Kuwee ayay ku socotaa fariinta dadban ee dowladda federaalka Soomaaliya?

Wasiirka warfaafinta Soomaaliya Lahaanshaha sawirka .
Image caption Wasiirka warfaafinta Soomaaliya

Wasaaradda warfaafinta Soomaaliya ayaa soo saartay war qoraal ah oo ay digniin ugu direyso dad Soomaali ah oo ay sheegtay in ay dhaawacayaan qaranimada Soomaaliya, islamarkaasna ka shaqaynaya ficilo dhaawici kara danaha lama taabtaanka ah, sida lagu sheegay qoraalka.

Wasaaradda waxa ay sheegtay in ay dowladda tallaabo dastuuri ah ka qaadi doonto cid kasta oo la shaqaynaysa dadka uu damaca kaga jiro xudduudaha dhulka iyo badda.

Inkasta oo waraaqda lagu caddeynin dadka loola jeedo hadane, illo wareedyo lagu kalsoonyahay, balse aanan magacooda la shaacin karin ayaa BBC-da u sheegay kuwa ay yihiin dadkan.

Madaxda Dowlad Goboleedyada

Sidaba laga fahmi karo qoraalka, islamarkaasna BBC-da loo xaqiijiyay, war murtiyeedka dowladda waxaa looga hadlayaa khilaafka dhul badeedka ee kala dhaxeeya dowladda Kenya.

Waxaa dalka Kenya galaa baxa, islamarkaasna shirar joogto ah ku qabta madaxda dowlad goboleedyada, kuwaas oo qaarkood ay illaa hadda ku suganyihiin.

Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ka tirsan oo Xamar ku sugan ayaa BBC-da u sheegay in si dhow loola socdo dhaqdhaqaaqa madaxda maamul goboleedyada, islamarkaasna digniinta wasaaradda iyaga loola jeedo.

Sidoo kale mas'uuliyiintan ayaa noo xaqiijiyay in sidoo kale digniinta ay ku socoto siyaasiyiinta mucaaradka qaarkood, iyo xitaa siyaasiyiin ku jira baarlamaanka Soomaaliya.

Raasumaal siyaasadeed

Kadib aamusnaan dheer iyo haddalo af gobaadsi ah oo ku aaddan muranka dhul badeedka ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya, ayay dowladda federaalka Soomaaliya hadda biloowday dhaqdhaqaaqyo falcelin ah.

Iyada oo aanan Kenya si toos ah loogu jawaabaynin, ayay dowladda federaalka abaabulaysaa taageero kasta oo ay u heli karto sidii ay uga hortagi lahayd Kenya oo lafteeda ku jirta xusul duubkii ugu weynaa.

Saaxiibada Soomaaliya

Waxa ay u muuqataa in dowladda federaalka ay abaabulayso saaxiibadda saaxiibada Soomaaliya, gaar ahaan ururada caalamiga ah ee ay ka tirsantahay.

Wakaaladda wararka ee SONNA ayaa noqotay ishii ugu horeysay ee soo tabisay warka ku saabsan in baarlamaanka jaamacadda Carabta ay Kenya ugu baaqeen in ay faraha kala baxdo arrimaha dhul badeedka Soomaaliya.

Inkasta oo baaqa jaamacadda Carabta aysan wax badan ka badeli karin go'aanka Kenya , haddane sida ay BBC-da u sheegeen dad u dhuun duleela arrimaha dublamaasiyadda, baaqa urur caalami ah sida Jaamacadda Carabta oo kale waxa uu leeyahay culeeskiisa.

Waxaa farta lagu fiiqay oo kale in xubinimada Soomaaliya ee Jaamacadda Carabta ay tahay faa'iido la dheeryahay Kenya oo aan ururkaasi ka mid ahayn, halka inta badan ururada kale ee caalamiga ah ee xubno ka wada yihiin labada dal sida Midoowga Afrika iyo Igad , kuwaas oo ay adagtahay in ay soo saaraan go'aan dhinac la safan.

Sida uu qorey dhowaan qoray wargeyska Daily Nation ee Kenya kasoo baxa, dowladda Kenya ayaa warqad cabasho ah u qortay dowladda Norway, taas oo lagu eedeeyay in ay Soomaaliya la safantahay.

Kenya waxa ay sheegeysaa in shirkad shidaal oo laga leeyahay Norway ay tahay tan ku lugta leh hawlaha shidaal baarista ee ay dowladda Soomaaliya heshiisyada ku gashay.

Norway ayaa loo arkaa in ay ka mid tahay saaxiibada dhow ee Soomaaliya, islamarkaasna dhankeeda u xaglinaysa, iyada oo dhowaan wasiir sare oo Norway ka socda ay tagtay Soomaaliya.

Kenya lafteeda oo aanan dab yar shidaynin, ayaa malaha isku dayaysa in ay Soomaaliya kasoo marto xagga saaxiibada. Wasiirka arrimaha dibedda Kenya Monica Juma ayaa dhowaan booqasho ku tagtay dalka Jabuuti, waxayna la kulantay madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, waxyaabihii ay ka wada hadleene waxaa ka mid ah muranka baddan.

Tallaabooyinka kale ee cusub

Shir ay qaar ka mid ah wariyeyaasha Soomaalida ku yeesheen magaalada Muqdisho, kaas oo ay ka dhex muuqdeen mas'uuliyiin ka tirsan warbaahinta dowladda ayaa lagu heshiiyay in aanan dhex dhexaad laga noqonin arrinta labada dal u dhaxaysa.

Waxaa kale oo la'isku raacay in la'iska hubiyo wararka ay arrinta badda ka qorto warbaahinta Kenya, iyada oo dowladda federaalka loogu baaqay in ay samayso xarun loogu soo hagaago xogaha badda, si baa la yiri bulshada war saxan loo gaarsiiyo.

Waxaa jira tallaabooyin kale oo aad loogu malo weynyahay in ay sababeen arrimaha jira, waxaana ka mid ah in shirarkii hay'adaha samofalka iyo deeqbixiyeyaasha loo wareejiyay magaalada Addis Ababa, halkii markii hore lagu qaban jirey magaalada Nairobi.

Mowduucyada la xiriira