mid ah dadka baraha bulshada isticmaala ayaa sheegay in lacagta sawirka ka muuqada ay leedahay kalar u gaar ah marka la barbardhigo lacagta cusub ee saxda ah.

Afhayeen u hadlay bankiga dhexe ayaa BBC-da u sheegtay in ay adag tahay in la caddeeyo sax ahaanshaha lacagta cusub haddii aanan markaas gacanta lagu haynin lacagta, isla markaana aysan weli arkin lacag been-abuur ah oo laga sameeyay tan cusub.

Waxaa jira warar sheegaya in arday dhigta jaamacad ku taalla Nairobi la xiray kaddib markii lagu qabtay 10 million oo lacag been-abuur ah.

Warkan ayaa lagu wadaagay WhatsApp-ka, waxaana lagu sheegay in lacagtu ay isugu jirtay kun shilin iyo shan boqol oo shilin.

Waxaa warka lagu sheegay in ardaygaasi 21-sano-jirka ah la xiray kaddib markii maamulka jaamacadda ay booliiska ku wargeliyeen.

Balse bankiga dhexe ayaa sheegay in kiis noocaas ah aanan iyaga lagu soo wargelin.

Mowduucyada la xiriira