Shacab ka hortagay Al-Shabaab hubeysan

. Lahaanshaha sawirka Standard Digital
Image caption Xubnaha Al-Shabaab

Barqanimadii maanta oo Axad, waxaa deegaan hoos taga degmada Ceelwaaq ee ka tirsan ismaamulka Mandheera ka dhacday arrin si weyn loo hadal hayo, ka dib markii dad shacab ah ay hor istaageen rag ka tirsan Al-shabaab oo doonayay inay weerar geystaan.

Ugu yaraan 3 nin oo hubeysan ayaa isku dayay inay weerar ku qaadaan goob uu ka socday dhismaha isbitaal maxalli ah, iyagoo "damacsanaa inay halkaas ku laayaan dadka aan deegaanka kasoo jeedin".

Balse kahor inta aysan goobta gaarin ayey qaar ka mid ah shacabka deegaanka ku wargaliyeen shaqaalihii dhismaha waday inay halkaas isaga cararaan, sida uu shaaciyay wargeyska Standard ee dalka Kenya.

Booliska iyo goobjoogeyaal uu soo xigtay wargeyska ayaa sheegay in qiyaastii 20 shaqaale ah ay halkaas ku sugnaayeen.

Sidoo kale markii ay ragga hubeysan u dhaqaaqeen dhinaca goobta uu dhismaha ka socday, waxaa ishortaagay shacab badan oo u sheegayay inaysan meeshaas joojin cid aan deegaanka kasoo jeedin.

Qalabkan aad haysato kuma ciyaari kartid maqalkan iyo muuqaalkan
Saameyn ka dhalatay weeraro ka dhacay degmada Libooyo

Taliyaha booliska ee gobolka Waqooyi bari Maxamed Biriq ayaa wargeyska Standard ku yidhi: "Waxay is-hortaageen ragga hubeysan ee ku wajahnaa goobta dhismaha, wayna ku guul darreysteen inay helaan wixii ay doonayeen. Rasaas ayey fureen laakiin ma jirin cid wax ku noqotay, isla markiina dableydii way baxsadeen".

Wuxuu intaas ku daray in tallaabada ay shacabku qaadeen ay ku badbaadiyeen nolosha dad farabadan.

Booliska ayaa shaqaalaha uu bartilmaameedka ahaa geeyay bartamaha magaalada Ceelwaaq, iyadoo laga cabsi qabay inay weerarro kale dhacaan.

Waa markii labaad ee ay shacabka Mandheera u istaagaan inay badbaadiyaan dadka aan deegaanka kasoo jeedin ee bartilmaameedka u ah Al-Shabaab.

Lahaanshaha sawirka Standard Digital
Image caption Saalax Sabdoow Faarax

Dabayaaqadii 2015-kii ayey dad saarnaa Bas weerar lala beegsaday isku gadaameen dadka aan muslimiinta ahayn ee ay kooxdii weerarka fulisay isku dayayeen inay laayaan.

Macallin lagu magacaabi Saalax Sabdoow Faarax oo ka mid ahaa dadkii howshaas kaalinta weyn ka qaatay ayaa goor dambe u geeriyooday dhaawac maalintaas gaaray.

Dhacdadan ugu dambeysay ayaa kusoo aadday xilli hadda ay socdeen dadaallo badan oo lagu doonayay in dib loogu billaabo howlihii qodista dhagaxa ee gobolkaas.

Wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Fred Matiang'i ayaa bishii lasoo dhaafay mas'uuliyiinta Mandheera u ballan qaaday in dib loo billaabi doono howshaas balse hab loogu talagalay la marin doono.

"Dowladda ku talagalkeeda ma aha inay curyaamiso ganacsiga Mandheera. Walaaca kaliya ee aan qabno waa ammaan darrada heysatay shaqaalaha dhagaxa qoda", ayuu yidhi Matiang'i.

Mowduucyada la xiriira