Maxaa kala haysta qaxootiga Dhadhaab iyo dadka deegaanka?

Qaar ka mid ah qaxootiga Dadab ayaa halkaasi degay 1991 Lahaanshaha sawirka Reuters
Image caption Qaar ka mid ah qaxootiga Dadab ayaa halkaasi degay 1991

Waxa maanta guud ahaan caalamka laga xusaayaa maalinta qaxootiga aduunka oo sanad kasta la xuso 20 bisha June.

Sannad walba malaayiin qof ayaa lagu qasbaa in guriyahooda ay ka qaxaan si ay u aadaan goob ammaan ah.

Dadkan qaxootiga noqda ayaa waxaa sabab u ah barakacooda dagaalo,ama musiibooyiinka dabiiciga ah.

Maalinta qaxootiga addduunka ayaa waxaa loogu talagalay in ay noqto maalin wacyigalin ah oo caalamka lagu baraarujinyo dhibaatada qaxootiga guud ahan caalamka.

Qaramada Midoobey ayaa sheegtay in daqiiqad kasta ay 25 qof ay ka qaxaan goobihii ay daganaayeen iyaga u baxsada gooba y ku badbaadi karaan.

Soomaaliya waxay ka mid tahay dalalka ay 30 sano ugu dambeeyay ka qaxeen dad badan kuwaasi oo qaxooti ku ah goobo kala duwan oo caalmka ah.

Qaxootiga Soomaalida ayaa intood badan ku jira xerooyiinka qaxootiga ee Dhadhaab.

Qaar ka mid ah qaxootigan ayaa xerooyiinka ku noolaa muddo 30 sano ku dhaw.

Carruurtii ku dhashay xerooyiinka ayaa caruur ku sii dhalay taasi oo muujinaysa mudda dheer ee ay xerooyiinka Dadab ku jireen.

Haddaba iyadoo maanta caalamka laga xusayo maalinta qaxootiga adduunka ayaa waxaa intii muddo ahba taagnaa khilaaf u dhexeeyay qaxootiga xerooyiinka Dhadhaab iyo bulshada martigelisay qaxootiga.

  1. Hay'adda NRC oo sheegtay in ay xireyso barnaamijyo gargaar oo ay fulin jirtay
  2. UNHCR iyo Kenya oo lagu dhaliilay celinta qaxootiga
  3. Kenya oo hakisay xiridda xeryaha Dhadhaab
Image caption Axmed Muxumed Cabdi

Xaalufinta deegaanka.

Tirada qaxootiga ku jira xerooyiinka ayaa waxaa lagu qiyaasaa in ay ku dhawdahay nus malyuun.

Dadka ku nool deegaanka Dhadhaab ayaa ku eedeeyay qaxootiga xeryahaasi inay xaalufin ba'an ku hayaan deegaanka, maadaama ay xaabo iyo agabka dhismaha uga baahan yihiin halkaasi.

Axmed Muxumed Cabdi oo ah agaasimaha fulinta ee hay'adda RRDO oo ka shaqeysa arimaha deegaanka ayaan sheegaya in dhibaatada ay deegaanka ku hayaa qaxootiga ay tahay mid ballaaran.

Mr Axmed ayaa sheegay in dadka qaxootiga dhirtii ka dhigteen xaabo ay cunnada ku karsadaan iyo geedo ay guriyo ka dhistaan.

"Wax walba oo ay u baahan yihiin in ay dhirta soo guraan si ay guriya u dhistaan iney qoryo soo gurtaan si ay cunno u karsadan, dhulkii wuu xaalufay ",ayuu yiri Mr Axmed.

Axmed Muxumed Cabdi oo ah agaasimaha fulinta ee hay'adda RRDO oo ka shaqeysa arimaha deegaanka ayaa farta ku fiiqay in imika xitaa xoolihii meel ay daaqaan a la'yihiin.

"Dhulkii dhib badan baa gaaray runtii,xoolihii dhulka lagu ogaan jiray sida geela lo'o iyo Ariga ma laha,sababtoo ah waxay ka cunaan dhulkii ma lah ", ayuu intaa ku daray

Mr Axmed ayaa xusay in xitaa qofkii uu u baahda in uu xaabo cunno uu ku karsado helo ay imika tahay in uu masaafo dheera aado.

"Qoyihii hadda waa in 50 kiilo mitir Dadab ka fogaataa si aad qoryo u hesho ",ayuu yiri Mr Axmed.

Maxay arrintan ka qabtaa hay'adaha Qaxootiga

Dadka ku nool xerooyiinka qaxootiga ee Dadab ayaa waxaa ay ku tiirsan yihiin gargaarka ay siiyaan hay'adaha gargaar ee Qaramada Midoobey.

Axmed Muxumed Cabdi oo ah agaasimaha fulinta ee hay'adda RRDO oo ka shaqeysa arimaha deegaanka ayaa sheegay in arrintan xaalufinta dhirta ay ku wargaliyeen qaramada Midoobey,balse aysan waxba ka qaban.

"Waxa uu intaa ku daray in mar walba ay hay'adaha Qaramada Midoobey ay u sheegaan in aysan wax miisaaniyad ah u hayn wax ka qabashada dhibaatadaasi " ayuu intaa ku daray.

"Qorsho fara badan ayaa la yimid balse qaramada Modoobey waxay walba dhehdaa lacag uma hayno,deeq bixiyayaasha way jarteen deeqdoodi,arrinta ay UN meesha soo saartay ayaa waxay tahay inaan lacag loo haynin.

Dowladda Kenya ayaa marar badan ku hanjbatay in ay rari doonto qaxootiga ku jira xerooyiinka Dadab,balse arrintaasi wali ma aysan suuragalin.

Mowduucyada la xiriira