Muxuu yahay masaajidka cajiibka ah ee laga helay Israa'iil?

. Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Masaajidkan ayaa laga helay dhul saxare ah oo u dhow magaalada Bedouin

Mid kamid ah masaajidyadii ugu horreeyay dunida, oo la dhisay 1,200 oo sano ka hor ayaa laga helay saxaraha Negev ee ku yaalla Israa'iil.

Cilmibaareyaasha dhinaca dhulka ee helay Masaajidkan ayaa sheegay in ay macquul tahay in la dhisay qarniyadii 7-aad ama 8-aad.

Waxay sidoo kale sheegeen inuu ka mid yahay masaajidyada ay dhif iyo naadir tahay in la helo noocooda.

Hay'adda qaabilsan waxyaabaha taariikhiga ah ee Israa'iil oo magaceeda loosoo gaabiyo (IAA) ayaa sheegtay in masaajidkan la helay xilli shaqo dhisme ah laga sameynayay goobta kuu ku aasnaa.

Lahaanshaha sawirka Israel's Antiquities Authority
Image caption Masaajidka ayaa la helay xilli ay shaqo dhisme ah socotay
Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Dad Muslimiin ah ayaa ku tukaday masaajidka taariikhiga ah ee la helay

Waa masaajidkii ugu horreeyay ee da'daas ah oo laga helo dhulkaas, waxaana uu la mid yahay masaajidyo noociisa ah oo laga helay magaalooyinka Maka iyo Qudus, sida ay hay'adda IAA sheegtay.

Khubarada lagu kala magacaabo Jon Seligman iyo Shahar Zur ayaa sheegay inay adagtahay in masaajid noocan ah "laga helo meel kale oo ka tirsan caalamka".

Cilmibaareyaasha ayaa aaminsan in masaajidkan ay xilligaas isticmaali jireen beeraley maxalli ah.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Ma'uuliyiinta ayaa sheegay in helitaanka masjid noocan ah ay tahay dhif iyo naadir

Masjidka la helay ayaa ah mid kor ka bannaan oo leh "mixraab" uu imaamka istaago.

Waxa uu mixraabkiisa jiho ahaan u jeedaa dhinaca Kacbada ku taalla magaalada Maka.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Yaser Alamor oo ka tirsan hay'adda IAA ayaa soo bandhigay dhagax laga soo saaray dhismaha masjidka

Waa mid ka mid ah masaajidyadii ugu horreeyay ee la dhisay markii uu islaamku gaaray dhulka hadda loo yaqaanno Israel, xilligaasna waxaa qabsaday dad carab ah.

Mowduucyada la xiriira