Ma dhabbaa in dayaxa la tagay?

Cirbixiyeen Mareykanka ka soo jeeda oo dayaxa jooga Lahaanshaha sawirka Reuters

Ku dhawaad 50 sano ayaa ka soo wareegtay marki ugu horreysay oo la sheegay in dayax gacmeed qof sida uu dayaxa tagay.

Howlgalka hawada sare ee Apolo 11 ayaa ahayd dhacdadi ugu weyned Mareykanka iyo Taariikhda Adduunka, haddaba xaqiiqdi maxaa dhacay maxayna muhiim u tahay?

Muxuu Mareykanka ugu baahday inuu dayaxa tago?

Tartanka dhinaca hawada sare wuxuu u dhaxeeyey Mareykanka iyo Midowga Soofiyeeti, kaddib marki ay Soofiyet hawada sare u dirtay dayax gacmeedkii ugu horreeyey.

Marki uu John F Kennedy uu madaxweyne ka noqday Mareykanka sanaddi 1961-kii, shacabka Mareykanka waxay aamineen in dalkooda tartanka looga guuleystay maadaamaa xilligaasi tartanka teknooloojiyadda uu salka ku hayey dagaalkii qaboobaa.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Yuri Gagarin iyo Valentina Tereshkova

Sanadkaasi ayuu ahaa Midowga Soofiyeti waxa ay dayax gacmeed dad ay saaran yihiin hawada sare u dirtay.

Mareykanka ayaa wuxuu dhexda u xirtay sidi hawada sare dayax gacmeed uu ugu diri lahaa wuxuuna Mareykanka ku guuleystay 1962-kii, madaxweyne kennedi oo ku dhawaaqay xilligaa inuu dalkiisa dayax gacmeed hawada u dirayo wuxuu yir: "Waxaan doorannay inaan annagu aadno dayaxa!"

Tartanki hawada sare ayaa halkiisa ka sii socday 1965-kii Midowga Soofiyet waxay haddana hawada sare u dirtay dayax gacmeed keligii uu qofna la socon wuxuuna dayax gacmeedkaasi uu soo taabtay dayaxa.

Mareykanka howlgalka hawada sare siduu u qorsheeyey?

Wakaaladda Hawada Sare ee Mareykanka NASA waxay dajisatay qorshe ballaadhan oo ay ku sii hormarineyso barnaamijka dayaxgacmeedka Apolo.

Barnaamijkan oo ay ka howl galayeen 400,000 oo qof wuxuu ku kacayey dhaqaale dhan $25 bilyan oo doolar.

Lahaanshaha sawirka NASA
Image caption Dayax Gacmeedka Apolo 11 oo hawada sare loo ganayo

Siddeed cirbixiyeen ayaa loo doortay howlgalka Apolo 11, waxayna kala ahaayeen Buzz Aldrin, Neil Armstrong iyo Michael Collins.

Dayax gacmeedkan oo ah mid aad u weyn oo gantaalka sidana uu yahay Saturn V wuxuu ku shaqeeynayey barnaamijyada Apolo iyo adeegyadi uu lahaa waxaana looga tala galay inuu cirka soo taabto.

Qorshaha NASA wuxuu ahaa qalabka aasaasiga ah ee hawada sare looga baahan yahay dayax gacmeedka inta uusan caga dhigan dayaxa in meeraha Orbit la geeyo kaddibna dayaxa looga sii socdo.

Armstrong, Aldrin iyo Collin waxay kala qaybsadeen shaqooyinki dayax gacmeedka u suuragelin lahaa inuu qabto si looga gaaro ujeedki laga lahaa.

Haddaba ma khalad baa dhacay?

Kooxdi ugu horreysay oo tijaaba ka sameyso meeraha Orbit wuxuu ahaa Apolo 11, iyo sanadki 1967-kii.

Lahaanshaha sawirka NASA
Image caption Dayax gacmeed caga dhiganayo

Balse masiibadi ugu horreysay waxay dhacday inta ay tijaabadaasi socotay waxaana qarxay dayax gacmeedki caga dhigan lahaa Orbit waxaana halkaasi ku dhintay seddex cirbixiyeen oo dayax gacmeedkaasi saarneyd.

Wixi intaa ka dambeeyey waxaa bilooyin hakad la geliyey in dayax gacmeed uu dad la socdo hawada sare loo diro.

Inta lagu guda jiray Apolo 11 laftiisa waxaa dhacday cillad dhinaca isgaarsiinta oo la soo daristay dayax gacmeedka xaruunta dhulka ee laga hagayey, Koombiyuutarradana waxay bixiyeen cod digniin ah oo ay khubarada xaruunta joogtay ay horay u maqal.

Waxaana dayax gacmeedkaasi uu gaari waayey halki loo asteeyey inuu caga dhigto.

Ku socoshada dayaxa dushiisa

Dibaatadaasi marka ay dhacday 20-ka July 110 saacadood kaddib marki uu dayax gacmeedka dhulka ka maqnaa dayax gacmeedki dayaxa ayuu gaaray, Neil Armstrong ayaana noqday qofki ugu horreeyey oo dayaxa dul socdo, 20 daqiiqo kaddibna waxaa ku xigsaday Buzz Aldrin.

Ereyada uu Armstrong isaga oo dayaxa korkiisa lugeynayo uu ku hadlayey waxaa laga dhageysanayey telefishiinno caalmaka ku kala yaallay.

Laba qof oo kale oo iyaga la socdayna in ka badan laba saacadood waxay ku sugnaayeen meel ka baxsan dayax gacmeedka ay wateen iyaga oo dayaxa dushiisa sawirro isaga qaadayey oo cilmibaadhisyo kala duwanna sameeynayey.

Lahaanshaha sawirka NASA
Image caption Seddex cirbixiyeen oo hawada sare ku sugan

Cirbixiyeennadaasi marki ay dhulka u soo noqonayeen 24-ka July ayey badda Baasafika ku dul dhaceen.

Dad ka badan 650 milyan oo dunida dacalladeeda ku kala nool ayaa si toos ah talafishinnada uga daawaneysay marki ugu horreysay oo dayaxa la tagay. Guushaasina Mareykanka waxay u horseedday inuu dunida u muujiyo inuu yahay waddan awood badan.

Sideen ku ogaaneynaa iney arrintan dhab u dhacday?

1972-kii guud ahaan 6 dayax gacmeed ayaa hawada sare loo diray inkasta oo ay jiraan tagitaanka hawada sare ee inay heerar kala duwan leedahay.

Wakaaladda NASA waxay 2009-ka ay meeraha Orbit u dirtay dayax gacmeed kuwi hore ka casrisan wuxuuna soo qaaday sawirro ay tayadoodu sarreyso.

Lahaanshaha sawirka NASA
Image caption Caga dhigashada dayax gacmeedka dayaxa waxay sababtay in dabbaaldeg qaran Mareykanka laga qabto

Cir bixiyeennada iney dayaxa caga dhigteen waxay caddeyn ahaan dhulka ula soo noqdeen dhagaxaan ay sheegeen iney dayaxa dushiisa ka soo qaadeen.

Mareykanka ayaana noqday waddanka keli ah ee ay u suuragashay inuu dayaxa dad u diro ayna dayaxa ku dul socdaan.

Inkasta oo ay Ruushka, Japan, Shiinaha, iyo Hay'adda hawada Yurub, Israa'iil iyo Hindiya ay tijaabooyin ay dayaxa u direen dayax gacmeedyo uu dad la soconna ay dayaxa ka dajiyeen.

Lahaanshaha sawirka AP
Image caption Margaret Hamilton waxay ku shaqa lahayd barnaamijka Appolo uu ku shaqeeynayey iney allifto

Si kastaba ha ahaatee, tallaabbooyinka ay waddamadaasi u qaadeen dhinaca hawada sare ayaa lagu tilmaamay iney xagga teknooloojiyadda horumar ka gaareen.

Dayaxa la tagayna waxaa lagu ogaaday iney Hydrogen iyo Oxygen leeyahay uuna ku wanaagsan yahay in dayaxa laga qodo macdinta dahabka, Platinium iyo macdin aad ugu yar dhulka ama aan lagaba helin balse waddamada teknooloojiyadda horumarka ka gaaray ma sheegin sida ay arrintaa u suurageli karto.

Mowduucyada la xiriira