Dadka bani'aadamka sida loo maleynayo ma ka daacad san yihiin?

. Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Booorsooyinka jeebka lagu qaato ee ay dadku meelaha ku hilmamaan ayaa qeyb ka ahayd daraasadda

Dhowr sano kahor shirkad sameysa daraasadaha ayaa u kuura gashay bal inay ogaatao daacadnimad dadka bani'aadamka. Baaritaanka oo laga sameeyay fagaarayaal kala duwan oo ku yaala magaalooyin dalka Hindiya ayay shirkadda ka soo heshay 400 oo ah boorsooyinka la gashado kaararka, lacagaha iyo aqoonsiyada ee jeebka lagu qaato.

Goobahan oo kala ah bangiyada, huteelada, saldhigyada booliska, xafiisyada boostada iyo maxkamadaha ayay dad badan ku hilmaameen boorsooyinkaas, kuwaas oo baaritaan laga sameeyay.

Shaqaalaha shirkadda daraasadda sameysay oo gacanta ku dhigtay boorsooyinkaas iyo alaabtii ku jirtay ayaa gacanta ka saartay wardiyeyaasha dhismayaasha ay ka heleen iyo dadkii ka shaqeynayay halka laga helay.

Ragga baaritaanka sameeyay ayaa markii ay wareejiyeen alaabta, durbadii ba meesha isaga dhaqaaqay. Qaar ka mid ah boorsooyinka la helay ayaa waxaa ku jiray lacag lagu qiyaasay saddex doolar iyo kaarar ay ku qoran yihiin ciwaanada dadkii ay ka lumeen.

Isla kooxdii soo heshay boorsooyinkaas ee baaritaanka sameynayay ayaa waxay iska dhigeen inay iyagu leeyihiin, waxayna dib ugu laabteen isla wardiyeyashii iyo dadkii ay u dhiibeen alaabtii ay soo heleen, si ay u ogaadaan dacaadnimadooa, iyagoona arrintaas u adeegsanayay baaritaankooda.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Daraasadda ayaa waxaa laga sameeyay magaalooyin ku yaala dalka Hindiya.

Hasayeeshee waxaa daraasadda lagu ogaaday in dadkii ay alaabta u dhiibeen ay ahaayeen kuwa daacad ah oo aysan waxba kala bixin alaabtii ay u dhiibeen.

Boorsooyinkas ayaa waxaa markii dambe dib loogu celiyay dadkii lahaa oo kala joogaa magaalooyinka Ahmadabad, Bangalore, Coimbatore, Hyderabad, Jaipur, Kolkata, Mumbai iyo Delhi ee dalka Hindiya.

Arrinta se la yaabka noqotay ee aan marnaba la fileyn ayaa ahayd in boqolkiiba 43 boorsooyinkii lacagta ku jirtay dib loogu celiyay dadkii lahaa.

Warbixinta daraasadda oo dhawaan la dabacay ayaa lagu ogaaday in dadka bani'adamka ay ka daacad san yihiin sida la moodayay. Alan Cohn oo ah khabiir darsa dabeecadaha dadka bani'aadamka, waxna ka dhiga jaamacadda Michigan ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in warbixinta ay muujineyso wax aan la fileynin.

"Marka dadku ay usoo jeedsadaan sidii ay wax ugu heli lahaayeen nidaaam daacaddnimada ka fog, damaca ah in wax la qiyaano waa uu bataa". Ayuu yiri Alan Cohn.

Magaalooyinka Koonfurta ee dalka Hindiya ayaa ahaa kuwa ugu badan ee ay dadku dib u celiyeen boorsooyinka lacagta ay ku jirto iyo kuwa faaruqa ahaa, oo waxay kala ahaayeen Bangalore (66%), Hyderabad (28%), halka magaalada kale ee Coimbatore ay iyaduna noqotay magaalada ugu badan ee ay dadku dib u celiyeen boorsooyinka aanay wax lacag ah ku jirin.

Daraasadda ayaa sidoo kale muujineysa in dumarka ay ka daacad san yihiin ragga, oo dumar badan ayaa dib u celiyay boorsooyin ay lacag ku jirto iyo kuwa faaruq ah.

Lahaanshaha sawirka AFP
Image caption Daraasadaas ayaa waxaa kale oo lagu ogaaday in dadka ku nool 38 dal oo ka mid ah 40 ka wadan ay intooda badan dib u celiyeen boorsooyinkii ay lacagta ku jirtay.

Shirkadda daraasadda sameysay ayaa sidoo kale horay u sameysay daraasad tan oo kale, oo sanadihii 2013-ka iyo 2016-ka waxay 355 magaalo oo ku yaala 40 wadan ay ku daadiyeen 17 kun oo boorsooyin ah, oo ay ku jiraan lacag dhan min 14 doolar, waxaana dal walba laga bartilmaameedsaday 8 magaalo ee ugu weyn, waxaana soo baxday in dadka ku nool 38 dal oo ka mid ah 40 ka wadan ay intooda badan dib u celiyeen boorsooyinkii lacagaha ay ku jireen. jirtay.

Dalalka ugu badan ee ay dadkiisu dib u celiyeen alaabihii lumay waxay kala ahaayeen Denmark (82%) iyo Switzerland (73%), halka dalalka ugu hooseyayna ay kala ahaayeen Peru (13%) iyo dalka Shiinaha (7%) oo ugu hooseeyay.

Waxaa kale oo daraasadda lagu ogaaday in dadka ay kasii daacad san yihiin marka ay arkaan boorso aanay wax lacag ama manfac ah ku jirin.

Haddaba daraasadda maxay muujineysaa?

Daraasadan ayaa waxay muujineysaa in dadka ay ka damqadaan dadka kale ee ay alaabta ka lunto, wana taasi sabatay qaar badan oo kamid ah ay dib u celiyeen boorsooyinkii ay heleen iyo alaabtii ku jirtay.

Dadka qaar ayaa sidoo kale aaminsan in dadka aanan dib u celinin alaabtii dadka kale ka lunta ee ay heleen laga yaabo in aysan daacad ahayn ama ay mashquul san yihiin, sidoo kalena laga yaabo in ay iska hilmaameen.

Inkastoo adag tahay in qiimeyn lagu sameeyo daacadnimada dadka bani'aadamka ayaa hadana sanadkii 2015-ka, daraasad ay sameysay shirkad fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska waxaa lagu ogaaday in dadka ku nool dalalka Hindiya, Shiinaha, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed ay yihiin kuwa daacadnimada ay ku yar tahay.

Mowduucyada la xiriira