Mudaharaad caddaalad loogu raadinayo gabar Soomaali ah oo ka dhacay London

.
Image caption Dibadbaxayaasha ayaa tagay xafiiska ra'iisul wasaaraha

Dibadbax ay dad badan ka qeyb galeen oo caddaalad loogu dalbanayo gabar yar oo Soomaali ah ayaa maanta ka dhacay magaalada London.

Gabdha yar ee caddaaladda loo raadinayo ayaa dhawaan geeriyootay, waxaana qoyskeedu ay sheegeen in dhimashadeeda ay ka dambeysay dhibaateyn badan oo loogu geystay Iskuulkii ay dhiganeysay.

Shukri Cabdi ayaa la sheegay in muddo dhowr bilood ah lagu dhibaateynayay goobtii ay waxbarashada u joogtay.

Image caption Boorarka ay mudaharaadeyaasha siteen ayaa lagu qoray erayo caddaalad loogu raadinayo Shukri

Dadka dibadbaxa ka qeyb qaadanayay ayaa isugu tagay bannaanka hore ee xafiiska ra'iisul wasaaraha UK.

Waxa ay sidoo kale ku wareegeen qaar ka mid ah waddooyinka magaalada, iyagoo sitay boorar uu ku qoran yahay halkudhigga ka turjumaya ujeeddada mudaharaadka.

Image caption Shukri ayaa meydkeeda la helay 27-kii Juun

Meydka Shukri ayaa 27-kii bishii Juun laga helay wabiga Irwell, kaddib markii ay boolisku sameeyeen howlgal baadigoob ah.

Hooyadeed oo lagu magacaabo Zamzam Tuure ayaa qeylo dhaan u gudbisay laamaha ammaanka, markii ay gabadheeda iskuulka kasoo laaban weyday.

Dhibaatooyinka foorjada iyo qashqashaadda ah ee loo geysto ardayda ayaa sababa musiibooyin ay ka mid yihiin dhimasho iyo xanuunnada dhinaca dhimirka ah.

Mowduucyada la xiriira