Gabadh qaadatay go'aan Soomaalida qurbaha ku yaryihiin, kuna liibaantay

Faaduma Cabdiraxmaan Khalif Lahaanshaha sawirka .
Image caption Faaduma Cabdiraxmaan Khalif

Faaduma Cabdiraxmaan Khalif waa gabadh Soomaaliyeed waxay qaxootinimo ku gashay dalka Canada 1988-dii.

Waxay go'aan ku gaartay inay wax barato, waxayna ugu danbayn qaadatay afar shahaado oo kala duwan sida danbi-baarista, la talinta iyo kalkaaliso caafimaad.

Hadda waxay maamule ka tahay laanta ugu wayn ee adeegga caafimaadka bixisa ee dowlad goboleedka Alberta.

Faadumo oo BBC-da la hadashay ayaa sheegtay waxa ku dhiirageliyey dadaalka intaas la eg.

"Waxaan ogaaday in haddii aad rabtid inaad heer ka gaarto, waa inaad wax ka barataa, haddii aad doonaysid inay dadka ku xilqaaman ama albaabadu kuu furmaan waa inaad sidato mid la mid ah waxbarasha ay dadka sitaan, markii aan imid dalkaan isla markiiba waxaan ogaaday inay laba wado ii furanyihiin mid xamaali ah iyo mida waxbarashada, waxaa igi jiray qab markii aan imaanayay dalkaan oo aaminsan inaan waxwalba samayn karo." Ayey tiri Faadumo Abdirahman Khalif.

Faadumo ayaa sheegtay in qof walba uu hamigiisa gaari karo aysanna da'da ku xirnayn.

"Weligaa haddii ay niyada kaaga jirto inaad wax baratid samee intay doontaba ha noqotee, da'du wax dhibaato ah malahan marka walba qofka hamigiisa uu gaari karaa intuu rabo ha jiree, waxaan aaminsanahay inay aad muhiim u tahay inayno is caawinno, haddii qof Soomaali ah uu shaqo wanaagsan hayo waa inuu dadka dhalinyarada ah caawiyo ama taliyo haku caawiyo ama sida loo raadiyo ha u sheego ama dad kale haku xiro, aad iyo aad ayey taasi muhiim u tahay." Ayey tiri Faadumo.

Soomaali badan ayaa ka faa'iidaysatay fursadaha ay ka helaan dalalka ay u qaxeen, kuwaas oo heerar sare ka gaaray.

Mowduucyada la xiriira