Caanaha dabiiciga ah oo laga jecel yahay kuwa aan dabiiciga ahayn

Xulashada caanaha dhirta laga sameeyo Lahaanshaha sawirka Getty Images

Waxay u muuqataa in dad badan ay ka maarmeen caanaha Lo'da iyagoo isticmalaya caanaha dhirta laga sameeyo Hadii ay ahaan laheyd Almond (mira bahda lowska), soy ama qumbaha.

Rubuc ka mid ah dadka Britishka ah waxaa ay haatan cabaan caano aanan kuwa lo'da ahayn sida ay shegeen waaxka cilmi baarayaasha suuqdaya firm Mintel kuwaasi oo la hadlay 2 kun oo qof.

Boqolkiiba 33% dadka ugu badan ee isticmaala caanaha aan dabiiciga ahayn waxay da'dooda u dhaxeeysaa 16 ilaa iyo 24 jir.

Balse caanaha aan dabiiciga ahayn ee dhirta laga sameeya waxay suuqa ka haystaan oo keli ah 4% sanadki 2018-kii halka boqolkiiba 96% ay ahaayeen caano lo'o ama dabiici ah.

"Walaaca ku aadan caafimaadka, anshaxa iyo degaanka" ayaa sare u sii qaaday iibsashada caanaha dhirta, sida uu sheegaya Emma Clifford, oo machadka Mintel u qaabilsan la socoshada cuntada iyo cabitaanka.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Less than three quarters of 16-24s now use standard cow's milk, but it only makes up 4% of the market

Labo iyo tobankii bilood ee la soo dhaafay Caafimaadka waa sababta ay boqolkiiba 37% ee da'da u dhaxeysa 16-24 jir la sheegay inay u yareeyeen inta ay caanaha lo'da ka cabijireen.

Saameynta deegaanka ayaa sidoo kale walaac ka muujiyeen kooxda- waxay sheegeen in boqolkiiba 36% beeridda geedaha caahana aysan u wanagsaneyn deegaanka.

Lahaanshaha sawirka Lyle Boenke
Image caption Sam Friskey iyo Thomas Forster oo ah aasaasaha caanaha laga sameeyo dhirta

Da'da 16-24 jir u dhaxeysa ayaa sidoo kale iibsanaya caanaha lo'da oo hoos u sii socda ilaa boqolkiiba 79% sanaddi 2018-kii halka 2019-kana ay noqotay 73% sida ay cilmi baarayaashu sheegayaan.

"Qiimaha lagu iibsado caanaha lo'da ayaa haatan hoos u dhac ku yimid xaqiiqda ayaa ah in da'yar badan ee iib sanjiray ay u wareegeen caanaha dhirta laga sameeyo" ayuu yiri Emma Clifford.

Lahaanshaha sawirka Getty Images
Image caption Less than three quarters of 16-24s now use standard cow's milk, but it only makes up 4% of the market

Waxay sidoo kale ku fakaraysa in da'yarta ay ogaadaan faa'iidada isticmaalka caanaha lo'da inay ka badan yihiin caanaha geedaha markii caafimaad ahaan loo eego.

Mowduucyada la xiriira