Hooya wiilkeeda heshay 43 sano kaddib

Hooya Xaliima Xasan iyo wiilkeda Mans Clausen marki ugu horreysay oo ay kulmeen 43 sano kaddib Lahaanshaha sawirka Mans Clausen
Image caption Hooya Xaliima Xasan iyo wiilkeda Mans Clausen marki ugu horreysay oo ay kulmeen 43 sano kaddib

Waxay arrintan dhacday 43 sana ka hor. Xaliima Xasan waxay ilmihi ugu horreysay dhashay marka ay da'deedu ahayd 20 jir waxayna ninki ugu horreeyey ay u dhashay laba carruur ah inkasta oo ay reerki khilaaf ku kala tageen.

Hooya Xaliima ayaa taariikhdeeda sida ay ilmaheeda ku weysay kaddibna u heshay uga warrantay BBN Amharic. Waxayna tiri Sidan:

Mans waa wiilki iigu horreeyey oo aan ku curtay waxaanna aniga marki ugu horreysay ula baxay Nuunu. Aniga iyo aabbihiina khilaaf xooggan oo na soo dhex maray kaddib waxay qaddartu noqotay inaa kala tagno.

Mans inta uu caloosha ku jiray xaaladdeeyda noolaleed waxay ahayd mid aad u adag, markaan umulay kaddibna wax noolal ah ma haysan oo hadba waxaan seexan jiray xaafad ay dad kale leeyihiin

Seddexdi sano oo aan la noolaa ninkeyga iigu horreeyey waxaan noolal aan buuq lahayn ku noleyn seddexdi bilood ee ugu horreysay oo keli ah.

Maadaamaa aan wiilka yar wax aan siiyo iyo aniga umusha ahaaba wax aan quuto aan haysan waxay dadki i yaqaannay igula taliyeen inaan wiilka geeyo xaruun ilmaha lagu xanaaneeyo si uu naaskayga uu ugu maarmo isla-markaana aan aniga isaga xoogsado.

Lahaanshaha sawirka Mans Clausen
Image caption Xaliima Xasan iyo ilmaheeda sawir waagaa laga qaday

Aabbahay oo aad u xanuunsan ayaa isbitaal ku jiray maalma kaddibna waa uu geeriyooday. Ilmaha yarna waxaan xaruunta ilmaha lagu daryeelo geeyey toddobaad ka hor.

Maalmo kaddib marki aan tagay halki aan ilmihi yaraa geeyey waxaa la ii sheegay in ilmihi ay kaxeystay haweeney caddaan ah dalkana ay ka baxeen, arrintaasi waxay igu noqotay naxdin tacsida aabbahay iiga daran.

Seddex bilood kaddib waxaa dibadda la iiga soo diray sawirka wiilkeyga, waxaana xilligaasi la ii sheegay oo warqad la ii soo raaciyey la iigu sheegay in haweeneyda ilmaheyda wadatay lagu magacaabo Mrs Ingrind, oo ninkeeda uu macallin ka ahaa jaamacadda Addis Ababa.

Lahaanshaha sawirka Mans Clausen
Image caption Sawirka Mans dhalinyaranimadiisi

Mans wuxuu leeyahay waxaa i soo korsaday qoys dalka Sweden u dhashay oo si wanaagsan ii soo barbaariyey waloow midabka madowga ee aan u dhashay aan xoogaha dhibaata ah kala kulmayey.

Hooya Xaliimo laga billaabo maalinti ay ilmaheeda weysay maalinna kama daalin iney wiilkeeda ay baadi goobto, iyada oo inta badan safaaradda dalka Sweden uu ku leeyahay Addis Ababa har iyo habeen la xiriiri jirtay.

Ninka labaad ee aan afarta carruurta ah u dhalay waxaan isku naqiinnay Jigjiga nin aad u wanaagsan ayuu ahaa oo weliba niyadda ii dhisi jiray markasta oo aan wiilkeyga xusuusto oo aan ooyo ilmada iga bi'in jiray.

Lahaanshaha sawirka Husein Feisel
Image caption Xaliima Xasan iyo yaraanteedi

Ninkeyga labaad wuxuu iga dhintay 28 sano markaan isqabnay seddex sana kaddibna waxaa dhintay wiilkeyga Xasan.

Xuseen Feysal oo ah wiilka guridambeyska ii ahaa ayaa billaabay baadigoob uu walaakii ku raadinayo si dhibaatada aniga i haysato uu garab iiga siiyo.

Maalin maalmaha ka mid ah oo hadda laba sano laga joogo ayey dad igu yirahdeen inaan foom ka buuxiyo bog dadka kala lumayo isku raadiyo oo la yirahdo (Ethiopian Adoption Connection) waxaanna boggaasi geliyey sawirka keli ah ee aan walaalkeey ka hayey.

Lahaanshaha sawirka Mans Clausen
Image caption Mans clausen, Hooyadii Xaliima iyo Xuseen Feysal

Mans Clausen, wuxuu yiri maalin maalmaha ka mid ah waxaa ii soo dhacday farriin laga soo diray bogga (Ethiopian Adoption Connection) oo sheegeysa in qof la raadinayo qofkaasina aad adiga noqon kartid, markiba wadnaha ayaa i garaacmay.

Marki hore waxaan isku dayay inaan dhaho aniga ma ihi laakiin markaan arkay wiilka la raadinayo qayaasta xilliga uu dhashay ayaan is iri wey dhici kartaa inaad adigu tahay la xiriir.

Fikir iyo ka fiirsasho dheer kaddib waxaan hooyadeey Xaliima u qoray farriin inkasta oo ay Ingiriisiga aad u aqoon.

Lahaanshaha sawirka Mans clausen
Image caption Mans clausen iyo sawir uu qoyskiisa Itoobiya uu la galay

Xaliima Xasan mudda hadda laga jooga qayaasti sanad iyo bar iyada oo aan salaadda subax ka hor jikada ku jirta waxaa u soo dhacay teleefan, Xuueen oo ah wiilka ay dhashay oo ordaya oo leh hooyo...hooyo...hooyo ayaa u yimid.

Wuxuuna ku yiri taleefanka qofka igula hadlaya wuxuu ii sheegay in walaalkeey la helay, farxad ayaan kala badannay qaylo iyo mashxarad ayaan isku darnay.

Waxaana la ii sheegay iney gabar barri marka uu waaga si fiican u baryo ay warqad dhambaal ah ii keeneyso, waxayna ii keentay sawirka wiilkeyga ee ugu dambeeyey, anigana waxay iga qaadday sawir.

Farxadda aan xilligaasi dareemay ma aha mid aan cabbiri karo runti.

Wuxuuna ii soo qoray farriin uu ku sheegayo hooyadeey haddii ay raalli ka tahay inuu doonayo inuu Itoobiya yimaaddo wuxuuna u soo safray Addis Ababa.

Mans wuxuu sheegay marka uu ka soo degay gagada diyaaradaha caalamiga ee Addis Ababa iney airboorka dhexdiisa ay aad ugu ooyayeen hooyadeey Xalii, Xuseen, Muna iyo Iskindir, ilaa iyo hadda waxaan xusuustaa farxaddi hooyadeey wajigeeda ka muuqatay.

Wax badan oo iga maqnaa ayaan hadda helay, qof dhammeystiran ayaan hadda ahay wixi intaa ka dambeeyey waxaan jecleystay inaan Itoobiya iska jooga oo aan dalka sweden dib ugu noqon.

Lahaanshaha sawirka Husein Feisel
Image caption Hooya Xaliima xasan oo wiilkeeda soo dhaweyneyso sawir laga qaaday

Ugu dambeyn, Xaliimo waxay sheegtay iney hadda aad u faraxsan tahay 43 sano kaddibna ay wiilkeeda heshay qoyski wiilkeeda sida quruxda badan ugu soo koriyeyna mahad gaar ah ay u soo jeedineyso.

Mowduucyada la xiriira