Qarax ka dhacay magaalada Dhuusamareeb

.

Qarax ayaa ka dhacay maqaayad ku taalla bartamaha magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud hakaas oo uu dhaawac ka soo gaaray shan qof.

Qaraxa ayaa ka dhacay maqaayad yar oo lagu shaaho oo ku taala ka soo horjeedka xarunta Inji oo ay ka shaqeeyaan qaar kamid ah hay'adaha maamulka Galmudug.

Shanta qof ee dhaawaca ah ayaa la sheegay in afar kamid ah ay ahaayeen, gabadh maqaayadda lahayd iyo sedex caruurra oo ay dhashay.

Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu ugu horeeyay ee noociisa ah ee magaalada ka dhaca todobaadyo uun kadib markii amaanka magaalada lagu wareejiyay ciidamada dawladda.

Magaalada waxa hadda ku sugan ra'isul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre halkaas oo uu kawado shirrar la doonayo in xal loogu hello kala qayb sanaanta ka jirta maamulka Galmudug.

Qaraxa Dhuusamareeb ayaa yimid maalin uun kadib markii qarax iyo weerar lagu hoobtay lagu qaaday hudheel ku yaala bartamaha magaalada dekada leh ee Kismaayo halkaas oo lagu dilay 26 qof laguna dhaawacay dad ku dhaw lixdan qof.