Baarlamaanka Jaamacadda Carabta: Kenya waxay ku xadgudbeysaa "deris-wanaagga" Soomaaliya

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta Lahaanshaha sawirka DAILY NATION
Image caption Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweyne Kenyatta

Jaamacadda Carabta ayaa markii ugu horreysay ka hadashay muranka dhanka badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ay soo saareen baarlamaanka Jaamacadda Carabta.

Bayaan ay maanta soo saareen baarlamaanka Jaamacada Carabta ayaa Kenya looga digay in ay ku xadgudubto xuduudaha Soomaaliya.

Baarlamaanka Jaamacadda Carabta ayaa waxa uu taageero u muujinayaa Soomaaliya isaga oo sheegay in Soomaaliya looga baahanyahay inay ilaashato midnimadeeda, nabad-gelyadeeda iyo xoriyaddeeda.

War-saxaafadeed ka soo baxay shir ururku uu ku yeeshay magaalada Qaahira ee caasimadda Masar, ayuu gaashaanka u daruuray sheegashada "beenta ah" ee ay Kenya ku dooneyso in ay ku calaamadaysato baadda Soomaaliya.

Baarlamaanka Carabta waxaa uu Kenya ugu baaqayaa inay banaanka ka marto biyaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, kuwaas oo qeyb ka ah biyaha carbeed,sida bayaanka lagu xusuay.

Baarlamaanka Jaamacadda Carabta waxaa uu ka soo horjeedaa sheegashada "beenta ah" ee Kenya, ee khariidada cusub ee ay sameeyeen, taas oo been-abuur ah ay ku tilmaameen.

"Waxaa kale oo aan ka soo horjeednaa cagajugleynta Kenya ee ah inay faragelinayaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya, iyadoo ku xadgudbeyso deris-wanaagga iyo heshiisyada caalamiga ah", ayaa bayaanka lagu yiri.

Dowladaha Carabta waxay garab-taagan yihiin Jamhuuriydda Soomaaliya oo ay sheegeen inay horey u qaadday tallaabooyin wax ku ool ah oo dhanka nabad-gelyada iyo xasiloonida ah.

Muranka dhanka badda ee u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay, waxaana sannadkii 2015-tii ay dowladda Soomaaliya maxkamadda cadaaladda ee adduunka u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya.

Dacwadaasi ayaa haatan hortaalla maxkamadda ICJ, waxaana garsoorayaasha ay oggolaadeen in maxkamaddu ay dhageysan karto dacwadda la xiriirta arrintan, inkastoo Kenya ay marwalba dooneysay in arrintan lagu dhameeyo qaab is-fahan ah oo bannaanka ka ah maxkamadda.

"Muranka badda ee Kenya iyo Soomaaliya oo sii xoogeysan kara"

Xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhaxeysa dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay sii xoogeysato, xilli hadda uu soo dhawaaday waqtigii ay maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda go'aan kasoo saari lahayd muranka xadka badda ee u dhaxeeya labada dal, Sida lagu xusay Qormo lagu daabacay wargeyska The Standard ee kasoo baxa dalka Kenya.

Warqad diblomaasiyadeed oo ay Kenya u dirtay Soomaaliya 21-kii bishii May waxay ugu hanjabtay inay awood adeegsan doonto haddii ay muwaadiniinta Soomaaliya sii wadaan ka hor imaanshahada iyo burburinta darbiga ay ka dhiseyo xuduudda dhulka ee u dhaxeysa labada waddan.

"Sii wadista tallaabo kasta oo looga hor imaado ama wax loogu dhimo darbiga xadka waxaa looga jawaabi doonaa si ay awood ku dheehantahay," ayaa lagu yidhi qormada warqadda oo ay saxiixday wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya, lana sii marsiiyay howlgalka Kenya ee Soomaaliya, ka dibna lasii gaarsiiyay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya 25-kii isla bishii May.

Maxamed Caalin oo ah aqoonyahan soomaaliyeed ayaa sheegay in Kenya ay dooneyso inay ka faa'deysto kala qeybsanaanta iyo xasilooni la'aanta ka jirto Soomaaliya si wadahadal looga gaaro muranka badda.

"Kenya waxaa ilaa hadda ka dhaadhaacsan in muranka lagu xallin karo wadahadal" ayuu yiri Maxamed Caalin.

Kenya waxay dooneysaa in dalalka gobolka ee xiriirka ka dhexeeyo inay soo dhexgalaan xallinta muranka sii loo afjaro ismari waaga diblumaasiyadeed.

"Kenya waxaad mooddaa in xiriir uu ka dhexeeyo isdhexgal iyo xiriir qowmiyadeed.. marka Jabuuti maadama ay kamid tahay qowmiyadaha soomaaliyeed ee Geeska Afrika, marka waxay isleedahay ama dhexdhexaad ka noqon kartaa arrinta"

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Kenya ay dooneyso in cadaadis dhaqaale iyo mid caalami ah ay saarto dowladda Soomaaliya si khilaafka wadahadal loogu dhameeyo.

Kenya waxyaabaha ay tirsaneyso waxaa kamid ah in Soomaaliya ay abaal u gashay balse ay adeegsaneyso siyaasado leh wajiyo kala duwan ayuu yiri Maxamed Caalin.

Soomaaliya ayaa u muuqtaa mid ka aamusan khilaafka , waxay ka dhuursugaysaa go'aanka kasoo bixi doono maxkamadda Caddaallada Adduunka ee ICJ.

Muranka dhanka badda ee u dhaxeeya dalalka Kenya iyo Soomaaliya ayaa in muddo ah soo jiitamayay, waxaana sannadkii 2015-tii ay dowladda Soomaaliya maxkamadda cadaaladda ee adduunka u gudbisay dacwad ka dhan ah Kenya.

Dacwadaasi ayaa haatan hortaalla maxkamadda ICJ, waxaana garsoorayaasha ay oggolaadeen in maxkamaddu ay dhageysan karto dacwadda la xiriirta arrintan, inkastoo Kenya ay marwalba dooneysay in arrintan lagu dhameeyo qaab is-fahan ah oo bannaanka ka ah maxkamadda.

Professor Cabdi Ismaaciil Samatar oo cilmiga Juqraafiga ka dhiga Jaamacadda Minnesota ee dalka ee Mareykanka ayaa BBC-da u sheegay inaanay u muuqan in Soomaaliya ay wax gorgortan ah ka geli doonto arinta badda.

"Anigu waxaan isleeyahay arinta ceynkaas ah suuragal u noqon mayso madaxweynaha Soomaaliya, waayo dadka Soomaaliyeed oo dhan waxay ogyihiin xaqoodu meesha uu yaallo, gorgortanna kama geli karaan arinta ceynkaas ah," ayuu yiri professorka.

Kenya ayaa la rumaysan yahay inay doonayso in arinta muranka xuduud badeedka lagu xalliyo qaab hoose, halka Soomaaliyana ay ku adkeysanayso in laga warsugo go'aanka Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee loo gudbiyay kiiskan.

Professor Cabdi Ismaaciil Samatar ayaa sheegay in haddii ay dhacdo in Soomaaliya ay gorgortan ka gasho kiiska yaalla maxkamadda, ay taasi noqon doonto "shil weyn oo siyaasadeed oo soo gaari doona wadanka Soomaaliya."

Weli Soomaaliya iyo Kenya ayaan dib isugu celin safiiraddii u kala fadhiyay caasimadahooda, waxaana la tilmaamayaa in arintaasi ay ku xiran tahay horumarka laga gaaro kulanka Arbaca dhici doona.

Mowduucyada la xiriira