John Cena oo soo bandhigay sawir lala yaabay oo ku saabsan Atariisho Hindi ah

. Lahaanshaha sawirka Hindustan Times
Image caption John Cena ayaa sawirkan uga yaabsaday dad badan

Horyaalka tartanka Musaaracada adduunka ee WWE John Cena ayaa bartiisa Instagram-ka ku shaaciyay sawir lifaaq ah oo ka sameysan wajiga atariishada Hindiga ah ee lagu magacaabo Shilpa Shetty oo la dul saaray ciyaartoyga musaaracada ee lagu la yiraahdo Steve Austin, balse si weyn loogu yaqaanno magaciisa caanka ah ee Stone Cold.

Cena oo u dhashay dalka Mareykanka ayaa sawirkaas uga yaabsaday dad badan oo aaminsanaa in uusan xitaa aqoon u lahayn Atariishada, waxaana uu muujiyay inuu xiiseeyo jileyaasha filimada Bollywood-ka ee Hindiya.

Sawirkan ayaa daba socday muuqaal uu John ugu tala galay wiilka ay dhashay Shilpa, kaasoo si weyn u taageera isaga.

John Cena, oo sidoo kale jila filimada, ayaa sawirka uu soo daabacay maalintii Jimcada ahayd ku qoray "Stone Cold Shilpa Shetty Kundra", wax faahfaahin ahna kama uusan bixinin sababta uu sidaas u sameeyay.

Dadka ku taxan bogga Instagram-ka ee ninkan sida weyn loogu yaqaanno geesinimada ciyaaraha khatarta badan ee musaaracada ayaa la yaabay arrintan, waxayna kusoo qoreen su'aalo iyo hadallo kale oo ay ku muujinayeen sida ay ula dhaceen.

Mid ka mid ah dadkaas ayaa soo qoray; "Sideed ku taqaannaa Shilpa Shetty, John?", halka mid kalena uu soo qoray "Wow... waxay u muuqanaa in John Cena qudhiisu uu xiiseeyo Bollywood-ka."

Hase ahaatee, waxay dad badan la dhaceen jacaylka uu Cena u qabo Shilpa iyo wiilkeeda yar.

Shilpa oo sawirkaas dib ugu sii daabacday boggeeda khaaska ah, si ay ula wadaagto taageerayaasheeda ayaa ku qortay "Tani waa arrin cajiib ah, ma fileynin inay dhaceyso".

Sidoo kale waxa ay iyadoo wakiil ka ah wiilkeeda u mahad celisay Cena.

John ayaa inta badan soo daabaca sawirro lagu qoslo, waxaana uu halkudhig boggiisa uga dhigay "inuu kusoo bandhigi karo wax walba".

Horay ayuuna u daabacay sawirro ku saabsan jileyaasha iyo filimada Bollywood-ka.

Cena ayaa jilaa ka ahaa dhowr filim oo Hollywood ah, sida The Marine, Trainwreck iyo Bumblebee, isagoo haddana ku guda jira jilitaanka filim lagu magacaabo Fast & Furious 9.

Mowduucyada la xiriira